|
Somaliland Democracy Watch Organisation - SDWO.COM | YOUR ARTICLES |
![]() |
---|
Welcome To SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ----- SomalilandNews.net
Burco (SDWO): Isu-duwaha wasaaradda caafimaadka Somaliland ee gobolka Togdheer Dr. Aadan Cilmi Diiriye, ayaa maanta daawooyin ka gudoomay hay’adaha Save The Children iyo UNICEF oo daawadaas soo gaadhsiiyay cusbitaalka Burco.
Waxaanu isu-duwaha wasaaradda caafimaadku daawadaas ku wareejiyay oo ka gudoomay agaasimaha guud ee cusbitaalka magaaladda Burco Dr. Cabdi Suudi, si ay daawadani qayb uga noqoto adeegyadda caafimaad ee bulshadda u hayaan.
Daawadani oo isugu jirta noocyo kala duwan waxaa soo bixiyay oo cusbitaalka Burco ugu deeqay hay’adaha UNICEF iyo Save the Children oo ka mida hay’adaha arrimaha caafimaadka ka taageera wasaaradda caafimaadka Somaliland.
Dr. Aadan Malay, isu-duwaha wasaaradda caafimaadka gobolka Togdheer oo hadal ka jeediyay munaasibadii uu daawooyinka ku wareejinayay ayaa hay’adaha UNICEF iyo Save the Children uga mahad celiyay daawooyinka ay ku soo caawiyeen cusbitaalka Burco.
Isu-duwaha ayaa sidoo kale ka warbixiyay guud ahaanba heerka uu gaadhsiisan yahay adeegyadda caafimaad ee gobolka Togdheer iyo tiradda xarumaha ka jira ee shaqeeya. Waxaanu yidhi “Haddii aan warbixin yar idinka siiyo adeegyada caafimaadka gobolkan Togdheer.
Gobolku waxaa ku yaalla cusbitaalka guud ee Togdheer iyo laba cusbitaal oo hoos yimaada oo kala ah cisbitaalka TB-da iyo cusbitaalka Maandhaye iyo cusbitaalo yar yar oo kale oo ku yaala Buuhoodle, Caynaba iyo Oodweyne.
Degmadda Burco waxaa ka shaqeeya 22 xanaano (MCHs) miyi iyo magaala ba. Dhamaantood si wacan ayay ushaqeeyaan”.
Geesta kale agaasimaha cusbitaalka guud ee Burco Dr. Cabdi Suudi, ayaa isna ka waramay xaalada cusbitaalka oo uu sheegay in dayactir iyo dib-u-habayn balaadhan lagu sameeyay.
“Waad ka warhaysaan cusbitaalka Burco siduu ahaan jiray iyo maanta siduu yahay iyo isbedelka ka muuqda. Waxaa markii hore u soo adeeg doonan jiray dad kooban, maanta na waxay ku dhaw yihiin saddex jeer laban laab dadkii hore. Markaa xaalada caafimaadka cusbitaalku waa sidaa”ayuu yidhi agaasimaha cusbitaalka Burco.
Dr. Cabdi Suudi, ayaa ku amaanay isu-duwaha wasaaradda caafimaadka ee gobolka Togdheer dedaalka uu ugu jiro sidii loo horumarin lahaa adeegyadda caafimaad ee cusbitaalka Burco.
Isagoo arrimahaas ka hadlayay na waxa uu yidhi “Runtii si weyn baan ugu mahad naqayaa isuduwaha wasaarada caafimaadka Togdheer oo imikadan daawooyin noo keenay, dedaal weyn buu na ku jiraa sidii horumarinta cusbitaalka gacan weyn uu nooga siin lahaa.
Sidaan idiin sheegnay waxaanu ku guulaysanay in aan adeegii aanu bulshadda u haynay wax badan ku soo kordhino”.
SDWO/Hargeisa Office