Sunday, October 21st, 2018
Raadi oo Ku qor Halkan wararkii hore

Somaliland Democracy Watch Organisation - SDWO.COM 

To Promote Democracy In Somaliland                 SomalilandNews.net

YOUR ARTICLES

Welcome To SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ----- SomalilandNews.net

Oromadda Hargaysa Ku Nool Oo Sheegay In Aan Wax Dhibaato ah Loo Gaysan

Published on August 8, 2018 by   ·   No Comments

Hargaysa (SDWO): Iyadoo todobaadkan ay ka dhaceen weeraro iyo rebshado u dhexeeyay qawmiyadaha Soomaalida iyo Oromadda ee wada dega dalka Itoobiya,  isku dhacyadaas oo sababay dhimasho dhaawac iyo bur-burin hantiyeed.

1 Oromiya

Waxaana  jirtay in dad ka soo kala jeedda labadaas qawmiyadood ay weeraro iyo dilal ku dhex mareen meelo ka baxsan Itoobiya, sida Puntland  oo la sheegay in dhawr qof oo qawmiyadda Oromadda ah lagu dilay magaalooyinka Boosaaso iyo Garoowe.

Caasimadda Somaliland ee Hargaysa  oo ka mida magaalooyinka ay ku nool yihiin dadka ka soo jeedda qawmiyadda Oromadda ayaan iyaga wax dhibaato ah loogu gaysan dadkaasi.

Kuwaasoo si nabad ah uga shaqaysanayay maalmahan xiisadda colaadeed ka dhex taagan tahay Soomaalida iyo Oromadda Itoobiya.

Qaar ka mida dadka Oromadda ee nool Hargaysa ayaa sheegay  in aanay wax  saamayn ah ku yeelan   rebshadaha ka socda Itoobiya ee u dhexeeya Oromadda iyo Soomaalida.

Halkan Ka Daawo Oromadda Hargaysa Degan Oo Arrimahaas Ka Hadlaya:

SDWO/Hargeisa Office

 
,, ,,,.