Wednesday, October 27th, 2021
Raadi oo Ku qor Halkan wararkii hore

Somaliland Democracy Watch Organisation - SDWO.COM 

To Promote Democracy In Somaliland                          SomalilandNews

YOUR ARTICLES

Welcome To  SomalilandNews -------     SomalilandNews  -------   SomalilandNews ----- SomalilandNews

Weftigii Madaxweynaha Somaliland Oo Caawa Berbera Soo Gaadhay

Published on November 29, 2018 by   ·   No Comments

Sheekh (SDWO): Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo wefti balladhan oo uu hoggaaminayo oo maalmahan safar shaqo ku marayey gobollada Bari ee dalka, ayaa maanta lagu soo dhaweeyey degmada Sheekh ee gobolka Saaxil iyo deegaamada u dhexeeya Burco iyo Sheekh.

1 02

Madaxweynaha iyo weftigiisa oo ku gudo jira safarkooda shaqo ee loogu kuurgeliyo xaaladda gobollada bariga iyo habsami-u-socodka hawlaha deegaannadaas ka socda oo maalintiisii 12-aad (laba iyo tobnaad) galay, ayey bulshada ku dhaqan degmada Sheekh ee gobolka Saaxil ku qaabileen dhinaca Bari ee magaalada.

Waxaanay  u galbiyeen madal bilicsan loo asteeyey in shacabka lagala hadlo oo isla gudaha magaalada ku taalla, waxana halkaas laga jeediyey hadallo mahadnaq iyo dardaarn isugu jira.

Guddoomiyaha gobolka Saaxil, Eng. Axmed Cismaan Xasan, Maayarka degmada Sheekh Ibraahim Cabdilaahi Cabsiiye Xildhibaan Maxamed Faarax Qabille oo ka tirsan golaha wakiillada, xildhibaan Khadiija Xuseen Xaaji Xasan oo ka tirsan golaha deegaanka ee degmada Sheekh.

8B7A7742 8B7A7762 8B7A7767 8B7A7771

Xildhibaan  Rashiid Aw Xasan Xaaji Aadan oo ka tirsan golaha deegaanka ee Berbera ayaa ka hadlay madasha madaxweynaha iyo weftigiisa lagu soo dhaweynayey, ayaa si isku mid ah shacabka degmada Sheekh ugu bogaadiyey soo dhaweynta aan kala hadhka lahayn ee ay madaxweynaha ku qaabileen.

Waxaanay  hoosta ka xariiqeen in soo dhaweyntaasi farriin u tahay sida shacabku ugu qanacsan yahay hoggaaminta dawladda uu hoggaamiyo madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, ayaa isaguna ugu horrayn shacabka ku dhaqan degmada Sheekh uga mahadceliyeyey sida sharafta iyo karaamada leh ee ay usoo dhaweeyeen isaga iyo weftiga uu hoggaaminayo, isaga oo shaaciyey in soo dhaweyntaasi tahay calaamad waddaniyadeed iyo midnimo.

Wuxuu  sheegay madaxweynuhu in bulshada ku dhaqan degmada Sheekh safka hore kaga jiraan, horumarka iyo aqoonta, isla markaana laga sugayo inay  ummadda reer Somaliland oo dhan uga faa’iideeyaan kartida iyo aqoonta ay caanka ku yihiin.

Daawo Khudbadii Madaxweynuhu U Jeediyay Bulshadda Degmadda Sheekh:

Ugu dambayntii madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu dhagax-dhigay ballaadhin iyo casriyeyn lagu samayn doono garoonka kubadda cagta ee degmada Sheekh iyo Jaamacad cusub oo  halkaas laga dhisi doono.

Iyadoo  sidoo kale na uu xadhigga ka jaray waddo cusub oo magaalada laga hirgeliyey.

Dhinaca kale,  shacabka ku dhaqan deegaannada Karasharka Laalays, Huddisa iyo dhammaanba deegaannada u dhexeeya magaalooyinka Berbera iyo Burco.

Waxaanay  madaxweynaha iyo weftiga uu hoggaaminayaa baqoole kusoo galeen magaalo-madaxda gobolka Saaxil ee Berbera oo ay haatan ku sugan yihiin.

 

SDWO/Hargeisa Office

 
,, ,,,.

Wararka Keydka

SDWO Relief Project : Ka qaybqaado Barnaamijka Sanadlaha ah ee aanu ugu magac darnay ka farxi oo ciidsii caruur kuwaaga oo kale ah oo aan nasiibku u siinin inay farxad ku ciidaan

https://youtu.be/JKrdlAut79A SDWO Relief Project waxaanu sanad walaba bisha barakaysan ee Ramadaan aanu fulinaa anagoo adeegsanayna sadaqooyinka aad sida tooska ah ...

Mashruucii Ramadan ka ee Afuri walaal baahan ee SDWO Relief Project isku geyn waxa na soo gaadhay $2480.00 oo sadaqooyin ah anagoo isla shalay maalintii Ramadanta ka horeysay ka gaadhsiinay in aan raashin ugu qaybino ilaa afartan qoys oo danyar ah

Mashruucan Ramadaan ka ee Afuri walaal baahan ee SDWO Relief Project waa msahruuc sanad leh ah oo soo ...

