Wednesday, December 19th, 2018
Raadi oo Ku qor Halkan wararkii hore

Somaliland Democracy Watch Organisation - SDWO.COM 

To Promote Democracy In Somaliland                 SomalilandNews.net

YOUR ARTICLES

Welcome To SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ----- SomalilandNews.net

Waddani Oo Shaaciyay In Ay Hakiyeen Wadahadallo U Socday Kulmiye iyo Qodobadda Ay Isku Af-garan Waayeen

Published on October 3, 2018 by   ·   No Comments

Hargaysa (SDWO): Xisbiga mucaaradka ah ee Waddani ayaa cadeeyay in ay hakiyeen wadahadallo u socday iyaga iyo xisbiga talladda haya ee Kulmiye, wadahadaladaas oo la xidhiidhay arrimaha doorashooyinka soo socda iyo waxa laga yeelayo guddiga doorashooyinka oo Waddani ku adkaysanayo in la bedelo.

xxx

Xildhibaan Xuseen Axmed Caydiid, oo ka tirsan xisbiga Waddani ayaa sheegay in sababta ay u hakiyeen wadahadalkaasi ay la xidhiidho ka dib markii ay masuuliyiinta xisbiga Kulmiye isku af-garan waayeen qodobo dhawr ah.

Waxaanu tilmaamay in waxyaabo badan ay isku aragti ka noqon waayeen, kuwaasoo ay ka mid tahay in la kala diro komishanka doorashooyinka, taasoo uu xisbiga Waddani si weyn ugu adkaysanayo halka xubnaha ka socda xisbiga Kulmiye ay ka soo hor jeedaan.

Xuseen Axmed Caydiid, oo maanta gelinkii danbe warbaahinta kula hadlay Hargaysa, waxa kaloo uu sheegay in xisbi ahaan ay iyagu ku doodayaan in marar hore iyadoo wakhtigii doorashadda wax yar ka dhiman yihiin komishanka doorashooyinka la kala diray.

Hase yeeshee aanay ilaa hadda fahmin sababta xukuumadda iyo xisbiga Kulmiye ay kuwa hada jooga ugu dhegan yihiin.

Daawo Xuseen Axmed Caydiid Oo Arrimahaas Ka Hadlaya:

SDWO/Hargeisa Office

 
,, ,,,.