Friday, May 29th, 2020
Raadi oo Ku qor Halkan wararkii hore

Somaliland Democracy Watch Organisation - SDWO.COM 

To Promote Democracy In Somaliland                 SomalilandNews.net

​ ​

YOUR ARTICLES

Welcome To SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ----- SomalilandNews.net

Daawo: Khilaaf Ka Dhex Qarxay Xisbiga Kulmiye iyo Masuuliyiin Ka Wada Tirsan Xisbiga Oo Eedo Warbaahinta Isku Mariyay

Published on September 27, 2018 by   ·   No Comments

Hargaysa (SDWO): Guddoomiyaha golaha dhexe ee xisbiga Kulmiye Jaamac Shabeel iyo xoghayaha guud ee xisbigaasi Xasan Siciid Yuusuf ayaa  hadalo eedayn iyo dhaliilo ah oo midba midka kale uu ku durayo hawadda isku mariyay.

shabeelxasan 1 jpg

Eedaha iyo dhaliilaha ay labadan masuul ee Kulmiye ka wada tirsan is dhaafsadeen ayaa ka dhashay kadib markii todobaadkan guddoomiyaha golaha dhexe ee Kulmiye Jaamac Shabeel, uu fadeexad iyo mid qaranka ceeb ku ah ku tilmaamay xeerka kufsiga oo maalmihii ina dhaafay hadal hayntiisu taagnayd.

Hase yeeshee xoghayaha guud ee isla xisbiga Kulmiye Xasan Siciid Yuusuf, oo  maanta warbaahinta Hargaysa kula hadlay ayaa  dhaliishii Jaamac Shabeel ee la xidhiidhay xeerka kufsiga ku tilmaamay mid isaga u gaara, isla markaana aanu afka xisbiga ku hadli Karin Jaamac Shabeel.

Xasan Siciid Yuusuf, xoghayaha guud ee xisbiga Kulmiye oo ka jawaabayay hadalkii uu Jaamac Shabeel ku duray xeerka kufsiga, waxa uu yidhi “Jaamac Shabeel, markii uu xeerka kufsiga ka hadlayay si shaqsi ayuu u hadlay. Kuma jiro kana mid ma aha hogaanka xisbiga. Af-hayeenka xisbigana ma aha,  magaca xisbigana kuma hadli karro. Wixii qadiyad ah ee xisbiga dhexdiisa ku saabsan xisbigu af-hayeenka ayuu leeyahay, guddoomiye iyo guddoomiye ku xigeen ayuu leeyahay”.

xasan 1 jpg

Xoghayaha guud ee Kulmiye waxa kaloo uu beeniyay in uu jiro khilaaf u dhexeeya isaga iyo madaxweyne Muuse Biixi, ahna guddoomiyaha xisbiga Kulmiye. “Arrintaas waxba kama jiraan. waana mid been ah. baraha bulshadda ee Internet-ka ayaa shalay ilaa doraad  lagu qorayay. Waxaan u cadaynayaa ummada Somaliland iyo cid kastoo arrintaa maqashayba inay tahay been aan waxba ka jirin.

Madaxweynuhu waa madaxweynahaygii,  waa guddoomiyahayagii xisbiga, saaka ayaanan xafiiskiisa madaxtooyadda la joogay”ayuu yidhi Xasan Siciid Yuusuf.

Dhinaca kale guddoomiyaha golaha dhexe ee xisbiga Kulmiye Jaamac Shabeel, ayaa iska difaacay eedaha uga yimid xoghayaha guud. Waxaanu yidhi  “Nin iska hadlay weeye xoghayaha Kulmiye. Aniga Xasan Siciid wuu iigu yimid xisbiga Kulmiye anigoo guddoomiyaha golaha dhexe ah. markaa ma saaka ayuu leeyahay  af-ka xisbiga kuma hadli kartid?.

shabeel

Anigu waan fahmayaa u jeedadiisa, laakiin waxaan u sheegayaa, haddii ay taadda noqon lahayd Muuse madaxweyne ma noqdeen. Waadigii iilkiisa qodayay, ee dilkiisa iyo shairqoolkiisa ka shaqaynayay”.

Jaamac Shabeel, ayaa intaas raaciyay in aanay jirin cid kala dhex geli karta isaga iyo madaxweyne Muuse Biixi, oo uu marar badan marxalado adag kala soo dabaashay. Isagoona sheegay xoghaye Xasan Siciid uu xiliyadaas ka mid ahaa dadkii Muuse Biixi ka soo hor jeeday.

“Ha is odhanin markay taydii noqotay ee Muuse madaxweyne noqday, Muuse iska xigsii. Waxaanan kuu sheegayaa aniga iyo madaxweynaha nin dilkiisa soo shirqooli jiray iyo nin wax ma tare ah, midnaba dhexdayadda ma soo geli karro.

Aniga iyo madaxweynaha arrintayadda waxaa geli kara oo keliya nin la soo halgamay,  oo sidaydii oo kale u badheedhay, oo la soo dhintay, iyo aniga iyo raggii la soo dhintay ayuun baa geli kara. Laakiin adiga iyo mid sidaadda oo kale wax ma tare ahi, ma geli karaane, waxaan ku leeyahay dib isaga fadhiiso”ayuu yidhi Jaamac Shabeel.

 

By: Khadar Cabdi Muuse

SDWO/Hargeisa Office

 
,, ,,,.