Wednesday, November 14th, 2018
Raadi oo Ku qor Halkan wararkii hore

Somaliland Democracy Watch Organisation - SDWO.COM 

To Promote Democracy In Somaliland                 SomalilandNews.net

YOUR ARTICLES

Welcome To SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ----- SomalilandNews.net

“Haddii Xisbiyada Mucaaradku Dalka u Tudhi Waayaan Sharci lagu Xakameeyo ayay Golaha Wakiiladu soo Saari Doonaa”… xildhibaan Xaamud

Published on November 2, 2018 by   ·   No Comments

Hargaysa (SDWO): Guddoomiye ku xigeenka guddi hoosaadka ilaalinta iyo Dabagalka Hantida qaranka golaha Wakiilada Somaliland   ayaa sheegay in hantidhawraha guud   u soo   gudbiyay   guddidooda  xisaab  xidhkii  miisaaniyad  sanadeedkii 2017-kii.

xil-xamud

Xildhibaan    Cabdiqaadir   Jaamac   Xaamud     waxa kaloo   uu  sheegay in ay sharciyad ku fadhiyaan  komishanka doorashooyinka. Waxaanu  intaasi ku daray in   xeer  jidaynayo   tirada xubnaha   Komishanka   doorashooyinka qaranka.

Waxaanu  yidhi “Xisaab-xidhkii  miisaaniyad    sanadeedkii   2017-kii ee  xukumadda   waxa   loo  soo gudbiyay  guddida   ilaalinta iyo dabo galka Hantida   qaranka  ee  golaha  Wakiilada. Guddida  ayaana iskaga imanaysa  laba ilaa saddex  toddobaad  ayay  qaadanaysaa inta guddidu naaqishayso.

Meelaha  ay khusaysa na waanu ka waraysan doonaa   xisaab-xidhkii hore na qaylo badan ayaa  ka  dhacday,  laakiin anagu sharciyada ayaanu ilaalinaynaa, wada shaqayn ayaana naga dhaxaysa hanti dhawraha guud ee qaranka sida dastuurku sheegayo”.

Xildhibaan Xaamud  oo     ka  hadlayay  arrinta komishanka doorashooyin   waxa uu yidhi “Komishanka  doorashooyinku  sharciyada  ayay  ku fadhiyaan.   Muddo  xilood koodiina sanad ayaa uga hadhsan  xaq na way u leeyihiin in ay muddo xileed kooda dhamaystaan. Dastuurka  ayaana jidaynaya sharcinimada Komishanka doorashooyinka qaranka, tirada xubnaha  Komishanka  dorashooyinka  wax waliba na xeer ayay ku salaynayn yihiin”.

“Xisbiyada  mucaaradka ee Waddani iyo UCID waxay ku dhawaaqeen in ay qaban doonaan shirbeeleed aynu ka soo gudubnay, xeer LN. 14 waxa uu sheegayaa wakhti kastoo doorasho la qabanayo  in la furo ururrada siyaasada  sharciyad lagu xakameeyo ayuu soo saari doonaa golaha Wakiiladu,  haddii xisbiyada mucaaradka u tudhi waayaan dalka”ayuu yidhi xildhibaan C/qaadir Xaamud.

Sidoo kale   xildhibaanku waxa uu sheegay  in madaxweynaha Somaliland uu ixtiraamayo sharciga dalka u yaala,  waxaanu  u soo jeediyay xisbiyada mucaaradka in aanay isticmaalin uun ku jiq sii.

Isagoo arrimahaas ka hadlayay na waxa uu yidhi “Madaxweynuhu waa kii sheegay in albaabkiisu u  furan yahay,  sharciga dalka u yaalana  uu   ixtiraamayo.    Xisbiyadu na  maalmihii ugu danbeeyay waxay ka hadlayeen doorashooyinka   in ay miiska   wadahadalka la isugu   yimaada na    waa  loo baahan yahay,

Dalku na waa dal soo koraya,   maalin kasta na  dhalinyaro  bilaa camala  ayaa soo kordhaya,    in ku jiq sii  la isticmaala na looma  baahna”.

 

SDWO/Hargeisa Office

 
,, ,,,.