Wednesday, October 27th, 2021
Raadi oo Ku qor Halkan wararkii hore

Somaliland Democracy Watch Organisation - SDWO.COM 

To Promote Democracy In Somaliland                          SomalilandNews

YOUR ARTICLES

Welcome To  SomalilandNews -------     SomalilandNews  -------   SomalilandNews ----- SomalilandNews

Ceerigaabo: 50 Qof Oo U Fadhiistay Imtixaan Shaqaale Dawladu Qaadanayso

Published on November 28, 2018 by   ·   No Comments

Ceerigaabo (SDWO.com): Hay’adda shaqaalaha Dawladda Somaliland, ayaa Imtixaankii loo gelaayey 50 kaalmo shaqo ee dawladdu ka qaadanaysay gobolka Sanaag  ka qaaday Wiilal iyo Gabdho Aqoonyahanka iyo Jaamiciyiinta ku dhaqan Gobolka Sanaag.

2

Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda ee Somaliland md Sharmarke Axmed Muxumed Geelle iyo Wefti uu hogaaminaayo kana mid ahaayeen  Guddida Hay’adda shaqaalaha oo maalmihii u dambeeyey magaaladda Ceerigaabo ku sugnaa, ayaa Maanta Xarunta Jaamacadda Ceerigaabo University.

Waxaanay  Imtixaan  kaga qaadeen Aqoonyahanka iyo Dhalinyarta Wiilasha iyo Gabdhaha ku  dhaqan gobolkaasi Sanaag kuwaasi oo Tartan u geli doono 50 Kaalmo shaqooyin oo dawladdu qaadanayso.

Shaqooyinka  dawladda loo gelaayo  iyada oo md sharmarke Geelle uu faahfaahin ka bixiyey nidaam ay Imtixaanka dadka shaqo doonka ee Gobolka Sanaag ka qaadeen u soo diyaariyeen waxa uu farta ku fiiqay inay Macalimiin iyo rag aqoonyahana Khabiiro ahi diyaariyeen Imtixaanka loona qaadayo hab casri ah oo xata Macalinku aanu aqoonsan Karin magaca qofka shaqo doonka ee Imtixaankiisa uu sixi doono isla markaana la dhaariyey Macalimiinta Imtixaankaasi ku kala saari doona dadka 50 kaalmo shaqo gobolka Sanaag tartanka ugu geli doona.

Guddoomiyaha Shaqaalaha Dawladda ee Somaliland

Sharmarke Axmed Geelle  waxa uu ugu horeyn hadalkiisa ku bilaabay isaga oo sharaxaayey Imtixaanka tartanka 50 kaalmo shaqo ee dawladdu ka qaadanayso Gobolka Sanaag ay u qaadayaan.

Waxaanu  yidhi “Ugu horeyn Illaahay waxaan idiinka rajaynayaa guul iyo intii Illaahay u calfo ee ku guulaysata Imtixaankani shaqooyinkaasi loo geli doono uu ALLE u barakeeyo, Imtixaankan aynu maanta sameynayno Isla saaka ayaa la sameeyey oo imika ayaa la daabacay isla Imikana waad geli doontaan.

Waxaanan  dedejin doona marka natiijadiisu soo baxdo maaha Imtixaan aynu siday waxaanan dedejin doona inay natiijadiisu hore u soo baxdo maaha Imtixaan aynu sidanay oo meel kala nimid ama Imtixaan hore u sii jiray saacaduna hada waa 12:00 Maalinimo waxaynu xiliga Imtixaanka u qaadayno Imtixaanka oo aan ahayn mid hore u sii diyaarsanaa”.

“Marka  2aad Warqadaha aad ku geli doontaan halka sare ee  aad magacyada ku geli doontaan waa laga jarayaa hadhaw macalimiinta qof kasta Imtixaankiisa uu galay sixi doonta waxay sixi doonaan (Serial Number) iyada oo macalin kasta qofka uu saxaayo aanay u suurto geli doonin in uu magaciisa arko maadama oo laga gooyey warqad kasta magaca qofka lana sixi doono (Serial Numberka)”ayuu yidhi guddoomiyaha hay’adda shaqaalaha dawladda.

Sharmarke  Geelle oo hadalkiisa sii wata waxa uu farta ku fiiqay inay Imtixaanka qaadayaan macalimiin iyo rag kale oo Khabiiro ay dhaariyeen isla markaana hab casri ah oo aanay suurto gal ahayn in macalimiintu aqoonsan karaan qofka shaqo doonka  ay Imtixaankiisa saxayaan.

