Wednesday, December 19th, 2018
Raadi oo Ku qor Halkan wararkii hore

Somaliland Democracy Watch Organisation - SDWO.COM 

To Promote Democracy In Somaliland                 SomalilandNews.net

YOUR ARTICLES

Welcome To SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ----- SomalilandNews.net

Wasiir Guri Barwaaqo Oo Warbaahinta Uga Digay Wararka Liddiga Ku ah Qarannimada

Published on October 4, 2018 by   ·   No Comments

Hargeysa (SDWO): Xukuumadda Somaliland ayaa uga digtay warbaahinta in aanay baahinin warar been abuur ah ama wax u dhimaya qarranimada Somaliland.

bar

Sidaasna waxa lagu sheegay war-saxaafadeed uu soo saaray Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Faarax (Guri-Barwaaqo), waxaana warxaafadeedkaasi u dhignaa sidan:-

“Warbaahinta kala duwan  ee dalka ka hawlgasha, waxa  ay qaarkood caadaysteen inay faafiyaan warar lid ku ah  wada-jirka shacbiga iyo jiritaanka Qaranimada Somaliland, sidoo kalena halis ku ah amniga dalka.

Sida uu dhigayo xeerka saxaafadda Somaliland, Xeer No.27/2004, waxa warbaahinta xaaraan ka ah  inay baahiyaan  warar ku lug leh arrimaha ciidammada iyo sidoo kale kuwo been abuur ah ama se mala-awaal ah, waxa loo raacayaa arrimahan  sida uu tilmaamayo  qodobka 10aad  ee xeerka saxaafadda Somaliland xubintiisa koowaad, labaad iyo qodobka 15aad”ayaa lagu yidhi war-saxaafadeedka.

“Sidaas darteed,  laga bilaabo maanta  waxa la farayaa in warbaahintu ka digtoonaadaan  wararka been abuurka ah, ku tidhi ku-teenka ah, aflagaadooyinka  shaqsiga ah iyo kuwo khaas  u ah qofka iyo arrimaha ciidammada.

Cid kasta oo  ku kacda baahinta war ku liddiya  qodobada xeerka saxaafadda Somaliland ku xusan, waxa laga qaadi doonaa talaabo waafaqsan sharciga.”

 

SDWO/Hargeisa Office

 
,, ,,,.