Sunday, May 31st, 2020
Raadi oo Ku qor Halkan wararkii hore

Somaliland Democracy Watch Organisation - SDWO.COM 

To Promote Democracy In Somaliland                 SomalilandNews.net

​ ​

YOUR ARTICLES

Welcome To SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ----- SomalilandNews.net

Maayarka Berbera Oo Iska Difaacay Eedo Uga Yimid Dhigiisa Burco

Published on September 27, 2018 by   ·   No Comments

Berbera (SDWO): Maayarka magaaladda Berbera C/shakuur Maxamuud Cidin, ayaa iska difaacay eedo uga yimid dhigiisa magaaladda Burco Maxamed Muraad, oo dhawaan sheegay in cashuuro ay xaq u lahayd in dawladda hoose ee Burco ay qaado loo dhaafiyo dhinaca Berbera.

B B 11

Hadalka uu maayarka Berbera maanta ka jawaabayay ayaa la xidhiidho hadalo dhawr jeer mudooyinkan danbe ka soo yeedhay maayarka Burco oo ahaa in xoolo aad u tiro badan iyo alaabooyin kaloo ganacsi oo soo mara ama laga keeno magaaladda Burco loo dhaafiyo dhinaca Berbera.

Taasoo uu maayarka Burco xiligaas ku tilmaamay cadaalad darro ay masuuliyeedda leedahay xukuumadda dhexe ee Somaliland iyo goleyaasha sharci dejinta oo sameeyay sharciga ah in xoolo laga soo rarray Burco lagu cashuurro Berbera.

Hase yeeshee maayarka magaaladda Berbera c/shakuur Cidin, oo maanta  warbaahinta la hadlay ayaa hadalka maayarka Burco ku tilmaamay mid gef iyo xaqdarro ku ah golaha degaanka Berbera iyo bulshadaba.

Waxaanu sheegay in  maayar Muraadka Burco  cashuurta uu ku doodayo uu isagu magaaladiisa tii ahayd la soo bixi kari waayay, isla markaana looga baahan yahay in uu magaaladiisa kala soo baxo, maadaama oo Burco ay tahay caasimadii labaad ee dalka.

Halkan Ka Daawo Maayarka Berbera Oo U Jawaabaya Dhigiisa Burco:

SDWO/Hargeisa Office

 
,, ,,,.