Wednesday, November 14th, 2018
Raadi oo Ku qor Halkan wararkii hore

Somaliland Democracy Watch Organisation - SDWO.COM 

To Promote Democracy In Somaliland                 SomalilandNews.net

YOUR ARTICLES

Welcome To SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ----- SomalilandNews.net

Madaxweynaha Somaliland Oo Qaabiley Wefti Ka Socda Qaramada Midoobay

Published on November 4, 2018 by   ·   No Comments

Hargeysa (SDWO): Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa kulan la yeeshay wefdi ballaadhan oo ka socda qaramada midoobay oo uu hoggaaminayo ergayga gaarka ah ee xog-hayaha qaramada midoobay u qaabilsan dalalka Soomaaliya iyo Somaliland, Mr. Nicholas Haysom.

45204263_1888280867952424_6416475943866466304_n 45260479_1888280877952423_7248273150457151488_n 45280089_1888281637952347_1845245734228590592_n 45320306_1888282267952284_420816952882102272_n 45325323_1888281164619061_1178819517451599872_n 45343152_1888279001285944_5562024618740416512_n

Kulankan uu madaxweynuhu la qaatay wefdiga ka socda qaramada midoobay, ayaa waxa ku wehelinayey madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), wasiirrada arrimaha dibadda Dr. Sacad Cali Shire iyo gudaha Maxamed Kaahin Axmed iyo wasiirkii hore ee maaliyadda Somaliland Ambassador Xuseen Cali Ducaale (Cawil).

Waxaana  diiradda lagu saaray arrimo door ah oo salka ku haya xidhiidha Somaliland iyo qaramada midoobay iyo sidii loo joogtayn lahaa ka midho-dhalinta xidhiidhkaas.

Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland, Dr. Sacad Cali Shire oo markii kulankaasi dhammaaday warbaahinta la hadlay, ayaa faah-faahiyey waxyaabaha sida gaarka ah ay uga wada-hadleen madaxweynaha iyo wakiilka xoghayaha guud ee qaramada midoobay.

45343152_1888279001285944_5562024618740416512_n 45380269_1888282907952220_4285761037895991296_n 45382359_1888279024619275_6540677417290170368_n 45403595_1888282077952303_3243224857130827776_n

Waxaanu   yidhi “Waxa laga wada hadlay dhawr arrimood oo muhiim ah oo ay kamid tahay arrinta nabadgelyadu, is-kaashiga qaramada midoobay iyo Somaliland, arrimo la xidhiidha wada-hadalka Somaliland iyo Soomaaliya iyo amuuro kale oo labada dhinacba danaynayeen.”

45406991_1888279011285943_3000228011388698624_n 45415577_1888281101285734_7784652494860189696_n 45434324_1888282067952304_8718437745753587712_n 45441977_1888281927952318_4758859193153224704_n 45447387_1888280911285753_4618221850550337536_n 45466212_1888282557952255_9089423169512538112_n

Ergayga gaarka ah ee xoghayaha qaramada midoobay u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya Nicholas Haysom oo isaguna si kooban uga hadlay kulanka uu madaxweynaha la qaatay, ayaa si hufan uga mahadceliyey fadhigaas iyo waxyaabaha ay labada dhinac isla soo qaadeen.

Isagoona  hoosta ka xarriiqay inuu kulankaasi ahaa mid yididiilo cusub oo midho dhal leh keeni kara.

 

SDWO/Hargeisa Office

 
,, ,,,.