Monday, December 10th, 2018
Raadi oo Ku qor Halkan wararkii hore

Somaliland Democracy Watch Organisation - SDWO.COM 

To Promote Democracy In Somaliland                 SomalilandNews.net

YOUR ARTICLES

Welcome To SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ----- SomalilandNews.net

Madaxweyne Muuse Biixi Oo ka Qayb galay Kulan Ay Haween Weynaha Somaliland Qabsadeen

Published on December 5, 2018 by   ·   No Comments

Hargeysa (SDWO.com): Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland  Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta ka qayb-galay kulan ballaadhan oo ay qaar ka mid ah haween weynaha dalku ku qabsadeen caasimadda Hargeysa.

1 2(1) 2 3

Kulankan oo ay soo abaabuleen ururrada iyo dalladaha kala duwan ee haweenka Somaliland ku leeyihiin gobollada iyo degmooyinka dalka, isla markaana lagu faaqidayey caqabadaha haweenka ka haysta dhinaca ka qayb-galka siyaasadda.

Madaxweynaha ayaa   muddo saacado ah haweenka kaga dhegaystay dhibaatooyinka dhinacyada kala duwan ee nolosha ka haysta.  Waxaanu  muujiyey sida uu madaxweyne ahaan diyaarka ugu yahay inuu gacan buuxda uga geysta sidii bulshadu ugu baraarugi lahayd kaalinta mugga leh ee ay haweenku kaga jiraan jiritaanka mujtamaca.

IMG_1321

Muuse Biixi Cabdi,  oo kulankaasi hadal ka jeediyay ayaa si weyn u bogaadiyey kulanka ballaadhan haweenka reer Somaliland ay ku soo bandhigayaan caqabadaha iyo dhibaatooyinka guud ahaanba nolosha ka haysta.

Waxaanu  shaaciyey inuu si toos ah iyo si dadbanba uga hawlgelayo sidii  caqabadahaas looga gudbi lahaa.

Madaxweynuhu wuuu muujiyey sida uu ugu faraxsan yahay inay haweenku si aan qarsoodi lahayn usoo bandhigaan tabashooyinka ay qabaan iyo helitaanka xuquuqda ay aaminsan yihiin inay ka maqan tahay.

“Aad baan ugu faraxsanahay haweenku inay is abaabulaan oo gartooda sheegtaan, aad baanan usoo dhaweynayaa inay tabashadooda kor u sheegaan oo ay si dhiirran uga hadlaan, madaxweyne, xukuumad, Baarlamaan iyo cid kasta oo arrintu ku xidhan tahayba inay la hadlaan oo la maqlo aad iyo aad baan usoo dhaweynayaa” ayuu yidhi madaxweyne Muuse.

Sidoo kale madaxweynaha waxa uu xusay in lagu gudo-jiro sidii looga gudbi lahaa dhammaanba caqabadaha siyaasadeed iyo kuwa dhaqan ee haweenka Somaliland ku gedaaman,  islamarkaana loo baahan yahay sidii loo hirgelin lahaa shuruucdii caqabadahaas lagaga gudbi lahaa.

IMG_1342

Waxaanu  yidhi “Waxaynnu ku jirnaa geeddi-socodkii bulshadeenna waxyaabo badan lagaga beddeli lahaa iyo inay dumarku xuquuqdooda siyaasiga ahi halka la doonayo soo gaadho.

Waxaanay  aynnu ku heshiinaynaa inaynnu geeddi-socodkaa xoojinno, waxana aynnu geeddi-socodkaas ku xoojinaynaa xagga shuruucda.”

4 IMG_1094 IMG_1119 IMG_1131 IMG_1132 IMG_1137

Geesta kale  madaxweyne Muuse   waxa uu haweenka hortooda ka sheegay Inuu xeer madaxweyne kooto ugu xidhay Barnaamijka shaqo qaran  oo ay haweenku si gaar ah imtixaan ugu geli doonaan oo aan wiilasha waxba lala wadaajin doonin, isla markaana ay xukuumaddu diyaarisay xeer kuraas  gaar ah u dabraya haweenka u tartamaya kuraasta goleyaasha deegaanka iyo wakiillada.

Isagoo  haweenkana ka codsaday inay ansaxinta xeerkaas culays ku saaraan goleyaasha guurtida iyo wakiillada.

Guddoomiye-ku-xigeenka ururka haweenka ee NAGAAD,  Marwo Khadra Cumar Xuseen oo ugu horrayn kulanka ibo-furtay, ayaa ku dheeraatay kaalinta ay haweenku kaga jiraan bulshada iyo sidii ay ugu soo dhabar-adaygeen xaaladihii adkaa ee waddanku soo maray.

IMG_1156

Iyadoo na   hoosta ka xarriiqday inay muhiim tahay in abaalkooda il gaar ah lagu eego oo xilalka qaran ee ay xaqa u leeyihiin loo igmado.

Xubno kamid ah labeenta iyo haldoorka haweenka reer Somaliland oo iyaguna madasha hadallo kooban ka jeediyey, ayaa madaxweynaha ku bogaadiyey sida uu waqtiga u siiyey inuu dhegaysto caqabadaha dhinacyada kala duwan ee nolosha ka  haysta haweenka, isla markaana uu diyaarka ugu yahay inuu qaybtiisa ka qaato suulinta caqabadahaas.

IMG_1198

Wasiirrada  wasaaradaha Arrimaha gudaha iyo  Shaqo-gelinta, arrimaha bulshada iyo Qoyska Mudane, Maxamed Kaahin Axmed iyo Marwo Hinda Jaamac Gaanni oo iyaguna kulanka ka hadlay, ayaa ku dheeraaday sida ay lama taabtaanka u yihiin haweenka Somaliland.

Waxaanay  intaas ku dareen in xukuumaddu ku baraarugsan tahay muhiimadda haweenka, islamarkaana ay wixii itaalkeeda ah diyaar ula tahay inay xilal culus u igmato, sida haddaba ka muuqata dhismaha xukuumadda madaxweyne Muuse Biixi hoggaamiyo.

IMG_1141 IMG_1145 IMG_1148 IMG_1151 IMG_1152 IMG_1156 IMG_1157 IMG_1162 IMG_1168 IMG_1170 IMG_1172 IMG_1181 IMG_1198 IMG_1210 IMG_1218 IMG_1229 IMG_1235 IMG_1242 IMG_1259 IMG_1260 IMG_1321 IMG_1342

SDWO.com/Hargeisa Office

 
,, ,,,.