Sunday, September 23rd, 2018
Raadi oo Ku qor Halkan wararkii hore

Somaliland Democracy Watch Organisation - SDWO.COM 

To Promote Democracy In Somaliland                 SomalilandNews.net

YOUR ARTICLES

Welcome To SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ----- SomalilandNews.net

Madaxweynah Somaliland Diray Hambalyo Ku Aadan Curashadda Sanadka Cusub Ee Hijriyadda

Published on September 10, 2018 by   ·   No Comments

Hargaysa (SDWO): Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa dhambaal hambalyo ah u diray guud ahaanba shucuubta islaamka gaar ahaana bulshadda Somaliland meel kastoo ay joogaanba curashadda sanadka cusub ee islaamka 1440-ka.

41390127_1815728211874357_6614555970087419904_n

Sida lagu sheegay  qoraal ka soo baxay madaxtooyadda oo uu ku saxeexnaa af-hayeenka madaxweynaha ayaa sidoo kale Muuse Biixi Cabdi, waxa uu madaxweynuhu shacbiga ugu baaqayaa in ay nabad-gelyada iyo qarannimada dalka ilaashadaan.

Una  soo wada jeedaan oo ay indho dheeraada u yeeshaan cadawgooda, shacbi iyo xukuumadna isku duubnaadaa.

Dhambaalka hambalyadda curashadda sanadka cusub ee islaamka madaxweyne Biixi bulshadda Somaliland u diray ayaa u dhignaa sidan:

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu Munaasibadda Sannadka cusub ee Islaamka ee 1440-ka (Hijiriyada) awgii uu Hambalyo, Bogaadin iyo ducaba u dirayaa guud ahaanba shucuubta islaamka gaar ahaana Shacbiga Somaliland Meelkasta oo ay Joogaan.

Sidoo kalena Madaxweynuhu waxa uu Hambalyo taasi la mida u dirayaa Waddammada iyo shucuubta muslimiinta ah ee dacallada dunida ku nool, isagoo ku tahniyadaynaya curashada sannadka cusub ee Islaamka oo ku beegan beri oo Salaasa ah.

Madaxweynuhu waxa uu Illaahay uga baryayaa in uu shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland iyo shucuubta islaamka guud ahaanba sannadkan Sannadkiisa ku gaadhsiiyo bash-bash, baadhaadhe iyo barwaaqo.

Inta  buktana uu ka dulqaado xanuunka, inta caafimaad qabtana uu u siyaadiyo, intii dhimatayna uu naxariistii janno ka waraabiyo”.

41390127_1815728211874357_6614555970087419904_n

“Ugu dambayna waxa uu madaxweynuhu shacbiga Somaliland ugu baaqayaa in ay nabad-gelyada iyo qarannimada dalka ilaashadaan una soo wada jeedaan oo ay indho dheeraada u yeeshaan cadawgooda, shacbi iyo xukuumadna isku duubnaadaa”.

Kullu Caam Wa Antum Bikhayr.

Maxamuud Warsame Jaamac

Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.

 
,, ,,,.