Wednesday, November 14th, 2018
Raadi oo Ku qor Halkan wararkii hore

Somaliland Democracy Watch Organisation - SDWO.COM 

To Promote Democracy In Somaliland                 SomalilandNews.net

YOUR ARTICLES

Welcome To SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ----- SomalilandNews.net

Madaxweyne Muse Biixi oo kulan la yeeshay wefti uu hogaaminayey ergayga gaarka ah ee Somaliya u qaabilsan UN ta

Published on November 4, 2018 by   ·   No Comments

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa kulan la yeeshay wefdi ballaadhan oo ka socda qaramada midoobay oo uu hoggaaminayo ergayga gaarka ah ee xog-hayaha qaramada midoobay u qaabilsan dalalka Soomaaliya iyo Somaliland, Mr. Nicholas Haysom.

45403595_1888282077952303_3243224857130827776_n

Kulankan uu madaxweynuhu la qaatay wefdiga ka socda qaramada midoobay, ayaa waxa ku wehelinayey madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), wasiirrada arrimaha dibadda, Dr. Sacad Cali Shire iyo gudaha, Mudane Maxamed Kaahin Axmed iyo wasiirkii hore ee maaliyadda Somaliland, Ambassador Xuseen Cali Ducaale (Cawil), waxana diiradda lagu saaray arrimo door ah oo salka ku haya xidhiidha Somaliland iyo qaramada midoobay iyo sidii loo joogtayn lahaa ka midho-dhalinta xidhiidhkaas.

45466212_1888282557952255_9089423169512538112_n

Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland, Dr. Sacad Cali Shire oo markii kulankaasi dhammaaday warbaahinta la hadlay, ayaa faah-faahiyey waxyaabaha sida gaarka ah ay uga wada-hadleen madaxweynaha iyo wakiilka xoghayaha guud ee qaramada midoobay, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Waxa laga wada hadlay dhawr arrimood oo muhiim ah oo ay kamid tahay arrinta nabadgelyadu, is-kaashiga qaramada midoobay iyo Somaliland, arrimo la xidhiidha wada-hadalka Somaliland iyo Soomaaliya iyo amuuro kale oo labada dhinacba danaynayeen.”

45415577_1888281101285734_7784652494860189696_n

 

Ergayga gaarka ah ee xoghayaha qaramada midoobay u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya Nicholas Haysom oo isaguna si kooban uga hadlay kulanka uu madaxweynaha la qaatay, ayaa si hufan uga mahadceliyey fadhigaas iyo waxyaabaha ay labada dhinac isla soo qaadeen, waxana uu hoosta ka xarriiqay inuu kulankaasi ahaa mid yididiilo cusub oo midho dhal leh keeni kara.

45441977_1888281927952318_4758859193153224704_n

45380269_1888282907952220_4285761037895991296_n45343152_1888279001285944_5562024618740416512_n45325323_1888281164619061_1178819517451599872_n45434324_1888282067952304_8718437745753587712_n45280089_1888281637952347_1845245734228590592_n45382359_1888279024619275_6540677417290170368_n45447387_1888280911285753_4618221850550337536_n45406991_1888279011285943_3000228011388698624_n45320306_1888282267952284_420816952882102272_n

 

 
,, ,,,.