Monday, December 10th, 2018
Raadi oo Ku qor Halkan wararkii hore

Somaliland Democracy Watch Organisation - SDWO.COM 

To Promote Democracy In Somaliland                 SomalilandNews.net

YOUR ARTICLES

Welcome To SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ----- SomalilandNews.net

Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Oo Maanta Gaadhay Magaaladda London

Published on November 30, 2018 by   ·   No Comments

London (SDWO.com): Madaxweyne ku xigeenka jamhuuriyadda Somaliland C/raxmaan C/laahi Ismaaciil (saylici), oo safar shaqo ku jooga dalka Ingiriiska ayaa beri magaaladda London ka furaya shir ku saabsan sidii jaaliyaduhu xukuumadda ugala shaqayn lahaayeen siyaasadda arrimaha dibadda.

1

Shirkan oo ay soo  qaban qaabisay wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland ayaa  u jeedadiisu tahay midaynta jaaliyadaha reer Somaliland ee wadamadda dibadaha ku nool  iyo sidii ay qurbe joogtu xukuumadda ugala shaqayn lahaayeen siyaasadda arrimaha dibadda.

IMG-20181130-WA0009

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland C/raxmaan C/laahi Saylici,  oo maanta ka degay magaaladda London ee caasimadda dalka Ingiriiska,  waxaa madaarka diyaaradaha magaaladda London ee Heathrow ku soo dhaweeyay wakiilka Somaliland ee Ingiriiska marwo Ayaan Cashuur iyo  jaaliyadda Somaliland u dhashay ee degan Lonodon.

2

C/raxmaan Saylici, oo  garoonka diyaaradaha Heathrow waxa uu ka hadlay u jeedadda safarkiisa   uu ku yimid  London.  Waxaanu  yidhi  “Waxaan u socdaa, shir weyn oo ay qaban qaabisay wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland oo ka dhacaya London maalinta Sabtida beri.

Iyadoo shirkaasi looga gol leeyahay in lagu mideeyo qurbe joogta Somaliland iyo sidii ay ugala shaqayn lahaayeen  xukuumadda siyaasadda arrimaha dibadda iyo horumarka dalka iyo sidii guud ahaan looga wada shaqayn lahaa, ee looga bixi lahaa tafaraaruqa.

Si loo hello ama loo gaadho yoolka aynu leenahay ee ah in qaranka Somaliland uu noqdo qaran ka mida qaramadda caalamka. Shirkaasi ayaan u imid iyo shirar kale oo noo qabsoomi doona”.

Geesta kale madaxweyne ku xigeenka Somaliland waxa  uu sheegay in mudadda uu jooga dalka Ingiriiska in uu kulamo la yeelan doono xubno ka tirsan baarlamaanka dalka Britain iyo sidoo masuuliyiin ka tirsan dawladda boqortooyadda Ingiriiska.

“Waxa kaloo  qorshaysan inta aan joogo Ingiriiska in aan la kulmo baarlamaanka dalka Ingiriiska aqalka sare iyo aqalka hoose-ba.  Dabcan mar haddii aan wadanka Ingiriiska imid wixii kale ee aan dawladda Britain masuuliyiinteeda kala kulmi karo haddii  ay suurto gal noqoto   in aan la kulmo.

IMG-20181130-WA0005

Sidoo kale waxaan la kulmi doonaa jaaliyadda reer Somaliland ee halkan (London) ku sugan oo  jaaliyad weyn ah, oo runtii jaaliyadaha ugu waaweyn ee Somaliland dibadda ka jooga ay London tahay meesha dadka ugu badan joogaan”ayuu yidhi madaxweyne ku xigeenka Somaliland.

soo

Wakiilka Somaliland u jooga dalka Ingiriiska Ayaan Maxamuud Cashuur, oo madaarka ku soo dhawaysay madaxweyne ku xigeenka ayaa  tilmaantay in ay aad ugu faraxsan tahay  in ay soo dhawayso   madaxweyne ku xigeenka, isla markaana ay ka safiir ahaan iyo qurbe jooguba aad u xiisaynayaan khudbadda uu shirk aka jeedin doono.

Danjire, Ayaan Cashuur, oo arrimahaas ka hadlaysay waxay tidhi   “Sharaf weyn ayay noo tahay, ka safiir ahaan iyo jaaliyadda reer Somaliland ee London ku nool oo dhan-ba, in uu maanta  halkan (London) nagu soo booqday  madaxweyne ku xigeenka jamhuuriyadda Somaliland mudane, C/raxmaan C/laahi Saylici.

Madaxweyne ku xigeen, ku soo dhawoow dadkaagii oo kuu diyaar ah. aad iyo aad ayaanu u sugaynaa khudbadda uu beri shirka inoogu furi doono. Wax  weyn-na way noo tahay oo muddo dheer madaxweyne ku xigeenku namuu soo booqan.

Markaa  runtii aad iyo aad ayaanu  madaxweyne ku xigeen kuu so dhawaynaynaa, sharaf weyn-na way noo tahay in aanu halkan (London)  kugu qaabilno”.

 

By: Khadar Cabdi Muuse

SDWO.com/Hargeisa Office

 
,, ,,,.