Wednesday, September 18th, 2019
Raadi oo Ku qor Halkan wararkii hore

Somaliland Democracy Watch Organisation - SDWO.COM 

To Promote Democracy In Somaliland                 SomalilandNews.net

​ ​

YOUR ARTICLES

Welcome To SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ----- SomalilandNews.net

Wargeyska Namibia Economist Oo Somaliland Ku Ammaanay Xukunkii Lagu Riday Niman Si Sharci Darro ah U Dhoofinayay Hari-macad

Published on August 30, 2018 by   ·   No Comments

Hargeysa (SDWO): Majaladda la yidhaahdo  Namibia Economist oo xarunteedu tahay dalka Namibia ayaa dawladda Somaliland ku amaantay xukunkii  maxkamadda degmadda Hargeysa ay ku riday  27-kii bishan laba nin oo  si sharci darro  ah dalka uga dhoofinayey lix Hari-macad.

vlcsnap-3842-10-22-12h59m32s436Logo2017

Wargeyska Namibian Economist oo  falanqeysa arrimaha dhaqaalaha iyo ganacsiga ayaa warbixintaasi baahisay  Khamiistii maanta. Siday soo werisay wakaallada wararka Somaliland ee SOLNA.

Warbaahinta Namibia Economist waxay sheegtay in  Jamhuuriyadda Somaliland ay  qalinka ku duugtay  xeerarka daryeelka iyo ilaalinta duurjoogta isla markaana ay ayiday shan qaraar  oo caalamiya oo uu ka mid yahay xeerka ilaalinta duurjoogta Afrika.

Majaladda Namibia Economist waxay intaas ku dartay in Somaliland oo ah dal rubuc qarnigii la soo dhaafay  madax-bannaanaa  oo ku yaalla  bariga Afrika ay maxkamad xukuntay   eedaysaneyaal laga soo  xidhay  5tii Bishan degaanka Ceel-sheekh.

Warkan waxa kaloo lagu sheegay in lixdaas Hari-macad ay  jireen    saddex illaa  toddoba bilood,  iyadoo xukuumadda Somaliland  xiligan ka  xanaanaynayso tamar darradii  soo foodsaartay  muddadii sida sharci darrada ah  loo haystay.

Warbixintu waxay xaqiijisay  in  ururka Sanduuqa daryeelka Hari-macadka (Cheetah Conservation Fund) oo xaruntiisu tahay waddanka Namibia ay iskaashi wada shaqeyneed oo la xidhiidha ilaalinta Hari-macadka ay la leeyihiin dawlado iyo ururada maxaliga ah ee  dalalka bariga Afrika.

Agaasimaha fulinta ururkaas  Dr Laurie Marker, ayaa bayaamiyey  inay walaac weyn ka qabaan ugaadhsiga  Harimacadka  ee ka jira  waddamada Bariga Afrika.

Waxaanu   Somaliland ku bogaadiyey  maxkamadda la saaray dadkii lagu soo qabtay iyagoo tahriibinayey   Hari-macad.

Wasiirka degaanka iyo horumarinta reer miyiga Somaliland, Marwo Shugri Xaaji ismaaciil Bandare, ayaa caddeysay inay ku faraxsan tahay  xeerarka  iyo siyaasadda ilaalinta duurjoogta  qaranka oo ay  xukuumaddu meelmarisay.

Waxa kaloo warbixinta Namibia Economist lagu sheegay in  qiyaastii sannad kasta Somaliland laga xado ilaa 300 oo Harimacad.

Maxkamadda degmada Hargeysa ayaa 27-kii bishan min saddex sannadood oo xadhig ah iyo ganaax lacageed ku xukuntay   Cumar  Yuusuf  Mahdi iyo Cumar Cismaan Maxamed oo lagu helay dambi ah inay si sharci darro ah  uga dhoofinayeen  Dalka lix Harimacad.

Halkan ka daawo warbixin ku saabsan maalintii ay maxkamadda Hargaysa xukunka riday:

SDWO/Hargeisa Office

By: Cumar Maxamed Faarax

 
,, ,,,.