Monday, December 10th, 2018
Raadi oo Ku qor Halkan wararkii hore

Somaliland Democracy Watch Organisation - SDWO.COM 

To Promote Democracy In Somaliland                 SomalilandNews.net

YOUR ARTICLES

Welcome To SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ----- SomalilandNews.net

Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Somaliland Oo Kulan Sagootina Ceerigaabo Kula Yeeshay 50 Qof Oo Shaqo Ku Guulaystay

Published on December 1, 2018 by   ·   No Comments

Ceerigaabo (SDWO.com): Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda ee Somaliland  Sharmarke Axmed  Geelle, ayaa kulan sabootin ah magaaladda Ceerigaabo kula yeeshay 50-kii qof oo imtixan ku guulaystay.

Guddoomiye Sharmarke Geelle iyo 50-kii Shaqaalaha cusub ee Gobolka Ceerigaabo Dawladdu ka qaadatay

Kuwaasoo wiilasha iyo Gabdhaha iskugu jiray ee ku soo baxay Imtixaankii tartanka ay reer Ceerigaabo iyo deegaanadda hoos yimaada ugu galeen Kaalmihii shaqo ee dawladdu xulanaysay inay shaqaalaha dawladda ka banaan buuxiyaan.

Guddoomiyaha oo maanta Magaaladda Ceerigaabo kulan saboobin iyo dardaaran ahaa  la sii qaatay 50-ka qof ee ku guulaystay Imtixaankii aqoonyahanka bulshada gobolka Sanaag ku dhaqan halkaasi loogu qabtay inay u galaan shaqooyinka dawladdu qaadanayso, ayaa 50-kii qof ee ku guulaystay oo nasiib wanaag laba qof oo walaalo ah oo Wiil iyo Gabadh ahi ka mid yihiin.

Waxa  uu siiyey dardaaran dardaarankaasi oo uu dhamaantood shaqooyinka ay hay’addaha iyo wasaaradaha dawliga ah ee ay ka hawlgeli doonaan 50 muwaadiniin ee aqoonyahanka Gobolka Sanaag ka soo jeedo uu Md Sharmarke Geelle ugu duceeyey uguna Hambalyeeyey in ALLE ku guuleeyo.

Guddoomiye Sharmarke Geelle

Sharmarke Geelle ayaa  hadal guubaabo iyo hambalyadda iskugu jira ee uu u jeediyey kulanka saboobinta ah ee uu la siiyeeshay 50-ka qof ee ku guulaystay Imtixaankii reer Ceerigaabo u galeen kaalmaha shaqooyinka dawladdu qaadatay.

Waxaanu  yidhi “Illaahay fadligii tartantii dhawaan ka qabsoomay Gobolka Sanaag, waxaa wada guulaystay ; Axmed Mohamed Jaamac iyo Faadumo Mohamed Jaamac oo ah laba walaalo ah, waxaanan leeyahay  Hambalyo dhamaan guulaystaayasha 50-ka ah iyo intii calafku doorkan u qorin”.

Guddoomiyaha Hay’adda shaqaalaha dawladda ee Somaliland  waxa uu inta ku daray “Hadii Laba Walaalo Ahi Helayaan, Waa In Aqoon Lagu Tartamo, Wuxuu Ahaa Hal-Hays Iyo Hiigsi In Badan La Rajaynayey In Dalku Gaadho, waxaana balanteenu tahay “Qalin aan Qabiil ku Xidhnayn”ayuu yidhi guddoomiye Geelle.

 

SDWO.com/Hargeisa Office

 
,, ,,,.