Friday, May 29th, 2020
Raadi oo Ku qor Halkan wararkii hore

Somaliland Democracy Watch Organisation - SDWO.COM 

To Promote Democracy In Somaliland                 SomalilandNews.net

​ ​

YOUR ARTICLES

Welcome To SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ----- SomalilandNews.net

Shir Lagu Heshiisiinayo Laba Beelood Oo Sabtidda Ka Furmaya Laascaanood

Published on September 28, 2018 by   ·   No Comments

Laascaanood (SDWO): Shir nabad lagu dhex dhigayo laba beelood oo dhawaan dagaal ku dhexmaray koonfurta gobolka Sool ayaa la filayaa in uu berito ka furmo magaaladda Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Shirkaas oo la doonayo in loogu gar-naqo labadaas beelood waxaa ka qayb gelaya wasiirro iyo masuuliyiin kaloo ka tirsan xukuumadda Somaliland iyo sidoo kale ergooyin madax dhaqameed ah oo dhex dhexaadinaya beelahaas.

Waxaana furitaanka shirkan goob joog ka noqon doona wasiirrada arrimaha gudaha iyo waxbarashadda ee Somaliland iyo sidoo kale guddoomiyaha golaha Wakiiladda Somaliland Baashe Maxamed Faarax.

Sidoo kale shirkan lagu nabadaynayo labadan beelood waxaa ku dhan min 21 xubnood oo laga soo kala xulay labadda beelood, kuwaasoo wakiil ka ah beelahoodda, isla markaana iyagu ah cida leh masuuliyadda heshiiska.

Sida uu noo xaqiijiyay badhasaabka gobolka Sool C/rashiid Xuseen Cabdulle (Gar-gaar), oo aanu caawa khadka telefoonka kula xidhiidhnay. Isagoo arrintaas ka hadlayayna waxa uu yidhi “Berito ayuu shirkaasi ka furmayaa magaaladda Laascaanood. Ma jecli in aan ka sii hor dhaco ama wax faahfaahin ah ka bixiyo.

Furitaanka shirka waxaa goob joog ka noqonaya ergooyin madax dhaqameed ah. sidoo kale waxaa ka qayb gelaya masuuliyiin ka tirsan dawladda Somaliland, oo ay ka mid yihiin wasiirka arrimaha gudaha, wasiirka waxbarashadda, guddoomiyaha golaha Wakiiladda iyo maamulka gobolka Sool”.

Badhasaabka ayaa intaas raaciyay in labadda dhinac ee la heshiisiinayo mid walba ay shirka u metelayaan min 21 xubnood oo madax dhaqameed ah.   “Xubnaha ergadda kala metelaysa madax dhaqameedka labadda beelood way ku dhan yihiin shirka, salaadiin iyo madax dhaqameed kaloo badan ayaa goob joog ka noqon doona.

Labadda beelood ee la dhex dhexaadinayo mid walba min 21 xubnood  ayaa laga soo xulay oo shirka u metelaysa. Halkaas ayaana la isku soo hor fadhiisin doonaa, oo loogu gar-naqayaa  madax dhaqameedka labadda beelood ee dirirtu dhex martay”ayuu yidhi C/rashiid Gar-gaar.

 

By: Khadar Cabdi Muuse

SDWO/Hargeisa Office

 
,, ,,,.