Tuesday, October 27th, 2020
Raadi oo Ku qor Halkan wararkii hore

Somaliland Democracy Watch Organisation - SDWO.COM 

To Promote Democracy In Somaliland                 SomalilandNews.net

​ ​

YOUR ARTICLES

Welcome To SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ----- SomalilandNews.net

Tartan Cayaaraha Kubbada Cagta ah Oo Noociisu Aanu Hore Dalka Uga Dhicin Oo Ka Furmay Hargaysa

Published on August 31, 2018 by   ·   No Comments

Hargaysa (SDWO): Wasiirka wasaaradda dhalinyaradda iyo cayaaraha Somaliland Boos Mirre Maxamed, ayaa sheegay in xukuumadda talladda haysa ee  madaxweyne Muuse Biixi  ay ahmiyadda koowaad siinayso horumarinta iyo dhisidda mustaqbalka  dhalinyaradda.

2

Waxaanu tilmaamay in ay xukuumadda ka go’an tahay kuna bar-bar taagan tahay dhiiri gelinta da’yarta, isla markaana  wax kastoo taageero ah oo ay u baahdaan dhalinyaradu  ay la bar-bar taagan yihiin.

Wasiirka cayaaraha  waxa kaloo uu  xusay in ka xukuumad ahaan ay u qorshaysan tahay  in horaanta  sanadka soo socda ay bilaabaan  hirgelinta mashaariic lagu tayaynayo kor u qaadidda waxbarashadda iyo cayaaraha ee dhalinyaradda.

Boos Mirre Maxamed, waxa uu sidan ka sheegay hadal uu  ka jeediyay furitaanka tartan kubbada cagta oo noociisu dalka ku cusub yahay oo uu  maanta ka furay garoonka Bar-baarsame oo ku yaalla xaafadda Jig-jiga yare e degmadda Ibraahim Koodbuur.

Tartankan oo socon doonna muddo laba sanadood ah waxaa ka qayb qaadanaya  cayaartooy ka kala socda kooxaha  ka dhisan caasimadda Hargaysa ee  ay da’doodu u dhaxayso 12 jir ilaa 16 jir.

3 3we

Waxaana  maalgelinta iyo qaban qaabadda  koobkan soo agaasimay  Bar-baarsame Academy, iyadoo mudadda uu socdo ay cayaaruhu ka dhici doonaan 3 garoon oo kala duwan.

Wasiir Boos, oo ka warbixinayay siyaasadda xukuumadda ee ku aadan dhiiri gelinta dhalinyaradda iyo bahda cayaaraha waxa uu yidhi  “Xukuumadda hadda ee uu hogaaminayo madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, waxaa naga go’an  oo ahmiyadda koowaad noo ah in aanu dhiiri gelin iyo wax kastoo ay u baahdaan ba siino da’yarta iyo cayaaraha.

Dawlad ahaan waxaa naga go’an in aanu meel walba oo cayaaraha iyo dhalinyaradda lagu dhiiri gelinayo aanu nimaadno,  oo  aanu iskiin bar-bar taagno”.

3211111

“Mashaariicda soo socda ee aanu ku taamayno ama waxbarasho ha ahaato ama cayaaraha, oo  labadda sanadood ee u horeeya in ay fulaan aan rejaynayaa, waxaa ka mida  sidii loo horumarin lahaa cayaaraha iyo dhalinyaradda, isbedel balaadha na waynu arki doonaa, marka mashaariicdaasi bilaabmaan.

Waxaa la sheegaa in dalkeen na dhalinyaradu ay ka yihiin 70% (boqolkiiba todobaatan)  haddii aanay kaba badnayn ba, waxuun baana lagaga bixi karaa sidii loo horumarin lahaa, loona jihayn lahaa in ay iskaashadaan shacabka  iyo dawladda oo ay gacmaha is qabsadaan”ayuu yidhi wasiir Boos.

