Tuesday, October 16th, 2018
Raadi oo Ku qor Halkan wararkii hore

Somaliland Democracy Watch Organisation - SDWO.COM 

To Promote Democracy In Somaliland                 SomalilandNews.net

YOUR ARTICLES

Welcome To SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ----- SomalilandNews.net

Maareeyaha Hay’adda Wadooyinka Oo Cadeeyay In Aanay Jirin Dhibaato Daadadku Gaadhsiiyeen Biriishka Weyn Ee Hargaysa

Published on October 5, 2018 by   ·   No Comments

Hargaysa (SDWO): Maareeyaha guud ee  hay’adda wadooyinka Somaliland Eng. Cismaan Sheekh Cabdi,  ayaa beeniyay warar maalmahan ay bulshadda Hargaysa isla dhex marayeen oo sheegayay in biriishka weyn ee magaaladda Hargaysa uu dumayo.

mareye vlcsnap-2768-10-16-13h04m50s341 vlcsnap-4228-10-29-05h16m48s654

Waxaanu sheegay in aanay jirin wax khatar ah oo ka soo fool leh biriishka, isla markaana biriishkaasi uu yahay mid bed qaba oo la isticmaali karo. Waxaanu  ugu baaqay dadweynaha caasimadda in ay iska saaraan cabsida gashay

Maareeyaha hay’adda wadooyinka Somaliland oo uu wehelinayay  Eng. C/laahi Cabdisalaan sheekh Cali Jawhar, oo ka mida injiineeradda hay’adda  wadooyinka oo maanta  kormeer ku tegay bariishka weyn magaaladda Hargaysa oo maalmahan la soo sheegayay in  qaybo ka mida ay roobabkii sanadkan da’ay dhaawacyo  soo gaadhsiiyeen ayaa cadeeyay in aanay jirin waxyeelo halis ah oo biriishka soo gaadhay.

Eng

Eng. C/laahi Cabdisalaan sheekh Cali Jawhar, oo maareeyaha hay’adda horumarinta wadooyinka kormeerkaasi ku wehelinayay ayaa sharaxaad ka bixiyay dhaawaca soo gaadhay biriishka iyo dhibka ay ku keeni karto isticmaalkiisa.

Waxa  kaloo uu injiineerku faahfaahin ka bixiyay  dayactir ay sanadkii 2006-dii ku sameeyeen biriishkan oo xiligaas ay waxyeelo u gaysteen daadadka ka dhashay roob waaweyn oo da’ay.

Halkan Ka Daawo Eng. C/laahi Cali Jawhar oo Sharaxaad Ka Bixinaya:

SDWO/Hargeisa Office

 
,, ,,,.