Ka qaybqaado Barnaamijka SDWO Relief Project ee Sanadlaha ahaa ee Afurinta Dadka Danyarta ah ee Xaafada Daami – Ka faaiidayso Ajarka Bisha Barakaysan ee Ramadan

Afuri walaal baahan  oo Ka qaybqaado Barnaamijka SDWO Relief Project ee Sanadlaha ahaa ee Afurinta Dadka Danyarta ah ...

Dowlada Itoobiya oo isku diyaarinaysa dagaal ay la gasho dalka Masar iyadoo hub casri ah ka dalbatay dalka Fransiiska

  Wergeys ka soo baxa dalka Faransiiska oo la yiraah  LE Point oo ah Weekly French Political News & ...

Xasuusta Dhagaxtuurka iyo Xuska Macalinkaygii Maalintaas (20-ka February 1982) Aheey Ah Maskaxadaa Laga Abaaroobay

Allah ha u naxriistee Xuseeen Cabaase Axmed (Qawdhan) waxa uu ahaa macalinkaygii maalmo aan badnayn wakhtigu kumuu simin ...

Lacag 10 dollar ah oo si qayri sharci ah dadka cashuurta wasaarada maaliyada bixinaya loogu qasbo inay siiyaan shaqalaha xafiiskaas ka hawlgala

  Waxa iseydiin mudan sababta shacbigu uga aamusanyahay musuqmasaq cad oo wasaarada maaliyadu u sharciyeysay shaqalaheeda. Qofkaste oo cashuurta ...

Caawi – Najax Xasan Maxamud waa Gabadh Xanuusanaysay oo beryhananba ka dhex muuqatay social media ha iyadoo Burco dhexwareegaysa ayaa lagu guulaystay in Hargeysa lagu soo celiyo oo la daryeelo

Daawo labadan clib kan  hroe waa markii hareyga lagu soo celiyey iyadoo caafimaad ahaan aad u wanaagsantay tan ...

Jeel Ogadeen: Daawo Documentary Xanuun badan oo ku saabsan ciqaabtii iyo dulmigii ka jirey Jeel Ogaadeen ee jigjiga

Xabsigan ayaa la ogaaday in kumanaan qof si xun loogu ciqaabay. qaarkoodna ciqaabtii ku dhinteen.  ku indho beeleen ...

Hees Cusub oo aad u qiiro badan oo lagu xusay maalintii Shuhadada SNM 17ka October

Hees ka hadlaysa mujaahidiintii xoreynta dalka dhiigooga u soo hurey iyo sidey imika ugu dhex dayacanyahiin dalkii oo ...

Send Money to Your Loved Ones Through Globalsend

   

SDWO - Warbixino iyo Taariikh

Xus oo Xasuusnow – Hawlgalkii balaadhnaa ee Mujaahid Cabdilaahi Askar lagala baxay miiskii Saraakiisha ee Hargeysa 12kii April 1983 oo la rabay in aroornimada la toogto

Qalinkii – Boobe Yusuf Ducaale Hargeysa – Sheekadan qiirada leh ee dhabta ah ee ka hadlaysa farsamadii iyo geesinamdii ...

Daawo: Sooyaalka habdhismeedka ciidanka qaranka iyo taariikhahii uu soo maray

Waa Barnaamij aad u xisabadan oo ka hadlaya xaaladahii iyo duruufahii kala duwanaa ee uu soo maray dhismaha ...

Sidii aan u diley Osama Bin Laden – Markii u horeysay ayaa askari ka mid ah kuwii ugu galay qolka Bin Laden ee toogtay ayaa faahfaahin ka bixiyey sidii uu dilkiisu u dhacay

SDWO (London 04/09/2012) Osama Bin Laden waxa laga toogtay Madaxda ka dib markii uu qolkiisii hurdada albaabka intuu ...

Aljazeera warbixin xiisobadan: Waa Maxay Faraqa u dhexeeya dhalinyarada Jihaadka uga imanaysa dalalka Yurub iyo Maraykanka ee ka barbar dagaalamaya ciidamada Israel iyo Dhalinayrada ka barbar dagaalamaysa Kooxaha Syria iyo Somalia

31/07/2014 (SDWO.COM & SomaliladnNews.net)  Hanine Hassan waa ardayd shahaadadaPHD ka bilaabaysa Jaamacada Columbia University ee dalka Maraykanka.  Waxaanay ...

History 1974: Siyadd Barre and Emperor Haile Selaasie met during African Unity Summmit in Mogadisho

I found these historic photos in Djibouti with a professional photographer  in Djibouti.  He told me that his deceased ...

Nin ka mid ahaa raggii ugu sareeyay dhinaca security ga Qadaafi oo ka warbixiyey maalmahii u danbaysay ee nolashii qadaafi mudadii uu dhuumalaysiga ku jiray iyo markii gaadhigii ay wada saarnaayeen ay diyaaradahu duqeeyeen

Mansour Daoud wuxuu ka mid ahaa raggii ugu sareeyay dhinaca security ga ee keligii taliyahii la dilay ee ...