Wednesday, November 14th, 2018
Raadi oo Ku qor Halkan wararkii hore

Somaliland Democracy Watch Organisation - SDWO.COM 

To Promote Democracy In Somaliland                 SomalilandNews.net

YOUR ARTICLES

Welcome To SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ----- SomalilandNews.net

Wasiirka Shaqo Gelinta Oo Beenisay In Ay Is Khilaafeen Agaasimaha Guud

Published on September 9, 2018 by   ·   No Comments

Hargaysa (SDWO): Wasiirka wasaaradda shaqo gelinta iyo arrimaha bulshadda Somaliland Hinda Jaamac Gaandi, ayaa beenisay warar sheegayay in khilaaf uu soo kala dhex galay iyada iyo agaasimaha guud ee wasaaradaasi.

hinda

Waxaanay sheegtay in ay wada   shaqayn iyo is ixtiraam uu ka dhexeeyo iyadda iyo agaasimaha guud, isla waxyaabo badan ay si wada jira u qabteen mudadii uu wasaaradda shaqo gelinta agaasimaha ka ahaa.

Kadib markii maalmahan warar la isla dhex marayay gaar ahaana baraha bulshadda ee Internet-ka oo sheegayay in khilaaf meel sare gaadhay uu soo kala dhex galay wasiirka  wasaaradda shaqo gelinta iyo agaasimaha guud ee wasaaradaasi Maxamed Cilmi Aadan (Ilkacase).

Hase yeeshee wasiir Hinda oo wararkaas ka jawaabtay ayaa waxba kama jiraan ku tilmaantay, “Ma jiro wax khilaaf ah oo naga dhexeeya aniga iyo agaasimahayga. Waxaana naga dhaxaysa wada shaqayn iyo is ixtiraam iyo kalsooni aad u badan.

Waxaanan rejaynayaa in haddii aanu wasaaradda sii wada joogno wakhti badan in waxyaabo badan oo aan hore loo qaban  aanu ka midho dhalin doonno, anagoo kaashanayna agaasime waaxeedyadda wasaaradda iyo shaqaalahaba”ayay tidhi wasiir Hinda oo maanta la hadashay Bulsho TV.

Waxa kaloo ay tilmaantay wasiir Hinda Gaandi in isbedel balaadhan uu wasaaradda ka muuqdo intii uu agaasimaha guud  ka ahaa Maxamed Cilmi Aadan Ilkacase.

Waxaanay tidhi “Wakhtigii la ii keenay Agaasime Maxamed Ilkacase iyo maanta  waxaan aad ugu faraxsanahay in uu ila qabtay wax fara badan, oo iigu suuro galay wada shaqayntiisa.

Aad iyo aad ayaanan ugaga mahad celinayaa. Sidoo kale madaxweynaha waxaan uga mahad naqayaa in uu noo soo xulay agaasime Maxamed Cilmi Aadan”.

 

By: Khadar Cabdi Muuse

SDWO/Hargeisa Office

 
,, ,,,.