Sunday, September 23rd, 2018
Raadi oo Ku qor Halkan wararkii hore

Somaliland Democracy Watch Organisation - SDWO.COM 

To Promote Democracy In Somaliland                 SomalilandNews.net

YOUR ARTICLES

Welcome To SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ----- SomalilandNews.net

Hargaysa: Madax Dhaqameed Baaq Nabadeed U Diray Beelaha Dirirtu Ku Dhexmartay Koonfurta Sool

Published on September 11, 2018 by   ·   No Comments

Hargaysa (SDWO): Xubno ka mida madax dhaqameedka Somaliland  ayaa ugu baaqay in ay dagaalka joojiyaan, isla markaana nabadda qaataan  beelaha walaalaha ah ee colaadu ku dhexmartay  koonfurka gobolka Sool.

Sawirka Labada Suldaan

Salaadiintaasi oo kala ahaa  suldaan Daahir Xasan Khaliif iyo garaad Yoonis Garaad Cabdillaahi, oo maanta shir jaraa’id ku qabtay  magaaladda Hargaysa ayaa ugu baaqay sulaadiinta, cuqaasha, garaaadada iyo waxgaradka  beelaha dirirtu u dhaxayso inay isu yimaadan iskuna tanaasuulaan oo ay nabadgeliyo ku dhameeyaan arrimahoodd.

Suldaan Daahir Xasan Khaliif, oo ugu horayn hadlay ayaa ka sheekeeyay  dhibaatooyinka laga dhaxlo dagaalka sokeeyaha iyo sida aanu marnaba faa’iido u helaynin dhinac ka mida dhinacyadda colaadu u dhaxayso.

Isagoo arrimahaas ka hadlayayna waxa uu yidhi “Waxaanu halkan baaq nabadeed uga diraynaa walaalahayaga dirirta iyo dagaalku ku dhexmaray Koonfurta gobolka Sool.  Waxaanu  leenahay marka koowaad Illaahay SWT ka baqa oo joojiya Dhiiga daadanaya.  Anagoo  ah salaadiinta beelweynta Madhibaan ee degan Jamhuuriyadda Somaliland.

Waxaananu  walaalahayo u soo jeedinaynaa inay joojiyaan dagaalka iyo dhibka iyo aafada dhex taala.  Waayo? dagaalka sidiisaba tarantiisu waxaa weeyaan inay dad ku madhaan, hooyo ku goblanto oo  Wiilal lagu waayo.

Aafada  kale ee ka danbeysaana waxaa weeye, dagaalku waxaa uu keenaa oo laga dhaxlaa Gaajo,  Iimaan la’aan iyo  dhimasho. Waayo? mar walba Illaahay   waxa uu umada ugu manno sheegtay waa amni iyo iimaan.

Amni  iyo iimaanku haddii ay meesha ka baxaa na waxaa soo gala iimaan la’aan Gaajo iyo Haraad. Walaalayaal  joojiyaa dagaalka,  dad walaalo ah oo ehel ah ayaad tihiin.  Arrinka na wadahadal halagu dhameeyo”.

Geesta kale suldaan Daahir Xasan, ayaa ugu baaqay xukuumadda Somaliland iyo shacabka ba in ay ka wada qayb qaataan sidii colaadda beelaha dhex taalla loo  demin lahaa.

“Xukuumadda  tallada dalka haysa iyo shacabka reer Somalilland,  waxaanu ugu baaqay inay ka qayb qaataan sidii colaada deegaankaasi ka taagan loo demin lahaa” ayuu yidhi suldaan Daahir.

Sidoo kale garaad Yoonis garaad Cabdillaahi,  ayaa fariin u diray  cuqaasha,  garaadada, madax dhaqameedka  iyo waxgaradka labada dhinac ee dirirtu u dhaxayso   inay arrimaha nabadgeliyo ku dhameeyaan.

Waxaanu tilmaamay in nabadgelyadu ay tahay waxa keliya ee Somaliland astaanta u ah. “Ka sulaadiin ahaan anagu waxaanu diyaar u nahay in aan walaalahayo ugu baaqno inay nabadda ilaaliyaan.

Jamhuuriyadda  Somaliland waxa keliya ee ay ku caanno maashay  ama se astaanta u ah,  waa nabadgeliyadda”ayuu yidhi garaad Yoonis.

Isagoo si gaara baaqa ugu dirayay madax dhaqameedka beelaha dagaalaya  waxa uu yidhi “Dhibaatada dhexdooda taala cid kale ma xalin karto ee waa inay iyagu isu tanaasulaan.

Waxaanan  si gaara ula hadlayaa cuqaasha,  waxgaradka iyo garraadada labada beelood in iyagoo aanay ba cidi na dhexgelin isu tanaasulan,  oo ay isu yimaadaan”.

 

By: Khadar Cabdi Muuse

SDWO/Hargeisa Office

 
,, ,,,.