|
Somaliland Democracy Watch Organisation - SDWO.COM | YOUR ARTICLES |
![]() |
---|
Welcome To SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ----- SomalilandNews.net
Hargaysa (SDWO): Fadhiga 22aad ee Golaha Wasiirada Somaliland oo uu shir gudoominaayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, kuna wehelinaayey Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 04/10/2018-ka.
Waxaa warbiximo lagaga dhagaystay guddida diyaarinta Miisaaniyadda Qaran ee Sannadka 2019, Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska iyo sidoo kale Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda.
Guddida Diyaarinta Miisaaniyadda Qaran ee 2019 ayaa Golaha wasiiradda u sharaxay sida habsami u socodka ah ee ay u diyaarinayaan Miisaaniyadda, iyagoo tilmamaay in Miisaaniyadda sannadka 2019 ay noqon doonto mid ku fadhida nidaam casriya oo si wayn looga baaraan-dagay.
Dhanka kale Wasiirka Waxbarashada ayaa golaha xog ka siiyey deeqdii waxbarasho ee Dawladda Itoobiya ay ugu deeqday Somaliland, isagoo xusay inay deeqdaas ku qaybiyeen si caddaalad ah oo ardayda ku guulaysatay deeqdaasi ay ahaayeen kuwo lagu xulay natiijada waxbarashadooda iyo siday u kala sareeyeen.
Sidoo kale guddoomiyaha Hay’adda shaqaalaha Dawladda, Sharmaake Axmed Muxumed, ayaa isaguna ka warbixiyey dedaalka loogu jiro in shaqaalaha dawladdu ay noqdaan kuwo ka soo dhalaali kara kaalmaha shaqo ee ay u hayaan qaranka iyadoo taa laga duulayana ay sameeyeen horumar balaadhan mudooyinkii u danbeeyey.
Geesta kale waxa uu xusay gumooyimuhu inuu soo dhamaaday wajigii kala hufka shaqaalaha dawladda oo ay ku heleen shaqaale aan jirin isla markaana ay hakiyeen boosaskii ay shaqaalahaasi ku qornaayeen.
Waxa kaloo uu xusay in Hay’adda Shaqaaluhu ku hawlan tahay dhammaan Siyaasadaha iyo shuruucda gundhigga u ah wanaajinta shaqada iyo shaqaalaha Dawladda Somaliland oo ay doonayaan inay Golaha Wasiirrada la wadaagaan sida ugu Dhakhsaha badan.
Golaha Wasiirada Jamhuuriyadda Somaliland wuxuu uga mahadceliyey Dawaladda Itoobiya deeqda waxbarasho ee ay siisay Somaliland, waxuuna ammaan iyo bogaadin u soo jeediyey Wasaaradda Waxbarashada Somaliland.
Siday u maamushay qaybinta Deeqdaas waxbarasho sidoo kale goluhu wuxuu hambalyeey Ardaydii ku guulaysatay Deeqda waxbarasho ee dalka Itoobiya oo iyagu dhawaan u ambabaxi doona goobihii lagu kala qoray ee dalka Itoobiya.
Wasiirrada ayaa soo dhaweeyey kuna hambalyeey shaqada fiican ee ay qabatay Hay’adda shaqaalaha Dawladdu wuxuuna ku booriyey inay dhamaystiraan hawsha inta ka hadhay si loo helo shaqaale karti iyo aqoon leh laguna soo xusho sifooyin sharciga dalka waafaqsan.
Ugu danbayntiina Golaha Wasiiradda Somaliland waxay go’aan ku gaadheen;
ALLAA MAHAD LEH
Xafiiska Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.