Tuesday, October 16th, 2018
Raadi oo Ku qor Halkan wararkii hore

Somaliland Democracy Watch Organisation - SDWO.COM 

To Promote Democracy In Somaliland                 SomalilandNews.net

YOUR ARTICLES

Welcome To SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ----- SomalilandNews.net

Somaliland Oo Ka Mid Noqoysa Wadamadda Milixda Soo Saara

Published on October 3, 2018 by   ·   No Comments

Hargeysa (SDWO): Xukumada Somaliland ayaa  hashiis is fahan ah la saxeexatay shirkad soo saaraysa milixda, taasoo qorshaheedu yahay in Somaliland ay ka soo saarto Milixda ama cusbadda.

Somaliland-oo-ka-mid-noqotay-310x153

Waxaanay  shalay markii ugu horraysay hashiis la gasho shirkada SALTERNAS ee fadhigeedu yahay dalalka Jarmal iyo Australia.

Wasiirka wasaaradda horumarinta maalgashiga Somaliland, Maxamed Axmed Maxamuud (Cawad) iyo Maxamuud Jirde Xuseen oo ka mid ah guddiga sare ee shirkada SALTERNAS ayaa hashiiskan oo ku kacaaya lacag dhan 250 milyan oo dollar ku kala saxeexday xarunta wasaaradda maalgashiga Somaliland.

Maxamuud Jirde Xuseen oo ka mid ah guddiga sare ee shirkada SALTERNAS, ayaa ka warbixiyey ujeedada heshiiskan, waxaana uu yidhi “Mashuuracani waa mashruuc aad u muhiima oo dhaqaale badan oo maalgelineed la gelinaayo, waxaana la maal-gelinayaa dhulka nabadda ah.

Saddex boqol oo milyan oo dollar oo maalgalin ah waxa ay caddaynaysaa in nabadda Somaliland ay taam tahay, waxaanay soo jiidan kartaa dad badan oo maal badan gashanaya. waxaanan filaynaa in sannadka danbe aanu shaqada bilowno.”

Wasiirka wasaaradda horumarinta maalgashiga Somaliland, Maxamed Axmed Maxamuud (Cawad) ayaa dhinaciisa ka warbixyey ujeedada hashiiska iyo macluumadka shirkadda soo saaraysa milixda.

Waxaanu  yidhi “Waa wershada millixda ka soo saarta qaybaha kala duwan ee Somaliland, shirkadu waxa ay ka kooban tahay dad Somaliland u dhashay iyo niman maalgeliyayaal ah oo ka soo jeeda dalka Ustarelia. Markaa waxa aynu ku biiraynaa waddamada soo saara Millixda.

Mashruucani waxa uu ku kici doonaa lacag dhan 250 milyan oo dollar, waxaanu bilaabmayaa bilowga sannadka 2019-ka.”

Somaliland-oo-ka-mid-noqotay-310x153

Maxamed Axmed Cawad, waxa kaloo uu  sheegay in hashiiskan uu dhallinyarada dalka u horseedi doono shaqo abuurkii ugu weynaa ee ay helaan.

“Mashuurcan waxaa laga helayaa shaqo abuur, waxa uu qaadanaaya saddex kun oo shaqaale ah oo weliba kuwo toos u shaqo geli doona ah.

Waxa  kaloo u abuuri doona shaqo abuur aan toos ahayn, waxaa ka soo bixi doona mashruuca biyo badan, kuwaas oo marka milixda laga saaro noqon doona kuwo macaan”ayuu yidhi wasiir Cawad.

 

SDWO/Hargeisa Office

 
,, ,,,.