Sunday, October 21st, 2018
Raadi oo Ku qor Halkan wararkii hore

Somaliland Democracy Watch Organisation - SDWO.COM 

To Promote Democracy In Somaliland                 SomalilandNews.net

YOUR ARTICLES

Welcome To SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ----- SomalilandNews.net

Badhasaabka Saaxil Oo Ka Hadlay Qoxoonti Ka Soo Cararay Colaadda Yemen Oo Berbera Ka Soo Degay

Published on August 8, 2018 by   ·   No Comments

Berbera (SDWO):  Warbixin ay soo saareen hay’adaha UNHCR iyo IOM  ayay ku  sheegeen  in todobaadkan ay ka caawiyeen sidii ay dalkooda ugu  laaban lahaayeen qoxoonti Soomaali ah oo muddo qoxoontinimo  ku  joogay  dalka Yemen.

sssssssssssspng

Qoxoontigaas oo ay tiradoodu  ahayd 116 qof   ayaa doonta siday oo ka soo baxday dekadda magaaladda Cadan ee dalka Yemen waxay Isniintii todobaadkan ka soo dejisay dekadda Berbera ee   gobolka Saaxil.

Badhasaabka gobolka Saaxil Saaxil Axmed Cismaan Xasan (Timo-cade), oo  khadka telefoonka ugu waramay Dawan  galabta  isagoo joogay Berbera, ayaa  sheegay in qoxoontigaas oo badankoodu dhalasho ahaan  ka soo jeedeen Koonfurta Soomaaliya ay u gudbeen meelihii ay u socdeen.

“Qoxoontigaasi waxay Berbera yimaadeen Isniintii todobaadkan,  kuwaasoo tiradoodu ahayd 116.   Waanay  ka soo degaan  Berbera inta badan qoxoontiyadu. Dadkaasi waxay  u badnaayeen kuwo dhalasho ahaan ka soo jeedda Koonfurta Soomaaliya. Iyadoo  ay ku jireen kuwo  Somaliland u dhashay.

Dumar, caruur iyo waayeel-ba way lahaayeen. Kuwii Koonfurta Soomaliy u dhashay way dhaafeen Berbera oo waxay u gudbeen xagga Soomaaliya oo ay u socdeen”ayuu yidhi badhasaabka Saaxil.

Badhasaabka ayaa intaas ku daray in marka dadka qoxoontiga ah ay dekadda Berbera ka soo degaan in la dejiyo xarun lagu nasiyo, isla markaana lagu baadho caafimaadkoodda iyadoo markaa kadibna loo gudbiyo meesha ay u socdaan.

Isagoo arrimahaas ka hadlayayna waxa uu yidhi “Qoxoontigu markay Berbera ka soo degaan waa la qaabilaa, oo waxaa qaabisha inta badan hay’adda Somaliland u qaabilsan qoxoontiga iyo barakaceyaasha, xarun ayaana ku taalla  Berbera  dadka qoxoontiga ah ee soconayaa marka dekadda laga soo qaado ay ku nastaan.

Kadibna qof waliba meesha uu u socday ayaa loo sii gudbiyaa. Wixii xanuunsanayana halkaas ayaa lagu daaweeyaa, oo caafimaadkooda lagu hubiyaa.

Weliba anagu aad ayaanu isaga hubinaa caafimaadka dadka qoxoontiga ah, si aanay inoogu soo talaabin xanuuno laga yaabo in meesha ay ka yimaadeen ay ka jiraan”.

sssssssssssspng

Dhinaca kale  Axmed Cismaan Timo-cade, waxa aanu wax ka waydiinay  dhaq-dhaqaaqa dhoofka xoolaha ee dekadda Berbera, maadaama oo ay foodda inagu soo hayso ciida Carafo   oo ah xiliga xoolaha ugu badan loo dhoofiyo moosinka Xajka.

Waxaanu  yidhi “Dhaq-dhaqaaqa dekadu aad ayuu u sareeyaa xiligan, oo inta  badan waa mashquul, xoolaha xajkuna xoog ayay u socdaan.  Kuwo Cumaan tegaya, kuwo Yemen tegaya, kuwo Sucuudiga loo waddo iyo meello kale-ba, xooluhu aad ayay u badan yihiin, shaqaduna aad ayay u fiican tahay oo meel sare ayay maraysaa maalmahan”.

Dhawrkii sanadood u danbeeyay waxaa dekadda Berbera ka soo degay doonyo siday kumanaan  qoxoonti ah oo ka soo cararay colaadaha ka jir dalka Yemen, iyadoo kuwana ay noqonayaan kuwii ugu danbeeyay ee soo gaadha Berbera.

 

SDWO/Hargeisa Somaliland

Xigasho: Wrgeyska DAWAN

 
,, ,,,.