1

Waxaanu  yidhi “Si aynu caddaalada u sugnaato anaga oo ku kalsoon macalimiinta aanu wadano iyo waayeelka nala socda , hadana mar kale waxaanu sii adkaynay in qalbigiinu caddaalada u soo dhawayno waxaanu sidana KITAAB aanu ku dhaarino dhamaan intiina Imitixaanka qaadaysa si intiinaasi aad caddaalad ku soo kala baxdaan.

Iyadoo  marka horeba oo aanu masaafo fog ka soo qaadnay si iyaga oo dadku iyaga oo Ceerigaabo jooga ay halkoodan shaqooyinka ugu guulaystaan , hadana waxaanu sii adkayn doona in qalbiyaddeena iyo Qarankeenu caddaalada u sii dhawaadaan”.

Geesta kale guddoomiyaha hay’adda shaqaalaha dawladda  ayaa ugu dambeyntii ka hadlay fursadaha shaqo ee gobolka Sanaag yaala “Sido kale waxa idiin furan fursado kale oo shaqo abuuriseed oo ah barnaamijkii Shaqo qaran oo inteena shaqooyinkani Imtixaanka u gelaaya mooyaane, hadana mudo ka dib waxaynu qaadanayenaa Barnaamijka shaqo qaran.

Guddo. Sharmarke Geelle iyo Weftiga uu hogaaminaayo ee Ceerigaabo ku sugan

Balse maanta Imtixaankani aynu qaadayno waxa ku soo bixi doono 35-ka Wiil iyo 15-ka Gabdhood ee ugu sareeya Imtixaankan, ka dib barnaajijka ka dambeeya kan xigana waxa la qaadan doona 330 qof oo 99 Hablo yihiin inta kalena Wiilal yihiin iyo Kootadii loo gooyey dadka naafadda ah, waa shaqaalaha gobolka Sanaag uun looga qaadan doono barnaamijka Shaqo qaran.

Waxaan  rejaynayaa mudo yar gudaheed 330-ka iyo 50 fursad shaqo ee Imtixaanka maanta loo gelaayo 380-ka wixii macalimiin iyo caafimaad ah, in tiro badan oo inaga inaga mid ahi ay shaqooyin gobolka Sanaag Inshaalaah ka hesho, calaf wanaagsan iyo nasiib fiican ayaan Inshaalaah shaqooyinka idiinka rajaynayaa maanta intiina Imtixaankan galaysa 50-ka qof ee ugu sareeya ee soo bixi doonta waxaanu kala gayn doona wasaaraddihii soo kala codsaday iyada oo ku kala salaysan saddexda Imtixaan ee aynu kala galayno”.

“Iyadoo  ilaa saakana aanu dib u eegaynay shahaadooyinka (Oroginalka) ah iyo si aanu uga saarno cidii qalad ku soo xaraysatay sido maadooyinka aan aad ugu tacaluqin Imtixaanka shaqooyinka aynu u galayno iyo wixii kale ee u baahan in aan dib u habayno intaba waanu saxnay oo ka saarnay meesha dhamaantiin waxaan idiin rajaynaynaa guul Imtixaankuna wuxu socon doona 2 saacadood”ayuu yidhi guddoomiyuhu.

 

SDWO.com/Hargeisa Office

 
,, ,,,.

Wararka Keydka

SDWO Relief Project : Ka qaybqaado Barnaamijka Sanadlaha ah ee aanu ugu magac darnay ka farxi oo ciidsii caruur kuwaaga oo kale ah oo aan nasiibku u siinin inay farxad ku ciidaan

https://youtu.be/JKrdlAut79A SDWO Relief Project waxaanu sanad walaba bisha barakaysan ee Ramadaan aanu fulinaa anagoo adeegsanayna sadaqooyinka aad sida tooska ah ...

Mashruucii Ramadan ka ee Afuri walaal baahan ee SDWO Relief Project isku geyn waxa na soo gaadhay $2480.00 oo sadaqooyin ah anagoo isla shalay maalintii Ramadanta ka horeysay ka gaadhsiinay in aan raashin ugu qaybino ilaa afartan qoys oo danyar ah

Mashruucan Ramadaan ka ee Afuri walaal baahan ee SDWO Relief Project waa msahruuc sanad leh ah oo soo ...

Ka qaybqaado Barnaamijka SDWO Relief Project ee Sanadlaha ahaa ee Afurinta Dadka Danyarta ah ee Xaafada Daami – Ka faaiidayso Ajarka Bisha Barakaysan ee Ramadan

Afuri walaal baahan  oo Ka qaybqaado Barnaamijka SDWO Relief Project ee Sanadlaha ahaa ee Afurinta Dadka Danyarta ah ...

