Friday, April 23rd, 2021
Raadi oo Ku qor Halkan wararkii hore

Somaliland Democracy Watch Organisation - SDWO.COM 

To Promote Democracy In Somaliland                 SomalilandNews.net

​ ​

YOUR ARTICLES

Welcome To SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ----- SomalilandNews.net

Wasaaradda Caafimaadka Somaliland Oo Ka Hadashay Qaabkii Ay Uga Hawl Gashay Daawaynta Dhaawacyadda Dagaal Beeleedkii Koonfurta Sool

Published on October 26, 2018 by   ·   No Comments

Hargaysa (SDWO): Wasaaradda caafimaadka jamhuuriyadda Somaliland ayaa ka hadashay adeegii caafimaad ee loo fidiyay dhaawacyadii ka dhashay dagaal beeleedkii  3 maalmood ka hor degaanka Dhumay ee koonfurta gobolka Sool ka dhacay.

x

Agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadka Somaliland Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye, ayaa sheegay in ay si wanaagsan uga hawl galeen daawaynta dadkii dagaalkaas ku dhaawacmay oo intooda badan la dhigay cusbitaalka Laascaanood iyo sidoo kale cusbitaaladda Burco iyo Hargaysa.

Dr. Xergeeye, ayaa tilmaamay in isla maalintii uu dagaalku dhacay ba ay wasaaradda caafimaadka Somaliland abaabushay dhakhaatiirta iyo kal-kaaliyeyaasha caafimaad ee jooga Laascaanood, isla markaana ay u direen magaaladda Laascaanood baabuur weyn oo siday daawooyin.

“Wasaaradda caafimaadku way ka hawl gashay arrintaa isla markii la ogaaday in dagaalku dhacay ba. Waxaanay markiiba wasaaradu abaabushay dhakhaatiirtii iyo  kal-kaaliyeyaashii caafimaadka ee joogay gobolka Sool iyo goboladda u dhaw, iyadoo diyaar laga dhigay.

Iyadoo runtii kayd daawo ah oo ku filan-na uu marka hore ba yaalay Laascaanood, isla subaxii labaad waxaanu ka dirnay magaaladda Hargaysa gaadhi Waaraad ah oo siday daawo, oo uu sii kexeeyay isu-duwaha wasaaradda caafimaadka ee gobolka Sool, oo aanu ku amarnay in daawadaas la gaadhsiiyo meel kastoo uu dhaawacu yaalay.

Waxaana  daawadaas badi la geeyay cusbitaalka guud ee magaaladda Laascaanood, loona gudbiyay meello kale oo uu dhaawac yaalay sida cusbitaalka Gar-gaar ee ku yaala magaaladda Laascaanood oo ah cusbitaal gaar loo leeyahay, oo daawadaas aanu gaadhsiinay, si loogu adeego dadkaasi”ayuu yidhi agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadka Somaliland oo maanta u waramay telefishanka ERYAL.

Agaasimaha guud waxa kaloo uu sheegay in dhaawacyada qaarkood la soo gaadhsiiyay cusbitaalka guud ee magaaladda Hargaysa, kuwaasoo wixii dhaawacoodu fududaa ay cusbitaalka ka baxeen halka weli ay jiraan qaar ay daawayntu u socoto.

Waxaanu yidhi “Dhamaanba dhaawacii ka dhashay dagaal beeleedkii Dhumay,  90% waxa uu soo gaadhay magaaladda Laascaanood, iyadoo lagu daawaynayay, kuwaasoo dhaawacyadooduna ay badi ahaayeen kuwo fudud oo markiiba wax loo qabtay.

Way jireen dhaawacyo laga soo gudbiyay Laascaanood, oo la soo gaadhsiiyay Burco iyo Hargaysa. Imika na waxaa yaala cusbitaalka guud ee Hargaysa ilaa 20 qof oo dhaawac ah, oo weli sii jiifa. Iyadoo wixii la daaweeyay ee lad-naaday na ay hore uga baxeen cusbitaalka, kuwii aan weli lad-naanina ay ku jiraan”.