Geesta kale wasiir Boos, ayaa kula dar-daarmay kooxahan dhalinyaradda ah ee tartanka ka qayb qaadanaya in  aanay ka leexan dariiqa toosan ee ay hadda ku socdaan, isla markaana ay noqdaan kuwo leh hiigsi iyo mustaqbal wanaagsan.

5

Isagoo tilmaamay in dhalinyaradda oo wanaagsanaataa ay hormood u noqonayaan nabad gelyadda wadanka iyo horumarkiisa.

Waxaanu yidhi “Dhalinyaradiinan waa in  dariiqan toosan ee aad hadda haysaan, aydaan  bedelin.   Waxa kaloo aad  hormood u noqonaysaan nabad gelyadda wadanka.

Waxaan u sheegayaa  dhalinyaradda qal-qaalinimadda ku jirta iyo kuwa hawlaha kale ku jira, in ay daawadaan mustaqbalka dhalinyaradan yar yar.

6

Faa’iidooyinka cayaaraha waxaa ka mida waxaa  laga helaa nabadda  iyo isku duubnida. Aad iyo aad ayaan ugu mahad naqayaa cid kastoo gacan ka gaysatay qaban qaabadda iyo hirgelinta tartankan”.

Dhinaca kale guddoomiyaha Bar-baar Same Academy oo isna halkaas ka hadlay ayaa  ka sheekeeyay faa’iidadda ay cayaaruhu u leeyihiin dhalinyaradda. Waxaanu tilmaamay in da’yartu ay cayaaraha kaga bad-baadi karaan isticmaalka mukhaadaraadka, balwadaha iyo tahriibka.

Gebagebadii furitaanka tartan cayaareedkaasi ayaa Bar-baarsame Academy waxay shahaado  sharaf ku gudoonsiiyeen wasiirka wasaaradda dhalinyaradda iyo cayaaraha Boos Mirre Maxamed.

67n

By: Khadar Cabdi Muuse

SDWO/Hargeisa Office

 
,, ,,,.

Wararka Keydka

Mashruucii Ramadan ka ee Afuri walaal baahan ee SDWO Relief Project isku geyn waxa na soo gaadhay $2480.00 oo sadaqooyin ah anagoo isla shalay maalintii Ramadanta ka horeysay ka gaadhsiinay in aan raashin ugu qaybino ilaa afartan qoys oo danyar ah

Mashruucan Ramadaan ka ee Afuri walaal baahan ee SDWO Relief Project waa msahruuc sanad leh ah oo soo ...

Ka qaybqaado Barnaamijka SDWO Relief Project ee Sanadlaha ahaa ee Afurinta Dadka Danyarta ah ee Xaafada Daami – Ka faaiidayso Ajarka Bisha Barakaysan ee Ramadan

Afuri walaal baahan  oo Ka qaybqaado Barnaamijka SDWO Relief Project ee Sanadlaha ahaa ee Afurinta Dadka Danyarta ah ...

Dowlada Itoobiya oo isku diyaarinaysa dagaal ay la gasho dalka Masar iyadoo hub casri ah ka dalbatay dalka Fransiiska

  Wergeys ka soo baxa dalka Faransiiska oo la yiraah  LE Point oo ah Weekly French Political News & ...

Xasuusta Dhagaxtuurka iyo Xuska Macalinkaygii Maalintaas (20-ka February 1982) Aheey Ah Maskaxadaa Laga Abaaroobay

Allah ha u naxriistee Xuseeen Cabaase Axmed (Qawdhan) waxa uu ahaa macalinkaygii maalmo aan badnayn wakhtigu kumuu simin ...

Lacag 10 dollar ah oo si qayri sharci ah dadka cashuurta wasaarada maaliyada bixinaya loogu qasbo inay siiyaan shaqalaha xafiiskaas ka hawlgala

  Waxa iseydiin mudan sababta shacbigu uga aamusanyahay musuqmasaq cad oo wasaarada maaliyadu u sharciyeysay shaqalaheeda. Qofkaste oo cashuurta ...