Dowlada Itoobiya oo isku diyaarinaysa dagaal ay la gasho dalka Masar iyadoo hub casri ah ka dalbatay dalka Fransiiska

  Wergeys ka soo baxa dalka Faransiiska oo la yiraah  LE Point oo ah Weekly French Political News & ...

Xasuusta Dhagaxtuurka iyo Xuska Macalinkaygii Maalintaas (20-ka February 1982) Aheey Ah Maskaxadaa Laga Abaaroobay

Allah ha u naxriistee Xuseeen Cabaase Axmed (Qawdhan) waxa uu ahaa macalinkaygii maalmo aan badnayn wakhtigu kumuu simin ...

Lacag 10 dollar ah oo si qayri sharci ah dadka cashuurta wasaarada maaliyada bixinaya loogu qasbo inay siiyaan shaqalaha xafiiskaas ka hawlgala

  Waxa iseydiin mudan sababta shacbigu uga aamusanyahay musuqmasaq cad oo wasaarada maaliyadu u sharciyeysay shaqalaheeda. Qofkaste oo cashuurta ...

Caawi – Najax Xasan Maxamud waa Gabadh Xanuusanaysay oo beryhananba ka dhex muuqatay social media ha iyadoo Burco dhexwareegaysa ayaa lagu guulaystay in Hargeysa lagu soo celiyo oo la daryeelo

Daawo labadan clib kan  hroe waa markii hareyga lagu soo celiyey iyadoo caafimaad ahaan aad u wanaagsantay tan ...

Jeel Ogadeen: Daawo Documentary Xanuun badan oo ku saabsan ciqaabtii iyo dulmigii ka jirey Jeel Ogaadeen ee jigjiga

Xabsigan ayaa la ogaaday in kumanaan qof si xun loogu ciqaabay. qaarkoodna ciqaabtii ku dhinteen.  ku indho beeleen ...

Hees Cusub oo aad u qiiro badan oo lagu xusay maalintii Shuhadada SNM 17ka October

Hees ka hadlaysa mujaahidiintii xoreynta dalka dhiigooga u soo hurey iyo sidey imika ugu dhex dayacanyahiin dalkii oo ...

Send Money to Your Loved Ones Through Globalsend

   

SDWO - Warbixino iyo Taariikh

Xus oo Xasuusnow – Hawlgalkii balaadhnaa ee Mujaahid Cabdilaahi Askar lagala baxay miiskii Saraakiisha ee Hargeysa 12kii April 1983 oo la rabay in aroornimada la toogto

Qalinkii – Boobe Yusuf Ducaale Hargeysa – Sheekadan qiirada leh ee dhabta ah ee ka hadlaysa farsamadii iyo geesinamdii ...

Daawo: Sooyaalka habdhismeedka ciidanka qaranka iyo taariikhahii uu soo maray

Waa Barnaamij aad u xisabadan oo ka hadlaya xaaladahii iyo duruufahii kala duwanaa ee uu soo maray dhismaha ...

Sidii aan u diley Osama Bin Laden – Markii u horeysay ayaa askari ka mid ah kuwii ugu galay qolka Bin Laden ee toogtay ayaa faahfaahin ka bixiyey sidii uu dilkiisu u dhacay

SDWO (London 04/09/2012) Osama Bin Laden waxa laga toogtay Madaxda ka dib markii uu qolkiisii hurdada albaabka intuu ...

Aljazeera warbixin xiisobadan: Waa Maxay Faraqa u dhexeeya dhalinyarada Jihaadka uga imanaysa dalalka Yurub iyo Maraykanka ee ka barbar dagaalamaya ciidamada Israel iyo Dhalinayrada ka barbar dagaalamaysa Kooxaha Syria iyo Somalia

31/07/2014 (SDWO.COM & SomaliladnNews.net)  Hanine Hassan waa ardayd shahaadadaPHD ka bilaabaysa Jaamacada Columbia University ee dalka Maraykanka.  Waxaanay ...

History 1974: Siyadd Barre and Emperor Haile Selaasie met during African Unity Summmit in Mogadisho

I found these historic photos in Djibouti with a professional photographer  in Djibouti.  He told me that his deceased ...

Nin ka mid ahaa raggii ugu sareeyay dhinaca security ga Qadaafi oo ka warbixiyey maalmahii u danbaysay ee nolashii qadaafi mudadii uu dhuumalaysiga ku jiray iyo markii gaadhigii ay wada saarnaayeen ay diyaaradahu duqeeyeen

Mansour Daoud wuxuu ka mid ahaa raggii ugu sareeyay dhinaca security ga ee keligii taliyahii la dilay ee ...