Tuesday, November 24th, 2020
Raadi oo Ku qor Halkan wararkii hore

Somaliland Democracy Watch Organisation - SDWO.COM 

To Promote Democracy In Somaliland                 SomalilandNews.net

​ ​

YOUR ARTICLES

Welcome To SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ----- SomalilandNews.net

Xeerka Kufsiga iyo Xadgudubyadda Jinsiga W/Q: Dr Cabdiqani Beder

Published on September 18, 2018 by   ·   No Comments

1) (XEER Lr. 78/2018) Xeerkani muddo aan ka yarayn 4 sannadood ayuu dhex yaallay golaha baarlamaanka, ugu danbeynna waxa la sheegay in la ansixiyey.

2) Xeerkan intii uu Golaha Baarlamaanka yaallay waxa ay Wasaaradda Diinta iy Awqaafta iyo weliba shir guddoonku u saareen guddi culimo ah, kuwaasoo talo qoraal ah ku soo celiyey wasaaradda iyo golaha 7/01/2016.

3) Culimadu waxa ay xuseen qodobbada uu xeerkani shareecada ku khilaafsanyahay, ee ay tahay in la beddelo si shareecada iyo distoorka dalka loo waafajiyo, iyaga oo sida loo qorayo soo qaabeeyey.

4) Waxa la filayey in qodobbada ay culimadu ka soo dhex qabteen laga saaro xeerka oo la beddelo, ka dibna mar kale la hubiyo oo wasaaradda diinta iyo culimadii ay la tashatay lagu soo celiyo in uu saxsan yahay iyo in kale, nasiib darro talooyinkaa culimada lama qaadan, taa beddelkeedana waxa warbaahinta laga maqlay uun in xeerkii la ansixiyey.

5) Diidmada xeerku kuma koobnayn culimada aragtay oo keliya ee golaha guurtida iyo qareennada Soomaaliland ayaa ka qayliyey oo ceebihiisa toosinta u baahan tilmaamay.

6) Waxa aan aaminsanahay in aanu madaxweynuhu fursad ku filan oo uu xeerkan ku akhriyo helin, sidoo kale waxa aan rumaysnahay in aanay dhammaan xubnaha baarlamaanku xeerkan wada akhriyin, waayo aragtidayda suuraggal ilama aha in ay aqbali karaan waxa meeshan ku qoran sharciyaddeeda.

7) Sidaa awgeed waxa aan ka filayaa madaxda qaranka oo uu madaxweynuhu kow ka yahay, golayaasha sharciga iyo laamaha kale ee sharcigaba in ay dib u eegaan xeerkan, dibna loo saxo waxa ka khaldan.

INTAA KA DIB ARAGTIDAYDA:

1- Xeerkan in kastoo lagu magacaabay xeerka: “Kufsiga iyo xadgudubyada Jinsiga”, marka aad gudaha u gasho waxa kuu muuqanaysa in magaciisa dhabta ahi uu yahay “Xeerka Jinsiga” “Sexual Act”, nuxurkiisa iyo waxa uu koobsanayo marka aad aragto ayay kuu muuqanaysaa in uu dhab ahaan ku saabsan yahay jinsiga iyo waxyaalaha raaca.

2- Markii la macneynayey weedha “Qasbid”: waxa lagu sheegay: “Waxaa loola jeedaa cabsi gelin ama ku qasbid qof in uu galo ama ka qeyb qaato fal dambiyeed kufsi ama xad-gudub jinsi ah, tiiyoo loo isticmaalayo xoog, cadaadis xagga maskaxda ama handadaad.…” .

Hadana macnahaas oo kale ayaa xeerkan loo adeegsaday oo sharciyaddii distoorka iyo aragtidii bulshada ee xorta ahaydba lagu kufsaday, xeerka dano isdhaafsi ayaa lagu socodsiiyey iyo weliba handidaad loogu hanjabay ciddii qalloociisa tilmaanta xadhig!

3- Xeerkani waxa uu khilaafsanyahay shareecada islaamka, waxa kale oo uu baalmarsan yahay distoorka dalka oo ku dhisan shareecada, waxa uu isla markaana khilaafsanyahay dhaqanka wanaagsan ee bulshada.

