Wednesday, December 19th, 2018
Raadi oo Ku qor Halkan wararkii hore

Somaliland Democracy Watch Organisation - SDWO.COM 

To Promote Democracy In Somaliland                 SomalilandNews.net

YOUR ARTICLES

Welcome To SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ----- SomalilandNews.net

Madaxweynaha Somaliland Oo Ka Qay-galay Qalin Jebinta Dufcadii 17aad Arday Ka Aflaxay Jaamacadda Gollis+Sawirro

Published on October 3, 2018 by   ·   No Comments

Hargeysa (SDWO): Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta ka qayb-galay qalin-jebinta dufcaddii 17-aad ee qalin-jabisa jaamacadda GOLIS xarunteeda caasimadda Hargeysa.

42862353_1842245105889334_4575667774143070208_n 42969347_1842244505889394_1277773888914194432_n 42980366_1842245669222611_8350911041978236928_n 42981124_1842244849222693_7292338213539020800_n 42987146_1842246232555888_6476597140889010176_n 42987164_1842244019222776_3000186783997624320_n

Munaasibaddan ay ku qalin-jabiyeen 784-Arday oo wax ka baratay Jaamacadda GOLIS, ayaa waxa madaxweynaha ku wehelinayey xubno kamid ah golaha wasiirrada, hormoodka jaamacadda Golis, ardayda qalin-jabisay iyo waalidkooda.

Xildhibaanno, siyaasiyiin iyo marti-sharaf kale oo aad u tiro badan, waxana halkaas laga jeediyey hadallo lagu bogaadinayo ardayda wax baratay, isla markaana lagu hogo-tusaalaynayey sidii ay ugu diyaar garoobi lahaayeen dhismaha mustaqbalkooda iyo wax u qabashada dalkooda Hooyo.

Ugu horrayn hormoodka jaamacadda Gollis, ayaa si qoto dheer uga sheekeeyey marxaladihii kala duwanaa ee ay jaamacaddu soo martay.

G Golisn42993622_1842233882557123_5382599989128069120_n 42999656_1842244055889439_7976639959647911936_n 43007598_1842244749222703_3955619211228741632_n 43021712_1842245865889258_2785280768128057344_n 43029224_1842240195889825_3053521438771249152_n

Waxaanay  shaaciyeen inay soo saareen kumannaan da’yar oo ku hubaysan noocyada kala duwan ee aqoonta, kuwaas oo noloshooda wax ka beddelay.

Madaxweynaha   ayaa isna dhinaciisa bogaadiyey ardayda jaamacadda GOLIS ka qalin-jabisay, waxana uu ku bogaadiyey inay u diyaar garoobaan sidii ay bulshadooda iyo dalkoodaba wax ugu qaban lahaayeen.

1111n

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, waxa uu ardayda qalin-jabisay xusuusiyey duruufihii adkaa ee ay noloshooda kusoo qaateen dadka horumarka sameeyey iyo sidii ay usoo samreen, isaga oo hoosta ka xarriiqay in ardaydana looga baahan yahay inay duruufaha soo wajaha u samraan.

Waxaanu  yidhi “Dadkeennii hore ee miyiga ku dhaqnaa duruufo kuwan ka adag bay ku noolaayeen oo ay nolosha wax kaga saareen.

Bal  u fiirso nin kasta oo taajir soo sameeyey Somaliland, nin Iskuul galay ma jiro, nin la gacan-qabtayna ma jiro, qof walibana isagaa isa soo saaray.”

1 1111n 42862353_1842245105889334_4575667774143070208_n 42969347_1842244505889394_1277773888914194432_n 42980366_1842245669222611_8350911041978236928_n 42981124_1842244849222693_7292338213539020800_n 42987146_1842246232555888_6476597140889010176_n 42987164_1842244019222776_3000186783997624320_n 42987183_1842245025889342_7190054383428567040_n 42987733_1842244449222733_6923940163978526720_n (1) 42987733_1842244449222733_6923940163978526720_n 42993622_1842233882557123_5382599989128069120_n 42999656_1842244055889439_7976639959647911936_n 43007598_1842244749222703_3955619211228741632_n 43021712_1842245865889258_2785280768128057344_n 43029224_1842240195889825_3053521438771249152_n 43029691_1842245342555977_5120251579823292416_n (1) 43029691_1842245342555977_5120251579823292416_n (2) 43029691_1842245342555977_5120251579823292416_n 43030759_1842240215889823_2383165829429592064_n 43032651_1842238879223290_2144110002728599552_n 43034934_1842246035889241_1059105915485028352_n 43039156_1842238845889960_193899524098359296_n 43043435_1842233905890454_8953845392873619456_n 43045401_1842244062556105_4982439127405297664_n 43061471_1842245962555915_5941060473364414464_n 43066004_1842245279222650_5572376293082660864_n 43082439_1842240129223165_6262498200913969152_n 43092086_1842245762555935_7685860447391580160_n 43104973_1842245562555955_541107141323259904_n 43159199_1842244512556060_1476399208478015488_n G Golisn

SDWO/Hargeisa Office

 
,, ,,,.