Thursday, August 16th, 2018
Raadi oo Ku qor Halkan wararkii hore

Somaliland Democracy Watch Organisation - SDWO.COM 

To Promote Democracy In Somaliland                 SomalilandNews.net

YOUR ARTICLES

Welcome To SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ----- SomalilandNews.net

“Go’doon ayaynu ku jirnaa wax saaxiiba kuma lihin aduunka, halkii aynu taagnayn maalintii aynu”… xildhibaan Obsiiye

Published on August 8, 2018 by   ·   No Comments

Hargaysa (SDWO): Xildhibaan Axmed Muuse Obsiiye, oo ka tirsan mudaneyaasha golaha Guurtidda Somaliland ayaa walaac ka muujiyay xaaladda adag ee xagga nolosha ee haysata dadka shacabka ah, taasoo uu sheegay in haddii aan dhakhso wax looga qaban in ay halis gelin karto bulshadda.

d x ob

Waxaanu xildhibaanku tilmaamay  dhibaatooyinka ugu waa weyn ee wakhtigan ka taagan dalka ay ka mid yihiin sixir barar, qiimo dhac ku yimid lacagta dalka iyo shaqo la’aanta dhalinyaradda oo meel xun maraya.

Xildhibaan Axmed Obsiiye, oo maanta xarunta golaha Wakiiladda warbaahinta kula hadlay waxa kaloo uu ka hadlay siyaasadda arrimaha dibadda Somaliland isagoona sheegay in go’doon xagga siyaasadda arrimaha dibadda ah  ay Somaliland ku jirto.

Sidoo kale xildhibaanka ayaa ka hadlay xaalada siyaasadda gudaha Somaliland, goleyaasha baarlamaanka iyo dagaalka Tukaraq iyo arrimo kale.

Daawo Xildhibaanka oo Arrimahaas Ka Hadlayay:

SDWO/Hargeisa Office

 
,, ,,,.