Caawi – Najax Xasan Maxamud waa Gabadh Xanuusanaysay oo beryhananba ka dhex muuqatay social media ha iyadoo Burco dhexwareegaysa ayaa lagu guulaystay in Hargeysa lagu soo celiyo oo la daryeelo

Daawo labadan clib kan  hroe waa markii hareyga lagu soo celiyey iyadoo caafimaad ahaan aad u wanaagsantay tan ...

Jeel Ogadeen: Daawo Documentary Xanuun badan oo ku saabsan ciqaabtii iyo dulmigii ka jirey Jeel Ogaadeen ee jigjiga

Xabsigan ayaa la ogaaday in kumanaan qof si xun loogu ciqaabay. qaarkoodna ciqaabtii ku dhinteen.  ku indho beeleen ...

Hees Cusub oo aad u qiiro badan oo lagu xusay maalintii Shuhadada SNM 17ka October

Hees ka hadlaysa mujaahidiintii xoreynta dalka dhiigooga u soo hurey iyo sidey imika ugu dhex dayacanyahiin dalkii oo ...

Wasiirka Warfaafinta Somaliland oo sheegay in BBC Somaligu ay ka baxday Dhexdhexaadnimadii, waxaanu sheegay inay ka sugayaan Jawaabta cabashadii ay u gudbiyeen

  Qoraalka Hoose waa Petition kii ama mooshinkii 3600 oo qurbajooga Somaliland ee ku kala dhaqan 59 wadan ay ...

Horyaal TV oo waraysi la yeeshay Mustafe-Shiine oo ka tirsan gudida dabagalka dacwada ka dhanka ah BBC Somali

    Halkan Click Garee si aad u saxeexdid Petition ka lagaga cabanayo BBC da

SDWO - Warbixino iyo Taariikh

Xus oo Xasuusnow – Hawlgalkii balaadhnaa ee Mujaahid Cabdilaahi Askar lagala baxay miiskii Saraakiisha ee Hargeysa 12kii April 1983 oo la rabay in aroornimada la toogto

Qalinkii – Boobe Yusuf Ducaale Hargeysa – Sheekadan qiirada leh ee dhabta ah ee ka hadlaysa farsamadii iyo geesinamdii ...

Daawo: Sooyaalka habdhismeedka ciidanka qaranka iyo taariikhahii uu soo maray

Waa Barnaamij aad u xisabadan oo ka hadlaya xaaladahii iyo duruufahii kala duwanaa ee uu soo maray dhismaha ...

Sidii aan u diley Osama Bin Laden – Markii u horeysay ayaa askari ka mid ah kuwii ugu galay qolka Bin Laden ee toogtay ayaa faahfaahin ka bixiyey sidii uu dilkiisu u dhacay

SDWO (London 04/09/2012) Osama Bin Laden waxa laga toogtay Madaxda ka dib markii uu qolkiisii hurdada albaabka intuu ...

Aljazeera warbixin xiisobadan: Waa Maxay Faraqa u dhexeeya dhalinyarada Jihaadka uga imanaysa dalalka Yurub iyo Maraykanka ee ka barbar dagaalamaya ciidamada Israel iyo Dhalinayrada ka barbar dagaalamaysa Kooxaha Syria iyo Somalia

31/07/2014 (SDWO.COM & SomaliladnNews.net)  Hanine Hassan waa ardayd shahaadadaPHD ka bilaabaysa Jaamacada Columbia University ee dalka Maraykanka.  Waxaanay ...

History 1974: Siyadd Barre and Emperor Haile Selaasie met during African Unity Summmit in Mogadisho

I found these historic photos in Djibouti with a professional photographer  in Djibouti.  He told me that his deceased ...

Nin ka mid ahaa raggii ugu sareeyay dhinaca security ga Qadaafi oo ka warbixiyey maalmahii u danbaysay ee nolashii qadaafi mudadii uu dhuumalaysiga ku jiray iyo markii gaadhigii ay wada saarnaayeen ay diyaaradahu duqeeyeen

Mansour Daoud wuxuu ka mid ahaa raggii ugu sareeyay dhinaca security ga ee keligii taliyahii la dilay ee ...