4- Sidaa marka aan leeyahay qofka xilkaska ahi wuu fahmayaa in xeerku yahay hal unit ama halshay- xeer keliya- oo aanu xeerar badan ahayn, marka aan ku idhaahdo shareecada ayuu khilaafsanyahay taa macnaheedu ma aha; in qodob kasta oo xeerka ku jiraa islaamka khilaafsanyahay!, waxa loo jeedaa shareecada wax khilaafsan baa ku jira, xaddiga uu khilaafkaasi le’egyahay ha yaraado ama ka weynaadoe, taasna caddeynteeda waxa kuugu filan in aan ku idhaahdo kow, laba iyo saddex.

 

INTASE AANAN SHEEGIN QODOBBADAAS AAN INTAN KU XASUUSIYO:

“Kufsigu waa xadgudub, waxa ka dhasha magdhow iyo ciqaab, waxana culimadu ay kaga hadlaan baabka la yidhaahdo الجنايات ama الأقضية.

Cuquubooyinka ka dhasha ku xadgudubka nooluhuna aad ayey u badan yihiin, waxaana ka mid ah:

  1. Qisaas
  2. Xad ama xuduud iyo
  3. Tacsiir.

1- Kufsi haddii loo eego shareecada islaamka – oo ay tahay in xeer kasta oo dalkan loo sameynayaa waafaqo-, waa faldenbiyeed isa saaran oo laba denbi ka kooban, Sino iyo Xoogid, waa haddii kufsiga loo adeegsaday awood dhab ah oo qasab lagaga sinaystay dhibanaha.

2- Xadka Sinada shareecadu way qeexday oo waxa loo kala qaaday; qof guur hore soo maray iyo mid aan soo marin, waana kala xukun, midna jeedal baa u qoran midna dil dhagax ah.

3- Qofka xoog qof kale kaga sinaystana waxa uu hoostegayaa xukunka la yidhaahdo “الحرابة” ee ay aayaddani ka warrantay:

{إِنَّمَا جَزَاءُ الَّذِينَ يُحَارِبُونَ اللَّهَ وَرَسُولَهُ وَيَسْعَوْنَ فِي الْأَرْضِ فَسَادًا أَن يُقَتَّلُوا أَوْ يُصَلَّبُوا أَوْ تُقَطَّعَ أَيْدِيهِمْ وَأَرْجُلُهُم مِّنْ خِلَافٍ أَوْ يُنفَوْا مِنَ الْأَرْضِ ۚ ذَٰلِكَ لَهُمْ خِزْيٌ فِي الدُّنْيَا ۖ وَلَهُمْ فِي الْآخِرَةِ عَذَابٌ عَظِيمٌ }

4- Dhibta uu geystay qofkaasi ama kooxdaasi inta ay le’egtahay, ayaa la qiimaynayaa, ka dibna cuquubooyinkaa aayaddu sheegayso ta ku habboon ayaa lagu fulinayaa.

5- Islaamku waxa uu siiyey dhibanaha magdhow maaliyadeed oo u dhigma dhibta la gaadhsiiyey, halka mujrimkana uu mariyey cuquubo daaweyn ah oo sabab u noqota in aanu falkaasi dib u soo noqon oo laga waantoobo.

 

Haddaba xeerka kufsigu ma waafaqsan yahay shareecada, mase daweynayaa dhibta kufsiga?

 

1- Xeerkani waxa uu ku saabsanyahay denbiyada jinsiga ka dhasha, fal jinsi markuu macnaynayeyna waxa uu yidhi: “Waxaa loola jeedaa galmo, ama fal kale oo khuseeya, ku lug lahaansho, fal jinsi loo aanayn karo oo lagula kaco xubnaha taranka, dabada, afka ama qaybkale oo ka mid ah jidhka qofka”

2- Sida eray bixinta sare ka muuqata falka jinsi ee xeerku ka hadlayaa waxa uu noqon karaa meelkasta iyo cid kasta oo xubnaha taranka galmo ahaan loogu adeegsado, ama si uun lug loogu yeesho falkaas, isla markaana waxa uu denbi ka dhigayaa oo keliya:

1- Marka cidda falka lagu sameynayaa AANAY RAALLI KA AHAYN.

