Wednesday, December 19th, 2018
Raadi oo Ku qor Halkan wararkii hore

Somaliland Democracy Watch Organisation - SDWO.COM 

To Promote Democracy In Somaliland                 SomalilandNews.net

YOUR ARTICLES

Welcome To SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ----- SomalilandNews.net

“Waxaanu u dejinay shuruudo iyo qaab aanu ku xulano ardayda la qaadanayay waana gar-daro in la iska eedeeyo cid aa need lahayn ”… wasiirka waxbarashadda

Published on October 5, 2018 by   ·   No Comments

Hargaysa (SDWO): Wasiirka wasaaradda waxbarashadda iyo Sayniska jamhuuriyadda Somaliland ayaa Yaasiin Maxamuud Xiir (faratoon), ayaa  wax laga xumaado oo gardarro ah ku tilmaamay  eedaymaha wasaaradiisa loo jeediyay ee la xidhiidha in la musuq maasuqday deeqo waxbarasho oo dawladda Itoobiya siisay Somaliland.

vlcsnap-0985-01-20-00h22m37s293

Waxaanu sheegay in deeqdaas waxbarasho si cadaalad ah loogu qaybiyay goboladda Somaliland oo dhan, balse  ardayda ka socotay goboladda qaar  ay buuxin waayeen shuruudihii looga baahnaa taasoo keentay in goboladu ku kala bateen tiradda ardayda u soo baxday in waxbarashadda loo dirro.

Deeqahan waxbarasho oo dawladda federaalka Itoobiya ku caawisay Somaliland ayaa isugu jirtay diyaarinta  heerka koowaad ee shahaadadda  degree-ga iyo barashadda heerka labaad ee aqoonta jaamacadaha (master).

Tiradda ardayda loo dirayo waxbarashadda ayaa guud ahaan dhamayd 300 oo qof. Kuwaasii  200 oo ka mida ay soo qaadan doonaan  diyaarinta shahaadadda heerka koowaad ee loo yaqaano degree-ga, halka  100-ka kale na  soo qaadan doonaan  heerka labaad ee waxbarashadda jaamcada ee degree-ga.

Wasiirka waxbarashadda Somaliland Yaasiin Maxamuud Xiir (faratoon),  oo  shir  jaraa’id ku qabtay xarunta wasaaradda ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay hadaladda ka soo yeedhay qaar ka mida goboladda ee ku cabayay in gobollo gaar loo sad-buriyay.

isagoo ka jawaabayay  eedaha loo jeediyay iyo sababta keentay in goboladu ku kala bateen tiradda ardayda soo baxday  waxa uu yidhi “Waxaanu ka xunahay goboladda qaarkood, oo weliba goboladda Bariga ah, oo aad u dacwoonayay. Dadku haddii ay iyagu is hagradeen, ama meel xun oo khaldan geeyeen, oo tilmaantii aanu tilmaanay ay raaci waaayeen, in ay iska eedeeyaan cid aan eed lahayn ma aha.

Anagu waanu u dul qaadanaynaa oo waxba na yeeli mayso, laakiin  waa gar-darro. Ta koowaad waxaanu u dhignay shuruudo iyo qaab  aanu ku fulino, oo ah shahaadda koowaad ee 200 ee qof la doonayay. Shahaadadaas xulshadeedda, si aanu u xulano waxaanu u dhignay shuruudo.

Shuruudahaas waxaa ugu horeeyay in ardaydga la qaadanayo, ee Itoobiya loo dirayo, ee shahaadadda heerka koowaad wax ku soo baranaya, in marka u horaysay imtixaankii dugsiga sare ee shahaadiga ahaa, in uu kaga gudbay derejadda ah B iyo wixii ka sareeya”.

“Taa markii aanu eegnay, waxaa noo muuqatay, in goboladda qaarkood dad badani aanay ka soo baxaynin, ama aanay qaybtii waxba ka helaynin. Sidaa daraadeed waxaanu raacinay, in aanu goboladda wax siino, oo u qaybino, maadaama ay deeq tahay, oo deeqdaas dadka intii aanu gaadhsiin karno aanu gaadhsiino.

Iyadoo taasi jirto ayaanu hadana si cadaaladi u dhacdo, oo dadka reer Somaliland ay wax u qaybsadaan oo ay u wada gaadho, ayaanu gobol walba wax u goynay, oo goboladii tiradda badan heli lahaa aanu wax uga jarnay.  Sidaa daraadeed gobol walba tirro ayaanu 200 boqol  ka siinay”ayuu yidhi wasiir faratoon.

faraton

Waxa kaloo uu wasiir Faratoon,  sharaxaad ka bixiyay  ardayda shahaadadda heerka labaad (master) ee iyag na loo dirayo dalka Itoobiya oo ay tiradoodu tahay 100 qof iyo shuruudaha lagu xidhay ardayga la qaadanayo.

Waxaanu yidhi “Shuruudda koowaad ee aanu ku xidhnay  ardayda shahaadadda heerka labaad ee master-ta waxay ahayd GBA wax la yidhaahdo, ayaanu shahaadadda labaad shuruud uga dhignay. Waxaana jirta jaamacaduhu GBA-gu ama waa 4 ama waa 3 ama waa 2 ama waa 1. Markaa GBA-ga 3aad ama wixii ka sareeya ardaydii uu GBA-giisu yahay ayaanu ku xidhnay  ta lagu qaadanyo.

Qofkii GBA-giisu 3 ka hooseeyo, lama qaadanaynin. Ta kale waxaanu ku xidhnay in aanu gobolada qaar, gobolkii laga helayo in uu haysto dad jaamacad ka soo baxay oo buundadaas (derejadda) ku gudbay, oo imtixaanka soo doontay tiradaa loo qoondeeyay way helaysay. Laakiin haddii ay ardayda ka iman waydo, uma xidhnaanaynin.

Gobolkii arday ka timaado, oo ay ka yimaadaan dad derajadda GAB-goodu yahay 3 oo jaamacad gobolkaas ah ka soo baxay, tiradda qoondadii gobolka ayuu qofku ku qaadanayay. Laakiin gobolkii haddii  laga waayo ama tiro yari ka soo gudbisato, tusaale ahaan haddii  5 qof ay soo gudbisteen codsiyadoodda, oo gobol ahaana la siiyay qoondo ah 15 qof, oo  5 keliya ka timaado, shantaas ayuun baa la qaadanayay”.

Geesta kale wasiirka waxbarashadda ayaa  ku dooday in si cadaalad ah ay u bixiyeen deeqdaas waxbarasho, balse ay  shaqsiyaad siyaasiyiin mucaarad ah si qaldan dadka u geliyeen, isla markaana uga faa’iidaysteen mucaaradnimadoodda.

Isagoo arrimahaas ka hadlayay na waxa uu yidhi “Waxaanu samaynay sidii ugu cadaalad badnayd. Dadka ugu horeeyay, ee dadka wax geliyay waxay ahaayeen siyaasiyiin, weli na qaar baa hadlaya. Siyaasiyiinta mucaaradka  waxaan u sheegayaa ama siyaasiyiintaba guud ahaan, in aan waxbarashadda la siyaasadaynin.

Waxan aad walaahoowga (walbahaarka) ku ridaysaan, ee jaho-wareerka aad ku ridaysaan waa ardaydeenii, waa caruurteenii, waa dhalinayradeenii, cid na gaar uma aha, xisbi na gaar uma aha, beeli na gaar uma laha”.

By: Khadar Cabdi Muuse

SDWO/Hargeisa Office

 
,, ,,,.