Sidoo kale Dr. Cali Xergeeye, waxa uu  beeniyay warar la isla dhex marayay oo sheegayay in wasaaradda caafimaadku ay ka gaabisay daawaynta dhaawacii dagaalkii beeleedkii Dhumay.“Waxaan halkan ka cadaynayaa in wasaaradda caafimaadku ay isla markiiba ka hawl gashay sidii loo daawayn lahaa dhaawacii ka dhashay dagaal beeleedkii ka dhacay koonfurta Laascaanood. Iyadoo isla markiiba la diray shaqaale ku filan, gaadiid ku filan iyo daawo ku filan, isla markiiba na si xooga ayaa loog hawl galay.

Markaa halkaa wax loogu dhaliili karo wasaaradda caafimaadka in ay ka gaabisay ama guud ahaanba qaranka jamhuuriyadda Somaliland oo dhaawacii dagaalkaas ka dhashay ah ma jirto”ayuu yidhi Dr. Xergeeye.

Dhinaca kale agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadka Somaliland waxa uu ka hadlay qaar ka mid ahaa dadkii dagaal beeleedkii Dhumay ku dhaawacmay oo la sheegay in Muqdisho loo qaaday,  isagoo na xusay in aanay haboonayn in la siyaasadeeyo  haddii qof ama laba ay eheladiisu meel kale u qaadaan.

xergeyn

Dr. Xergeeye oo arrimahaas ka hadlayay na waxa uu yidhi “Dadku marka ay dhaawacmaan ehel ayay leeyihiin, qof ama laba  haddii eheladiisu ay meel kale gaysanayso way dhacdaa. Muqdisho maahee Turkigaba waa la geeyaa, Jabuuti ayaa la geeyaa. Xataa meello kale qofkii ehelkiisa gaysanayaa way u furan tahay, asalkaba na caafimaadku siyaasad ma gallo.

Dadkii dagaal beeleedka Dhumay ku dhaawacmay na, labada dhinac ba dadkayaga weeye, waa dad reer Somaliland ah, wasaaradda caafimaadka jamhuuriyadda Somaliland ayaana masuul ka ah dadkaas dhaawacmay, cid kaloo masuul ka ahi ma jirto. Markay noqoto wasaaradda caafimaadka na, dadkaasi waa isugu mid”.

Waxaanu intaas ku daray “Sharciga caafimaadka na marka la dagaalamayo, ee dagaal dhaco dadka caafimaadka ku jira ee labadda dhinac ba, waxay masuuliyadi ka saaran tahay, dadka labadda dhinac ba in ay daaweeyaan. Tana waa dagaal ehel, oo waa mid laba beelood oo walaalo ah, oo wasaaradda caafimaadku masuul ka tahay, wax la siyaasadeeyana ma leh”ayuu yidhi agaasime Xergeeye.

 

By: Khadar Cabdi Muuse

SDWO/Hargeisa Office

 

 
,, ,,,.

Wararka Keydka

Mashruucii Ramadan ka ee Afuri walaal baahan ee SDWO Relief Project isku geyn waxa na soo gaadhay $2480.00 oo sadaqooyin ah anagoo isla shalay maalintii Ramadanta ka horeysay ka gaadhsiinay in aan raashin ugu qaybino ilaa afartan qoys oo danyar ah

Mashruucan Ramadaan ka ee Afuri walaal baahan ee SDWO Relief Project waa msahruuc sanad leh ah oo soo ...

Ka qaybqaado Barnaamijka SDWO Relief Project ee Sanadlaha ahaa ee Afurinta Dadka Danyarta ah ee Xaafada Daami – Ka faaiidayso Ajarka Bisha Barakaysan ee Ramadan

Afuri walaal baahan  oo Ka qaybqaado Barnaamijka SDWO Relief Project ee Sanadlaha ahaa ee Afurinta Dadka Danyarta ah ...

Dowlada Itoobiya oo isku diyaarinaysa dagaal ay la gasho dalka Masar iyadoo hub casri ah ka dalbatay dalka Fransiiska

  Wergeys ka soo baxa dalka Faransiiska oo la yiraah  LE Point oo ah Weekly French Political News & ...

Xasuusta Dhagaxtuurka iyo Xuska Macalinkaygii Maalintaas (20-ka February 1982) Aheey Ah Maskaxadaa Laga Abaaroobay

Allah ha u naxriistee Xuseeen Cabaase Axmed (Qawdhan) waxa uu ahaa macalinkaygii maalmo aan badnayn wakhtigu kumuu simin ...

