Thursday, August 16th, 2018
Raadi oo Ku qor Halkan wararkii hore

Somaliland Democracy Watch Organisation - SDWO.COM 

To Promote Democracy In Somaliland                 SomalilandNews.net

YOUR ARTICLES

Welcome To SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ----- SomalilandNews.net

Bulshadda Ceel-Afweyn Oo Gacmaha Isu Qabsaday In Colaadii Dhamaatay

Published on August 7, 2018 by   ·   No Comments

Ceel-Afweyn (SDWO): Dadweynaha degmadda Ceel-Afweyn oo maanta meel fagaare ah isugu soo baxay ayaa shaaciyay in ay nabadgelyo, cafis iyo isa-saamaxaad ka dhex abuurantay kadib muddo ergooyin ay hawshaasi u fadhiyeen halkaas.

vlcsnap-0116-05-17-04h08m18s485

Isu soo baxaasi ayay bulshadda Ceel-Afweyn ku muujinayeen siday uga xun yihiin dhibaatadii hore u soo dhex martay dadka walaalaha ah iyo in ay dhamaatay colaadii, isla markaana ay gacmaha isku qabsanayaan sidii ay uga wada shaqayn lahaayeen danahoodda.

Waxaana isu soo baxaasi ka qayb qaatay qaybaha kala duwan ee bulshadda degmadaasi ku nool sida waxgarad, waayeel, culimo, haween iyo dhalinyarro, kuwaasoo iyagoo gacmaha is haysta ku dhawaaqayay in ay dhamaatay colaadii u dhaxaysay.

Isu soo baxan balaadhan ee ay reer Ceel-Afweyn ku shaacinayeen in colaadii ay soo xidhantay waxaa hadalo ka jeediyay xubno isugu jiray madax dhaqameed, salaadiin,  odayaal iyo waxgarad.

Halkan Ka Daawo Hadaladoodii:

SDWO/Hargeisa Office

 

 
,, ,,,.