Wednesday, December 19th, 2018
Raadi oo Ku qor Halkan wararkii hore

Somaliland Democracy Watch Organisation - SDWO.COM 

To Promote Democracy In Somaliland                 SomalilandNews.net

YOUR ARTICLES

Welcome To SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ----- SomalilandNews.net

Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Oo Ka Qayb-galay Xaflad Loo Qabtay Arday Ka Qalin-jebiysay Jaamacadda ADMAS

Published on October 8, 2018 by   ·   No Comments

Hargeysa (SDWO): Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa ka qayb-galay xaflad ballaadhan oo loo sameeyay 607 arday oo ka qalin-jebiyay Jaamacadda Admas Universaty faraceeda magaalada Hargaysa.

43335369_1849149261865585_626483081053732864_n 43336532_1849150921865419_4057125974381166592_n 43340025_1849146861865825_4965812827966144512_n 43342664_1849149408532237_6771882344421785600_n (1) 43342664_1849149408532237_6771882344421785600_n 43342724_1849151361865375_6193010595046883328_n

Xafladani oo ahayd mid si weyn loo soo maamusaay kana soo qayb galeen masuuliyiin tiro badan oo ka socota dawladda Somaliland iyo axsaabta qaranka ayaa waxa halkaasi si wayn looga xusay muhiimadda ay waxbarashada iyo aqoontu u leedahay aadamaha.

Waxaana xafladaasi ka soo qayb galay wasiirro xukuumadda ka tirsan, guddoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha Wakiiladda, madaxweyne ku xigeenkii hore Axmed Yuusuf Yaasiin, siyaasiyiin, aqoon yahano iyo marti sharaf kale.

43460537_1849151555198689_5627375956353089536_n 43467025_1849150368532141_964008815496265728_n 43473277_1849147915199053_6329914412773670912_n 43482671_1849150771865434_2438900322949660672_n

Wasiir ku-xigeenka Waxbarashada Somaliland ayaa xusay in wasaaradda waxbarashadu doorkeeda ka qaadan doonto ardayda sanadkani kasoo baxaysa jaamacaadka kala duwan ee dalka isagoo wasiir ku-xigeenku xusay in si cadaalad ah ay u qaybiyeen deeqaha waxbarashada dibadeed ee wasaaradda soo gaadha.

Madaxweyneku-xigeenka oo halkaasi khudbad dheer oo dar-daaran, waano iskugu jirta halkaasi ka jeediyay ayaa waxa uu xusay in xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland si cadaalad ah ay ugu adeegi doonto ardayda kasoo baxaysa Jaamacadaha dalka.

222n

Waxaanu  xusay madaxweyne ku-xigeenku inaanay jiri doonin qof waji ku shaqo tagga balse qof walba oo dawladda Somaliland ay shaqaale nimo u qaadanayso uu ku shaqayn doono waxbarashadiisa iyo aqoonta uu leeyahay.

Isagoo arrimahaas ka hadlayayna waxa uu yidhi “Waxaan u hambalyaynayaa ardayda jaamacadda Admas, aad ayaanan ugu faraxsanahay inaan idinla wadaago farxada, waxaan idiin rajaynayaa aqoonta aad barateen inay noqoto mid aad dadka iyo dalka ku anfacdaan.

Mid  waxtar yeelata, annaguna inshalaahu waxaanu ballan qaadaynaa cadaalad, ma jiri doono qof waji lagu shaqaalaysiiyaa”.

Ugu danbayna waxa uu madaxweyne ku-xigeenku gudoonsiiyey qaar kamida ardayda maanta qalin-jebisay bilado iyo koobab ay ku mutaysteen dhibcaha wanaaga ay kaga hormareen ardaydii ay wax soo wada baranayeen.

Iyadoo  ay dadkii xaflada ka qalinjebiyey soo jiidatay kaalinta koowaad oo ay wada galeen laba hablood oo jaamacada u qaaday koobabkii koowaad iyadoo hore ay u dhici jirtay in hal qof koobka jaamacada qaado.

Daawo Sawirrada:

222n 1111 43335369_1849149261865585_626483081053732864_n 43336532_1849150921865419_4057125974381166592_n 43340025_1849146861865825_4965812827966144512_n 43342664_1849149408532237_6771882344421785600_n (1) 43342664_1849149408532237_6771882344421785600_n 43342724_1849151361865375_6193010595046883328_n 43343382_1849151841865327_8836261278642077696_n 43343390_1849149675198877_5149792334820409344_n 43344472_1849147881865723_4132896417322631168_n 43346176_1849148855198959_7135686866329665536_n 43348562_1849148465198998_4931522595053895680_n 43349965_1849150338532144_395296403238158336_n 43350158_1849148241865687_4170982954647945216_n 43356918_1849150381865473_8227025179931312128_n 43363872_1849150558532122_7342640900574543872_n 43365909_1849148388532339_3493533223269433344_n 43368027_1849146831865828_446557606715064320_n 43377440_1849147018532476_7383407205434785792_n 43382031_1849151215198723_4148746513092182016_n 43383561_1849150038532174_1213701188835344384_n 43386625_1849147081865803_2615443553492402176_n 43386682_1849151605198684_7731875494345310208_n 43395102_1849147291865782_4780175897527320576_n 43404287_1849151448532033_2727452289072627712_n 43406058_1849150498532128_7372539151469510656_n 43450104_1849149578532220_2278745961758982144_n 43460537_1849151555198689_5627375956353089536_n 43467025_1849150368532141_964008815496265728_n 43473277_1849147915199053_6329914412773670912_n 43482671_1849150771865434_2438900322949660672_n 43487520_1849151658532012_5730207927369728000_n 43494493_1849148648532313_6839864946503712768_n 43500596_1849146475199197_3796560947166838784_n 43509342_1849149998532178_931116933741281280_n 43522873_1849147138532464_230926836589133824_n 43528121_1849151415198703_2041421041238016000_n 43592858_1849151088532069_4263004553110093824_n 43607068_1849147451865766_3760380615111737344_n

SDWO/Hargeisa Office

 
,, ,,,.