Lacag 10 dollar ah oo si qayri sharci ah dadka cashuurta wasaarada maaliyada bixinaya loogu qasbo inay siiyaan shaqalaha xafiiskaas ka hawlgala

  Waxa iseydiin mudan sababta shacbigu uga aamusanyahay musuqmasaq cad oo wasaarada maaliyadu u sharciyeysay shaqalaheeda. Qofkaste oo cashuurta ...

Caawi – Najax Xasan Maxamud waa Gabadh Xanuusanaysay oo beryhananba ka dhex muuqatay social media ha iyadoo Burco dhexwareegaysa ayaa lagu guulaystay in Hargeysa lagu soo celiyo oo la daryeelo

Daawo labadan clib kan  hroe waa markii hareyga lagu soo celiyey iyadoo caafimaad ahaan aad u wanaagsantay tan ...

Jeel Ogadeen: Daawo Documentary Xanuun badan oo ku saabsan ciqaabtii iyo dulmigii ka jirey Jeel Ogaadeen ee jigjiga

Xabsigan ayaa la ogaaday in kumanaan qof si xun loogu ciqaabay. qaarkoodna ciqaabtii ku dhinteen.  ku indho beeleen ...

Hees Cusub oo aad u qiiro badan oo lagu xusay maalintii Shuhadada SNM 17ka October

Hees ka hadlaysa mujaahidiintii xoreynta dalka dhiigooga u soo hurey iyo sidey imika ugu dhex dayacanyahiin dalkii oo ...

Send Money to Your Loved Ones Through Globalsend

   

Wasiirka Warfaafinta Somaliland oo sheegay in BBC Somaligu ay ka baxday Dhexdhexaadnimadii, waxaanu sheegay inay ka sugayaan Jawaabta cabashadii ay u gudbiyeen

  Qoraalka Hoose waa Petition kii ama mooshinkii 3600 oo qurbajooga Somaliland ee ku kala dhaqan 59 wadan ay ...

SDWO - Warbixino iyo Taariikh

Xus oo Xasuusnow – Hawlgalkii balaadhnaa ee Mujaahid Cabdilaahi Askar lagala baxay miiskii Saraakiisha ee Hargeysa 12kii April 1983 oo la rabay in aroornimada la toogto

Qalinkii – Boobe Yusuf Ducaale Hargeysa – Sheekadan qiirada leh ee dhabta ah ee ka hadlaysa farsamadii iyo geesinamdii ...

Daawo: Sooyaalka habdhismeedka ciidanka qaranka iyo taariikhahii uu soo maray

Waa Barnaamij aad u xisabadan oo ka hadlaya xaaladahii iyo duruufahii kala duwanaa ee uu soo maray dhismaha ...

Sidii aan u diley Osama Bin Laden – Markii u horeysay ayaa askari ka mid ah kuwii ugu galay qolka Bin Laden ee toogtay ayaa faahfaahin ka bixiyey sidii uu dilkiisu u dhacay

SDWO (London 04/09/2012) Osama Bin Laden waxa laga toogtay Madaxda ka dib markii uu qolkiisii hurdada albaabka intuu ...

Aljazeera warbixin xiisobadan: Waa Maxay Faraqa u dhexeeya dhalinyarada Jihaadka uga imanaysa dalalka Yurub iyo Maraykanka ee ka barbar dagaalamaya ciidamada Israel iyo Dhalinayrada ka barbar dagaalamaysa Kooxaha Syria iyo Somalia

31/07/2014 (SDWO.COM & SomaliladnNews.net)  Hanine Hassan waa ardayd shahaadadaPHD ka bilaabaysa Jaamacada Columbia University ee dalka Maraykanka.  Waxaanay ...

History 1974: Siyadd Barre and Emperor Haile Selaasie met during African Unity Summmit in Mogadisho

I found these historic photos in Djibouti with a professional photographer  in Djibouti.  He told me that his deceased ...

Nin ka mid ahaa raggii ugu sareeyay dhinaca security ga Qadaafi oo ka warbixiyey maalmahii u danbaysay ee nolashii qadaafi mudadii uu dhuumalaysiga ku jiray iyo markii gaadhigii ay wada saarnaayeen ay diyaaradahu duqeeyeen

Mansour Daoud wuxuu ka mid ahaa raggii ugu sareeyay dhinaca security ga ee keligii taliyahii la dilay ee ...