2- Ama ay tahay cid caruur ah 18 jir ka yar.

3- Naafo ah ama sakhraansan ama hurda iwm.

 

Tirsiga koowaad ee sare macnihiisu waxa weeye xeerkan Jinsigu denbi uma aqoonsana Sinada lagu kala raallida yahay, isutegidda dadka isku jinsiga ah, sida falka liwaadka oo ah ficilkii qawmu Luud lagu halaagay amaba isutegidda dheddiga dhexdooda ka dhaca, waxa denbi ah oo keliya haddii la isku qasbo ama muuqaal qasab meel si uun u soo galo..

Qodobkaasi keligii ayaa ku filan in xeerkani shareecada khilaafsanyahay, ku darso:

3- Xeerkani waxa uu ku beddelay cuquubooyinkii Ilaahay u sharciyeeyey dadka falalkaa foosha xun ku dhaca cuquubooyin kale oo dad isu arkay in ay Alle ka sharci wanaagsan yihiin dejisteen (Waa beddelid sharcigii Alle) ma taasaa shareecada waafaqsan?

4- In arrin uu Alle xukumay oo xarrimay sida Sinada oo kale, la xalaalaysto, xukunkii uu u dejiyeyna laga tago, isla markaana kufsiga xukun ciqaabeed gaar ah loo sameystaa waa sheegasho awood sharciyeyn oo lid ku ah sharcigii Alle, ilaahay oo sharciga lagu qabsado oo wax laga dhinac sharciyeeyo iyada oo axkaamtiisa la burinayo mid kalena lagu beddelayaana waa arrin aanay muslimnimada qofka ku kacay ku badbaadaynin.

Alle waxa uu yidhi:

)أَمْ لَهُمْ شُرَكَاءُ شَرَعُوا لَهُم مِّنَ الدِّينِ مَا لَمْ يَأْذَن بِهِ اللَّهُ ۚ وَلَوْلَا كَلِمَةُ الْفَصْلِ لَقُضِيَ بَيْنَهُمْ ۗ وَإِنَّ الظَّالِمِينَ لَهُمْ عَذَابٌ أَلِيمٌ (

“Ma kuwo Alle wax la leh oo isaga sokadii wax u sharciyeeya ayey sameysteen?”. Shura, 21

Ahlu kitaab oo Kiristan iyo Yuhuud ah ayuu Alle ku ceebeeyey in ay wadaaddadoodii Ilaahyo ka dhigteen oo ay waxna u xalaaleeyeen waxna ka xarrimeen, maanta ma cid baa doonaysa in ay booskaa buuxiso oo wixii Alle xalaaleeyey sida guurka xarrimto, (Haddaad tidhaahdo oo guurka xeerku miyuu xarrimayaa? Jawaabtu waa: haa, haddii aad guursato inan gashaanti ah oo 18 jir ah waa denbi ayuu dhigayaa, sidaas oo kale haddii aad 18 ka yartahay oo aad nin tahay ma guursan kartid, haddii kale gabadha aad guursatay waxa lagu qaadayaa ciqaabta kufsiga, oo caruur la kufsaday ayaad noqonaysaa).

 

Ma cid baa ku hawllan in ay wixii Alle xarrimay (Sinada iyo isu tegidda dadka isku jinsiga ah) iyagu xalaaleeyaan?!- Haa wallaahi Soomaali aan magacooda iyo muuqoodaba aqaanno ayay shaqadooda tahay.

