Tuesday, October 16th, 2018
Raadi oo Ku qor Halkan wararkii hore

Somaliland Democracy Watch Organisation - SDWO.COM 

To Promote Democracy In Somaliland                 SomalilandNews.net

YOUR ARTICLES

Welcome To SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ----- SomalilandNews.net

Somaliland: Xildhibaano Puntland Ku Eedeeyay Daan-daansi Dagaal

Published on October 10, 2018 by   ·   No Comments

Hargaysa (SDWO): Xildhibaano ka tirsan golaha Wakiilada Somaliland ayaa sheegeen in ciidanka qaranka Somaliland ay ku dhufan doonaan dhirbaaxo kulul oo aanay ka soo kaban doonin maamulka Puntland ee duulaanka ku haya xuduudaha dalka.

22222222244444

Xildhibaan Siciid Cartan Cismaan iyo xildhibaan Axmed Diiriye Nacnac oo maanta warbaahinta si wada jira ugula hadlay magaaladda Hargaysa waxay  ugu baaqeen hogaamiyeyaasha Puntland in ay joojiyaan daan-daansiga, kuna dedaalaan sidii deris wanaag loogu wada noolaan lahaa.

Waxaanay ugu hanjabeen dawladda Soomaaliya ee dabadda ka riixaysa colaadda Puntland ka hurinayso gobolka Sool in haddii ay joojin waayaan gardaradda ay wadaan in ciidanka qaranka Somaliland awood u leeyhiiin in ay 24 saacadood ku qabsadaan magaalada Garoowe ee caasimada u ah maamulka Puntland.

2

Xildhibaan Siciid Cartan Cismaan, oo arrimahaas ka hadlayay na waxa uu yidhi  “Waxa in badan xukuumadda Somaliland ilaalinaysay in aanu daadan Dhiig Soomaaliyeed. Sababta  ciidanka qaranka u dhaafi waayeen Tukaraq waa taas.

Haddii  ciidanka qaranka madaxweynuhu u fasaxo in ay dhaqaaqaan waxay awood u leeyihiin in afar iyo labaatan saacadood (24) gudahood ku qabsan karaan magaaladda Garoowe,  waa biyo kama dhibcaan. Waxaanay  Somaliland waayo arag u tahay in dagaal Wiil aanu ku dhalan ee Wiil ku dhinto”.

“Waxaananu leenahay Puntland iyo ragga aan waayo araga ahayn ee hogaaminaya,  haddii aad weerar danbe soo qaadaan waxa idinku dhici doona dhirbaaxo ay daan ka soo kaban,  ayaad kala kulmi doontaan ciidanka qaranka Somaliland.

Waxaynu  kala nahay laba dawladood oo kala ah Somaliland iyo Soomaaliya.  Puntland waxay ka tirsan tahay Soomaaliya,  waxaanan u soo jeedinayaa Puntland in aan deris wanaag ku wada noolaano.

Ciidanka qaranka na  waanu ku garab taaganahay in ay dhirbaaxo kulul idinku dhuftaan”ayuu yidhi xildhibaan Cartan.

download

Sidoo kale xildhibaan Axmed Diiriye Nacnac,  ayaa maamulka Puntland ku eedeeyay in ay ka baxeen nabadgelyadii wadamadda Geeska iyo beesha caalamku ku doonayeen in lagu joojiyo colaadda Tukaraq.

Waxaanu daan-daansi dagaal ku tilmaamay safarkii uu dhawaan madaxweynaha maamulka Puntland ku yimid magaaladda Dhahar ee gobolka Sanaag. “Maamulka Puntland ee Soomaaliya waa kuwii ina soo weeraray,  waxaanan  aduun weynaha u sheegaynaa in nabadii ay Puntland ka baxday.  Safarkii Cabdiweli Gaas uu ku yimid Dhahar, waxay ahayd daan-daansi.

Madaxweynaha  Somaliland isagoo labaatan jira ayuu soo galay dagaalkii SNM ee dalka lagu xoreeyay. Aduun  weynaha ayaynu tusaynay farogelintaa uu inagu soo sameeyay madaxweynaha Puntland.

Waxaanan balan ugu qaadaynayaa Puntland in ay Garoowe ka qaxi doonaan haddii ay mar danbe weerar ku soo qaadaan fadhiisimadda ciidanka qaranka Somaliland ay  ku sugan yihiin ee  Tukaraq”ayuu yidhi xildhibaan Nacnac.

 

By: Khadar Cabdi Muuse

SDWO/Hargeisa Office

 
,, ,,,.