Sunday, September 22nd, 2019
Raadi oo Ku qor Halkan wararkii hore

Somaliland Democracy Watch Organisation - SDWO.COM 

To Promote Democracy In Somaliland                 SomalilandNews.net

​ ​

YOUR ARTICLES

Welcome To SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ----- SomalilandNews.net

Somaliland Oo Lagu Marti Qaaday Shirka Cimiladda Aduunka Oo Maraykanka Ka Dhacaya

Published on August 30, 2018 by   ·   No Comments

Hargaysa (SDWO): Dawladda Somaliland ayaa lagu casuumay shirka caalamiga ah ee cimiladda aduunka oo sanadkan ka qabsoomaya   dalka Maraykanka. Siday sheegtay wasiirka degaanka iyo horumarinta Somaliland.

721

Shirkaasi waxaa ka qayb gelaya dad gaadhaya 300 oo qof oo isugu jira madax iyo masuuliyiin dalalka caalamka ka kala socda, kuwaasoo afar dal oo Afrikaan ah oo Somaliland ka mid tahay.

Waxaana la filayaa in shirkaasi furmi doono  12-ka ilaa 14-ka bisha September ee  fooda innagu soo haysa,  isla markaana khubarada ka qayb gelaysa ee aqoonta u leh arrimaha degaanka iyo isbedelka cimiladda ay si weyn u falan qayn doonaan.

Wasiirka degaanka iyo horumarinta reer baadiyaha Somaliland Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare, ayaa  faahfaahin ka bixisay shirkaasi cimiladda ee Somaliland lagu marti qaaday waxay tidhi  “Dalalka Afrika 4 qof ayaanu nahay.

Waa dalka Ghana, Mousenbiqe, Zambia iyo Somaliland. Waxaa ka qayb gelaya 22 qof oo caalamka laga kala keenay.

Shirkani waa shir caalami ah, oo lagu marti qaaday  dad gaadhaya 300 oo qof, oo madax bani ay ku jiraan.

Waxaanu  daba socdaa shirkii Paris lagu qabtay dhamaadkii sanadkii 2015-kii,  2016-kii na la ansixiyay qodobadii ka soo baxay shirkaa hore ee 2015-kii”.

 

SDWO/Hargeisa Office

 
,, ,,,.