U fiirsi khatarta ay leedahay Alle oo sharcigiisa lagu qabsadaa:

{إتَّخَذُوا أَحْبَارَهُمْ وَرُهْبَانَهُمْ أَرْبَابًا مِّن دُونِ اللَّهِ وَالْمَسِيحَ ابْنَ مَرْيَمَ وَمَا أُمِرُوا إِلَّا لِيَعْبُدُوا إِلَٰهًا وَاحِدًا ۖ لَّا إِلَٰهَ إِلَّا هُوَ ۚ سُبْحَانَهُ عَمَّا يُشْرِكُونَ}

“Waxa ay ka dhigteen Axbaartoodii- waa culimada Yuhuuddae- iyo Ruhbaantoodii- waa culimada kiristankae- Rabiyaal uga sokeeya Ilaahay——–” suuradda Tawbah, 31.

Saxaabigii la odhan jiray: Caddiyi ibn Xaatim oo markii hore kiristan ahaa ayaa yidhi, waxa aan u imi Nebi Muxammed oo aayaddan akhriyaya, kolkaasaan ku idhi: “Culimadooda may caabudin”. Kolkaasuu Rasuulku- scw- igu yidhi: Miyaanay waxna u xalaaleynin, waxna ka xarrimin, iyana aanay ku waafaqin? Kolkaasaan idhi: “Haa”, markaasuu igu yidhi “caabudiddoodu waa taas”.

5- In la sharciyeeyo sharci ka geddisan wixii Alle sharciyeeyey, waxa ay ka duwantahay oo ka darantahay in sharcigii Alle laga tago, tan danbe- waa ka tegistae- waa macsiyo haddii aanay wax kale raacin, sida in uu qofku asal ahaanba beeniyo in Alle xaq u leeyahay in uu wakhtigan awood sharci ku yeesho addoomadiisa, sida caqlilaawayaashu qabaan, halka ta hore tahay gaalnimo..

6- Dhammaan cuquubooyinka lagu sheegay xeerka jinsigu waa kuwo ka geddisan kuwii Alle u dhigay xadgudubyada jinsiga la xidhiidha, isla markaana waa kuwo u hiilinaya mujrimka oo aan wax xuquuq ah oo macna leh siinayn dhibanaha.

7- Xeerku isaga ayaa dhiirigelinaya xumaanta, sababta oo ah qofka ka yar 18 jir denbiga uu gaysto iyo kufsiga uu ku kaco laguma ciqaabayo ciqaabtii uu mudnaa, waayo sida xeerku qabo waa caruur, kufsiyo wadareedyada dalkeenna ka dhacay sannaddadii ugu danbeeyey inta aan xog ogaalka u ahay waxa gaystay dhalin yaro da’ayaan u dhexeeya 14-18 jir !

8- Sidoo kale xeerku waxa uu ciqaabta ka fududeynayaa haddii uu denbiiluhu sakhraansanyahay ama uu qof weyn yahay !

9- Xeerku isaga ayaa iska hor imanaya oo da’da caruurnimada lagaga baxo marna waxa uu odhanayaa waa 18 wixii ka weyn marar kalena waxa uu odhanayaa caruurnimadu waa 15 wixii ka yar!

Intaasi kugu filan in aad yaqiinsato in xeerkani shareecada khilaafsan yahay ee aanu waafaqsanayn sida lagu andacooday ee dhexdiisa lagu sheegay, isla markaana distoorka oo shareecadu gundhig u tahay uu ka hor imanayo.

1- Waxase intan iyo in ka badani toona aanay ku fillayn oo aanay anfacay kuwo aan ogahay oo shaqadoodu tahay u ololeynta isu guurinta dadka isku jinsiga ah iyo sharciyeynta arrintaas.

2- Waxa aanay caddeyntani waxba u tarayn, kuwo diintaba ka aaminsan in aanay noqon karin tixraac ama masdar sharciga laga qaadan karo, isla markaana aanay qarnigan 21aad la jaanqaadi karin, kuwaasi waxa ay inkirsan yihiin distoorka oo shareecadu in ay gundhig u tahay ku dhisan.

3- Waxa aanay caqli celin u noqonayn kuwa iyagu marka horeba u ololeeya fududeynta asbaabta kufsiga keenta.

Dhammaan qolyahan sare waxa ay ka qayliyeen qoraal yar oo aan ku sheegay in uu xeerku shareecada khilaafsan yahay, isla markaana iyaga oo xujo moodaya ku celceliyeen bal soo caddee sida uu diinta u baalmarsan yahay, hadda ogow iyagu diinta way baalmarsan yihiine !

