Wednesday, December 19th, 2018
Raadi oo Ku qor Halkan wararkii hore

Somaliland Democracy Watch Organisation - SDWO.COM 

To Promote Democracy In Somaliland                 SomalilandNews.net

YOUR ARTICLES

Welcome To SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ----- SomalilandNews.net

Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Oo Dhagax Dhigay Balaadhinta Dhismaha Cusub Ee Dekeda Berbera

Published on October 10, 2018 by   ·   No Comments

Berbera (SDWO): Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa maanta dhagax dhigay dhismaha cusub ee ballaadhinta dekedda iyo Free Zone-ka Berbera.

43500616_1852391258208052_4376856748783304704_n 43528166_1852387391541772_3417746618366033920_n 43530743_1852391021541409_4575769753846546432_n 43546982_1852388771541634_3695100299078270976_n 43548859_1852394718207706_6627537753552715776_n 43549942_1852388984874946_2054317273249742848_n 43561606_1852390271541484_8228265119809798144_n 43561635_1852392708207907_3649031994530070528_n

Munaasibad ballaadhan oo loo qabtay xaflaadaasi dhagax-dhigga ah ayaa waxa goob-joog ka ahaa Wasiiro, Xildhibaano, Madax-dhaqameed iyo marti sharaf kale ka timid dalalka jaarka iyo waddo kale oo lagu soo casuumay munaasibadaasi.

Maareeyaha dekeda berbera Siciid Xasan Cabdilaahi oo munaasibadaasi furay ayaa ka xog waramay halka ay marayso shaqada ballaadhinta dekedu iyo guud ahaan horumarka ay ku talaabsatay dekeda berbera.

Agaasimaha Maamulka iyo qorshaynta shirkadda DP WORLD Sheekh Cadnaan Al-cabaad oo ka hadlay Munaasibadaa ayaa sheegay in DP WORLD wax-qabad la taaban karro ay ka fulisay Dekeda weyn ee Berbera iyo guud ahaan gobolka Saaxil.

43680866_1852390638208114_378939995248918528_n

Waxaanu  sheegay agaasimuhu in DP WORLD aanay ku mashquulsanayn kaliya Dekeda balse ay qayb laxaadleh ka qaadanayaan adeegyada gaarka ah ee bulshada gaar ahaan waxbarshada, biyaha iyo caafimaadka oo uu sheegay inay door muuqata ka qaataan horumatintooda.

20_n

Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Saylici oo isna khudbad dheer munaasibadaasi ka jeediyay ayaa sheegay in xukuumadda Somaliland dadaal dheer ugu jirto sidii Somaliland loo maal-gashan lahaa, islamarkaana waxa uu madaxweyne ku-xigeenku ugu baaqay guud ahaan bulshada reer Somaliland inay si weyn usoo dhaweeyaan cid kasta oo dalkani maal-gashanaysa.

Waxaanu yidhi “Maanta waa maalin qiimo leh, aad baan ugu faraxsanahay in hawshan weyn aynu bilawno, xukuumadu dadaal ayay ugu jirtaa sidii aynu u heli lahayn cid dalkeena maal-gashi ku samaysa, maanta waxaanu halkana u joognaa ballaadhintii dekedda.

Aad  baan ugu mahadcelinayaa shirkadda DP WORLD, waxaan rajaynayaa in dekeda iyo madaarkuba bilaw wanaagsan u noqon doonaan horumarka Somaliland.

Waxaan  ugu baaqayaa guud ahaan bulshada reer Somaliland gaar ahaana bulshada reer Saaxil inay la shaqeeyaan soona dhaweeyaan cid kasta oo dalkani maal-gashanaysa”.

43716526_1852389451541566_7386483535890087936_n 43727726_1852390851541426_2083800505749864448_n 43739001_1852392014874643_2256355575690428416_n 43749670_1852386818208496_3328870477857816576_n 43828125_1852391548208023_6171484781600047104_n 43951445_1852389294874915_1534724765573447680_n43614956_1852392898207888_3025473549981712384_n 43617990_1852393118207866_2795667016957034496_n 43618960_1852391451541366_3378267257506365440_n 43629427_1852389998208178_1730023113275473920_n 43632651_1852387138208464_5536105556260945920_n 43650761_1852390148208163_7101710668541198336_n 43654281_1852396148207563_8965198795323211776_n 43666930_1852392271541284_8649878651686354944_n 43680866_1852390638208114_378939995248918528_n43601406_1852395618207616_7775898355078529024_n 43604332_1852389138208264_4811926683781169152_n (1) 43604332_1852389138208264_4811926683781169152_n 43607017_1852396018207576_6112820759606853632_n20_n 72_n 43415356_1852388248208353_4113091477012217856_n 43500616_1852391258208052_4376856748783304704_n 43528166_1852387391541772_3417746618366033920_n 43530743_1852391021541409_4575769753846546432_n 43546982_1852388771541634_3695100299078270976_n 43549942_1852388984874946_2054317273249742848_n 43561606_1852390271541484_8228265119809798144_n 43561635_1852392708207907_3649031994530070528_n

 

SDWO/Hargeisa Somaliland

 
,, ,,,.