Wednesday, November 14th, 2018
Raadi oo Ku qor Halkan wararkii hore

Somaliland Democracy Watch Organisation - SDWO.COM 

To Promote Democracy In Somaliland                 SomalilandNews.net

YOUR ARTICLES

Welcome To SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ----- SomalilandNews.net

Wasiirka Beeraha Oo Dhagx-dhigay Dayactirka Kanaal Waraabin Jiray Beerro Badan Oo Ay Burburisay Duufaantii Sagar

Published on November 5, 2018 by   ·   No Comments

Baki (SDWO): Wasiirka wasaaradda beeraha   Somaliland  Axmed Muumin, ayaa maanta Dhagax-dhigay Maangan ama Moos loo samaynayo Beer-biyoodyada tuulada Ruqi oo ka tirsan degaannada hoos taga degmada Baki ee gobolka Awdal.

45403623_2465519946797867_5666202413464289280_n 45414331_2465523353464193_6008928872265940992_n 45433156_2465522620130933_8008037235733561344_n 45437941_2465527663463762_1601766005313372160_n

Kadib  markii Duufaantii Sagar ee halkaa ku dhufatay burburisay Maangad hore biyaha uga qaadi jiray Doox Dur-dur ah oo deegaankaa mara isla-markaana lagu waraabin jiray Beer-biyoodyada ku yaalla Dacallada Dooxa deegaanka Ruqi.

Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Beeraha oo Shalay gaadhay Magaalada Boorama ee Xarunta Gobolka Awdal, ayaa Maanta gelinkii dambana Deegaanka Ruqi ka dhagax-dhigay dib u dhiska lagu samaynayo Maangadka Bustaannada Ruqi lagu Waraabiyo.

45461326_2465515796798282_2078058684230926336_n 45461327_2465522883464240_8064241830604046336_n 45463593_2465529620130233_2016069661765926912_n 45474913_2465517063464822_8255105946695499776_n

Maangadka Wasiirku dhismihiisa dhagax-dhigay oo ay Maalgelinayso Hay’adda NRC oo Taageero ka helaysa UK AID, ayaa waxa Munaasibaddii dhagax-dhigga Wasiirka kala qayb-galay Maayarka Degmada Baki, Agaasimaha Waaxda Qorshaynta ee Wasaaradda Horumarinta Beeraha JSL Saam Axmed Aar, Odayaasha deegaanka Ruqi iyo Beeralayda deegaankaasi.

Odayaasha deegaanka Ruqi oo hadallo ka jeediyey Munaasibadda ayaa Wasiir Axmed Muumin Seed ku amaaanay sida uu uga war hayo Xaaladda Beeralayda.

Iyagoo  sheegay in aanay ahayn markii koowaad ee uu Ruqi u tago shaqo la xidhiidha horumarinta Beeralayda, balse dhowr jeer oo horena tagay halkaas,  sidoo kalena sheegay in Wasiir Seed ahaa Wasiirkii u horreeyay ee Halkaa gaadhay markii Duufaantu baa’biisay Beerihii halkaa ku yaallay.

45460989_2465521026797759_3802454514175311872_n

Maayarka Degmada Baki oo isaguna halkaa ka hadlay ayaa sheegay inay Maamul ahaan ku faraxsan yihiin in Wasiirka Horumarinta Beeruhu uu ka soo baxay doorkiisii horumarinta Beeraha, maaddaama oo uu mar walba Xaaladdodoa ka qar-qabo.

Waxaanu  wasiirka u soo bandhigay in deegaankaa laga sameeyo Biyo-xidheen hakiya Biyaha dur-durka ee Dooxa Ruqi mara, si aanay mar labaad Biyo xoog leh oo halkaa soo mara u baa’biin Maangadka biyaha gaadhsiiya Beeraha ku yaalla Dacallada dooxaasi iyo kuwa ka durugsanba.