UGU DANBEYN:

1) Nasiib darro xeerkani dooni maayo in uu dhibaato jirta xalliyo ee waxa uu u muuqdaa in uu dhibaatooyin hor leh abuurayo, waxa uu iska indho tirayaa oo aanu hal kelmad ka odhannin wax yaalaha sababi kara tacaddiga iyo xumaanta jinsiga, ka hortegidda denbiga waxba ku darsan maayo, taa liddigeedana in uu fududeynayo ayaadka dhex fahmaysaa.

2) Waxa aynnu nahay dad muslimiin ah oo akhlaaqdu diin u tahay, islaamku waxa uu geliyey dadaal badan dhowridda karaamada qofka iyo wanaajinta akhlaaqda bulshada, quraanka waxa ku jirta Suuratu Nuur oo badankeedu ku saabsan yahay ka hortagga waxyaalaha sababi kara faafitaanka Kufsiga iyo Sinada, kuwaasoo tawjiihinaya waalidka, masuuliyiinta, xaasaska, dhalinyarada iyo ubadkaba.

3) Waxa loo baahanyahay in akhlaaq xumada baahaysa, fanka qaawan, fusuqa maqalka iyo muuqaalka leh ee warbaahinteenna ka baxa, xarumaha caanka ku ah fasaadinta akhlaaqda ee meel kasta ka furan in wax laga qabto, kuwaas ayaa fududeeya kufsiga, kuwaas macaamiishooda ayaa geysta falalka kufsiga, kuwaas ayaa u baahan in sharcigani xakameeyo sharciyo u gaar ahna loo soo saaro.

Fiiro Gaar ah:

Xeerka waa la baahiyey, halkanna waan ku soo lifaaqay, sidaa awgeed qodobbada aan sheegay xeerka ayaad ugu noqon kartaa, inta aan sheegayna kuma koobna ceebaha xeerkani ee intani waa tusaale uun.

Tawfiiqda Alle ha ina waafajiyo.

Sh. Dr-Abdulqani Hussein Beder.

 

 
,, ,,,.

Wararka Keydka

Mashruucii Ramadan ka ee Afuri walaal baahan ee SDWO Relief Project isku geyn waxa na soo gaadhay $2480.00 oo sadaqooyin ah anagoo isla shalay maalintii Ramadanta ka horeysay ka gaadhsiinay in aan raashin ugu qaybino ilaa afartan qoys oo danyar ah

Mashruucan Ramadaan ka ee Afuri walaal baahan ee SDWO Relief Project waa msahruuc sanad leh ah oo soo ...

Ka qaybqaado Barnaamijka SDWO Relief Project ee Sanadlaha ahaa ee Afurinta Dadka Danyarta ah ee Xaafada Daami – Ka faaiidayso Ajarka Bisha Barakaysan ee Ramadan

Afuri walaal baahan  oo Ka qaybqaado Barnaamijka SDWO Relief Project ee Sanadlaha ahaa ee Afurinta Dadka Danyarta ah ...

Dowlada Itoobiya oo isku diyaarinaysa dagaal ay la gasho dalka Masar iyadoo hub casri ah ka dalbatay dalka Fransiiska

  Wergeys ka soo baxa dalka Faransiiska oo la yiraah  LE Point oo ah Weekly French Political News & ...

Xasuusta Dhagaxtuurka iyo Xuska Macalinkaygii Maalintaas (20-ka February 1982) Aheey Ah Maskaxadaa Laga Abaaroobay

Allah ha u naxriistee Xuseeen Cabaase Axmed (Qawdhan) waxa uu ahaa macalinkaygii maalmo aan badnayn wakhtigu kumuu simin ...

Lacag 10 dollar ah oo si qayri sharci ah dadka cashuurta wasaarada maaliyada bixinaya loogu qasbo inay siiyaan shaqalaha xafiiskaas ka hawlgala

  Waxa iseydiin mudan sababta shacbigu uga aamusanyahay musuqmasaq cad oo wasaarada maaliyadu u sharciyeysay shaqalaheeda. Qofkaste oo cashuurta ...

