Wednesday, June 3rd, 2020
Raadi oo Ku qor Halkan wararkii hore

Somaliland Democracy Watch Organisation - SDWO.COM 

To Promote Democracy In Somaliland                 SomalilandNews.net

​ ​

YOUR ARTICLES

Welcome To SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ----- SomalilandNews.net

“Jabuuti waanu ka tacsiyadaynaa siyaasadii khaldanayd ee uu Farmaajo ku kacay ee lidiga ku ahayd”… Faysal Cali Waraabe

Published on September 27, 2018 by   ·   No Comments

Hargaysa (SDWO): Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka UCID ee Somaliland ayaa  wax laga xumaado ku tilmaamay hadalkii dhawaan ka soo yeedhay madaxweynaha Soomaaliya ee lidiga ku ahayd dalka jabuuti.

waraabe-1132x670

Waxaanu sheegay in uu canbaaraynayo hadalkii Farmaajo ee ahaa in dalka Eritrea cunaqabataynta laga, taasoo uu ku tilmaamay mid aan laga filaynin madaxweynaha Soomaaliya, isla markaana dhaqan Soomaaliyeed aan ahayn.

Sidoo kale Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa ku dhaliilay madaxweynaha dawladda federaalka Soomaaliya dhiibistii ay xukuumadiisu dalka Itoobiya ugu dhiibtay C/kariin Qalbi Dhagax oo ah sarkaal ka tirsan jabhadda ONLF.

Guddoomiyaha UCID waxa uu sidan ka sheegay  mar uu maanta warbaahinta uga warbixinayay kadib markii uu xarunta guud ee xisbigiisu ku leeyahay Hargaysa ku qaabilay C/kariin Qalbi Dhagax oo socdaal ku jooga Hargaysa.

Eng. Faysal oo ka hadlayay oo dawladda jamhuuriyadda Jabuuti ka tacsiyadaynayay hadalkii Farmaajo, waxa uu yidhi “Waanu ka tacsiyadaynaa siyaasadii khaldanayd  ee uu Farmaajo ku kacay,  ee ku lidiga ahayd dalka Jabuuti, ee  wadanka Eritrea  oo aanay weli kala bixin uu yidhi cunaqabataynta halaga qaado. Taas na waanu canbaaraynaynaa, dhaqan Soomaalina may ahayn”.

Geesta kale guddoomiyaha UCID ayaa wax laga xumaado ku sifeeyay, isla markaana canbaareeyay dhiibistii sanadkii hore  ay  Qalbi Dhagax  dawladda Soomaaliya ugu gacan gelisay Itoobiya.

2

“Waxa kaloo aanu canbaaraynaynaa xadhigii iyo dhiibistii ay dawladda Soomaaliya C/kariin Qalbi Dhagax ugu dhiibtay Itoobiya, taasoo iyad na aan dhaqan Soomaaliyeed ahayn”ayuu yidhi guddoomiyaha xisbiga cadaaladda iyo daryeelka ee UCID.

 

By: Khadar Cabdi Muuse

SDWO/Hargeisa Office

 
,, ,,,.