Thursday, August 16th, 2018
Raadi oo Ku qor Halkan wararkii hore

Somaliland Democracy Watch Organisation - SDWO.COM 

To Promote Democracy In Somaliland                 SomalilandNews.net

YOUR ARTICLES

Welcome To SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ----- SomalilandNews.net

“Wax sheeg wuu dhamaaday, wixii fidmo inagula dhex jira ee qori Dableh la ordaya Alle ha inaga qabto, qurbe jooga waxaan”… boqor Buur-madow

Published on August 7, 2018 by   ·   No Comments

Ceel-Afweyn (SDWO): Boqor Cismaan Aw Maxamuud, oo ku magac dheer Buur-madow, ayaa si adag ula hadlay dadka qurbe joogta ah ee wadamadda dibadda ka soo dira fariimaha colaadda iyo dhibaatadda sii hurinaya oo uu ku tilmaamay in baraha bulshadda ee Internet-ka ay soo dhigaan fariimo fidmo abuur iyo kicin ah.

3 3

Waxaanu sheegay in hadda laga bilaabo ay  bulshaddu  gacmaha isku qabsadeen nabadgelyo, isla markaana  ay dhamaadeen waxyaabihii ay soo diri jireen kuwii fidnadda kula dhex jiray dadka walaalaha ah.

Boqor Cismaan Buur-madow,  waxa uu sidan ka sheegay hadal qiimo badan oo uu maanta ka jeediyay fagaare ay isugu soo baxeen dadweynaha ku nool degmadda Ceel-Afweyn oo ay ku muujinayeen in la soo af-jaray colaadii beelaha walaalaha ah u dhaxaysay.

Hadal dheer oo uu fagaarahaas ka jeediyay Buur-madow waxa uu si gaara fariin ugu diray dadk qurbe joogta ah, nabadda ay bulshadda Ceel-Afweyn isla qaateen iyo arrimo kale.

Halkan Ka Daawo Hadalka Buur-madow:

SDWO/Hargeisa Office

 
,, ,,,.