Caawi – Najax Xasan Maxamud waa Gabadh Xanuusanaysay oo beryhananba ka dhex muuqatay social media ha iyadoo Burco dhexwareegaysa ayaa lagu guulaystay in Hargeysa lagu soo celiyo oo la daryeelo

Daawo labadan clib kan  hroe waa markii hareyga lagu soo celiyey iyadoo caafimaad ahaan aad u wanaagsantay tan ...

Jeel Ogadeen: Daawo Documentary Xanuun badan oo ku saabsan ciqaabtii iyo dulmigii ka jirey Jeel Ogaadeen ee jigjiga

Xabsigan ayaa la ogaaday in kumanaan qof si xun loogu ciqaabay. qaarkoodna ciqaabtii ku dhinteen.  ku indho beeleen ...

Hees Cusub oo aad u qiiro badan oo lagu xusay maalintii Shuhadada SNM 17ka October

Hees ka hadlaysa mujaahidiintii xoreynta dalka dhiigooga u soo hurey iyo sidey imika ugu dhex dayacanyahiin dalkii oo ...

Send Money to Your Loved Ones Through Globalsend

   

Wasiirka Warfaafinta Somaliland oo sheegay in BBC Somaligu ay ka baxday Dhexdhexaadnimadii, waxaanu sheegay inay ka sugayaan Jawaabta cabashadii ay u gudbiyeen

  Qoraalka Hoose waa Petition kii ama mooshinkii 3600 oo qurbajooga Somaliland ee ku kala dhaqan 59 wadan ay ...

SDWO - Warbixino iyo Taariikh

Xus oo Xasuusnow – Hawlgalkii balaadhnaa ee Mujaahid Cabdilaahi Askar lagala baxay miiskii Saraakiisha ee Hargeysa 12kii April 1983 oo la rabay in aroornimada la toogto

Qalinkii – Boobe Yusuf Ducaale Hargeysa – Sheekadan qiirada leh ee dhabta ah ee ka hadlaysa farsamadii iyo geesinamdii ...

Daawo: Sooyaalka habdhismeedka ciidanka qaranka iyo taariikhahii uu soo maray

Waa Barnaamij aad u xisabadan oo ka hadlaya xaaladahii iyo duruufahii kala duwanaa ee uu soo maray dhismaha ...

Sidii aan u diley Osama Bin Laden – Markii u horeysay ayaa askari ka mid ah kuwii ugu galay qolka Bin Laden ee toogtay ayaa faahfaahin ka bixiyey sidii uu dilkiisu u dhacay

SDWO (London 04/09/2012) Osama Bin Laden waxa laga toogtay Madaxda ka dib markii uu qolkiisii hurdada albaabka intuu ...

Aljazeera warbixin xiisobadan: Waa Maxay Faraqa u dhexeeya dhalinyarada Jihaadka uga imanaysa dalalka Yurub iyo Maraykanka ee ka barbar dagaalamaya ciidamada Israel iyo Dhalinayrada ka barbar dagaalamaysa Kooxaha Syria iyo Somalia

31/07/2014 (SDWO.COM & SomaliladnNews.net)  Hanine Hassan waa ardayd shahaadadaPHD ka bilaabaysa Jaamacada Columbia University ee dalka Maraykanka.  Waxaanay ...

History 1974: Siyadd Barre and Emperor Haile Selaasie met during African Unity Summmit in Mogadisho

I found these historic photos in Djibouti with a professional photographer  in Djibouti.  He told me that his deceased ...

Nin ka mid ahaa raggii ugu sareeyay dhinaca security ga Qadaafi oo ka warbixiyey maalmahii u danbaysay ee nolashii qadaafi mudadii uu dhuumalaysiga ku jiray iyo markii gaadhigii ay wada saarnaayeen ay diyaaradahu duqeeyeen

Mansour Daoud wuxuu ka mid ahaa raggii ugu sareeyay dhinaca security ga ee keligii taliyahii la dilay ee ...