Sunday, September 23rd, 2018
Raadi oo Ku qor Halkan wararkii hore

Somaliland Democracy Watch Organisation - SDWO.COM 

To Promote Democracy In Somaliland                 SomalilandNews.net

YOUR ARTICLES

Welcome To SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ----- SomalilandNews.net

Mashruuc Madaxweyne Biixi U Balan Qaaday Bulshadda Boorama Oo Fulintiisa La Bilaabay

Published on September 9, 2018 by   ·   No Comments

Boorama (SDWO): Wakaaladda  horumarinta jidadka Somaliland ayaa maanta si rasmiya u bilawday dhismaha  Buundo laga dhisayo magaaladda Boorama oo isku xidhaysa jaamacadda Camuud iyo magaaladda inteedda kale.

def2

Buundadaas oo uu dhagax dhigay madaxweyne Muuse Biixi mar uu dhawaan booqasho ku tegay Boorama, isla markaana uu balan qaaday in dhakhso ah loo bilaabi doono  ayaa waxa saaka si rasmiya loo bilaabay dhismaheedda.

Waxaana goob joog ka ahaa bilawga mashruucaasi maareeyaha guud ee hay’adda wadooyinka Somaliland Cisman sheekh Cabdi, oo  ay  wehelinayeen maayarka Boorama iyo masuuliyiin kale.

Maareeyaha wakaaladda horumarinta jidadka Somaliland oo hadal ka jeediyay bilawga Buundadaasi ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay in maanta ay bilaabeen dhismaha Biriijkaasi oo baahi weyn ay u qabeen bulshadda Boorama.

Halkan Ka Daawo Maareeyaha Wadooyinka oo Arrimahaas Ka Hadlaya:

SDWO/Hargeisa Office

 
,, ,,,.