Wednesday, November 14th, 2018
Raadi oo Ku qor Halkan wararkii hore

Somaliland Democracy Watch Organisation - SDWO.COM 

To Promote Democracy In Somaliland                 SomalilandNews.net

YOUR ARTICLES

Welcome To SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ----- SomalilandNews.net

Guurtidda Oo Guddi U Saaray Haween Ka Cabanaya Buug Uu Qoray Wasiir Guri-barwaaqo

Published on September 9, 2018 by   ·   No Comments

Hargaysa (SDWO): Golaha Guurtidda Somaliland ayaa guddi xildhibaanno ah u saaray in ay soo qiimeeyaan cabashooyin isa soo tarayay oo ka soo yeedhay haween ka cabanaya buug uu qoray wasiirka wasaaradda warfaafinta Somaliland.

2 download

Haweenkaasi ayaa cabashadoodu dhawr bilood ka hor cirka isku shareertay, isla markaana wasiirka ku eedeeyay in buugaas uu qoray wasiir Guri-barwaaqo ay ku jiraan gabayo lagu ceebaynayo dumarka beesha Ciidagale.

Buuga uu wasiir Guri-barwaaqo qoray oo magaciisa la yidhaahdo SOOYAAL ayaa ku saabsan suugaan ama gabayo taariikheed uu ka soo ururiyay gabayaa hore oo u badan gabayo ay isku caayeen ragii tiriyay.

Inkastoo mudooyinkan danbe ay u muuqatay in cabashadda haweenkaasi ay yaro dentay ayaa hadana sida uu saaka ka dhawaajiyay guddoomiyaha golaha Guurtidda Saleebaan Maxamuud Aadan, iyagoo tixgelinaya cabashadda haweenka.

Isagoo xusay in iyadoo laga  hor tegayo  in dhibaato qabyaaladeed iyo xumaan kale ka dhalato arrintaas ay u saareen guddi soo qiimaysa gabayadda buugaas ku jira.

Halkan Ka Daawo Guddoomiyaha Guurtidda oo Arrimahaas Ka Hadlaya:

SDWO/Hargeisa Office

 
,, ,,,.