Munaasibadda dhagax-dhigga oo ay ka hadleen Xubno ka socday Hay’adda NRC iyo Agaasimaha Waaxda Qorshaynta ee Wasaaradda Horumarinta Beeraha JSL, ayaa waxa soo gebogabeeyay Wasiirka Wasaaradda Horunarinta Beeraha JSL Md. Axmed Muumin Seed.

45392862_2465521696797692_7605116986372128768_n

Waxaanu  Wasiirku hadal uu halkaa ka jeediyey amaan ugu soo jeediyey Dadka deegaanka oo uu sheegay in markii ay isku tashadeen ee ay Lacag iska ururiyeen isla-markaana bilaabeen inay samaystaan Maangadka ay Hay’adda hadda u dhisaysaana aragtay dedaalkooda, sidaasi darteedna ay go’aansatay in Dadkaa dedaallaya wax lala qabto, sidaasi awgeed ay Dadka deegaanka Ruqi Arrintaa Amaan ku mudan yihiin.

Sidoo kale,Wasiir Axmed Muumin Seed wuxuu sheegay in dhibaato kasta oo Dadka ku dhacda oo ka awood badan ay iyagu Gacmahooda ku kasbadeen, sidaasi awgeedna Beeralayda guud ahaan, gaar ahaana Beeralayda Ruqi looga baahan yahay inay isku Calool-samaadaan oo ay si wada jir ah wax u wada qabsadaan.

45488846_2465518476798014_4575634870398615552_n 45493175_2465525576797304_1603728865497186304_n 45496070_2465515916798270_8728582754859483136_n 45498050_2465528340130361_5385304010343317504_n

Dhanka, Wasiirku wuxuu sheegay in Wasaaradda Horumarinta Beeruhu u darban tahay inay Dadka Reer Somaliland, gaar ahaan Beeralayda la qabato wax kasta oo awooddeeda ah, taasina tahay Siyaasadda uu Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi uu Dalka ku hoggaaminayo.

Gebogabadii, Wasiirka ayaa kormeeray Beeraha halkaa ku yaal qaarkood iyo Ceelal Dadku gacmahooda ku qodanayaan, si ay biyo uga gaadhaan oo ay Mustaqbalka ku waraabsadaan Beeraha ka durugsan Dur-durka Mara Duleedka bari ee deegaanka Ruqi.

Weftiga wasiirka beeruhu  hoggaaminayey dib ugu soo laabteen Magaalada Hargeysa ee Caasimadda Somaliland.

Daawo Sawirrada:

80_n 45360657_2465517593464769_7940629356110413824_n 45364131_2465524763464052_736756525292322816_n 45392862_2465521696797692_7605116986372128768_n 45400897_2465521283464400_509596362136879104_n 45403623_2465519946797867_5666202413464289280_n 45414331_2465523353464193_6008928872265940992_n 45433156_2465522620130933_8008037235733561344_n 45437941_2465527663463762_1601766005313372160_n 45460989_2465521026797759_3802454514175311872_n 45461326_2465515796798282_2078058684230926336_n 45461327_2465522883464240_8064241830604046336_n 45463593_2465529620130233_2016069661765926912_n 45474913_2465517063464822_8255105946695499776_n 45483814_2465520403464488_2704991298036695040_n (1) 45483814_2465520403464488_2704991298036695040_n 45488846_2465518476798014_4575634870398615552_n 45493175_2465525576797304_1603728865497186304_n 45496070_2465515916798270_8728582754859483136_n 45498050_2465528340130361_5385304010343317504_n 45499198_2465524933464035_2670165276544204800_n 45514916_2465526530130542_1305261855702253568_n 45565155_2465515600131635_5022909547673550848_n 45574351_2465526110130584_7197892844772655104_n 45577824_2465520823464446_9012674242826731520_n 45589478_2465527863463742_7377262889645637632_n 45661501_2465526680130527_6508171996692480000_n

SDWO/Hargeisa Office

 
,, ,,,.