Monday, December 10th, 2018
Raadi oo Ku qor Halkan wararkii hore

Somaliland Democracy Watch Organisation - SDWO.COM 

To Promote Democracy In Somaliland                 SomalilandNews.net

YOUR ARTICLES

Welcome To SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ----- SomalilandNews.net

Laascaanood: Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Oo Hambalyeey 50 Qof Oo Ku Guulaystay Imtixaan

Published on December 5, 2018 by   ·   No Comments

Laascaanood (SDWO.com): Guddoomiyaha hay’adda shaqaalaha dawladda Somaliland, ayaa maanta  xarunta gobolka Sool ee magaaladda Laascaanood  kulan hambalyo iyo sagootin ah kula qaatay 50 qof oo ku soo baxay imtixaan ay u galeen shaqooyin dawladda ka banaan.

G1

Kontontan qof ayaa ku soo baxay imtixaan ay dhawaan hay’adda shaqaaluhu magaaladda Laascaanood kaga qaaday 190 qof oo u tartamay shaqaale cusub oo ay dawladda Somaliland qaadanayso.

Guddoomiyaha hay’adda shaqaalaha dawladda  Sharmarke Axmed Muxumed,   ayaa maanta waxa uu si rasmi ah magaaladda Laascaanood ugu soo bandhigay 50-kii qof ee ku guulaystay shaqooyinka ay dawladdu ka qaadatay gobolka Sool.

Waxaanu  guddoomiye Sharmarke hambalyo iyo duco u diray dhamaan xubnaha nasiibka u yeeshay inay ku soo baxaan imtixaankii dawladdu shaqaalaha ku qaadatay.

Sidaasina waxaa lagu sheegay qoraal uu soo saaray guddoomiyaha hay’adda shaqaalaha dawladda Somaliland oo uu ku faahfaahiyay kulanka uu 50 qof ee guulaystay la yeeshay iyo imtixaankii ay hore u soo galeen.

Qoraalkaasina waxa uu u dhignaa sidan:

“Hambalyo guulaysteyaasha gobolka Sool. Waxaa si habsami ah u soo dhammaaday tartankii gobolka Sool,  halkaasoo hubin iyo kala hufid kadib ay gobolka Sool u ansaxday in ay imtixaanka u fadhiistaan 190 tartame balse ay soo xaadirtay una fadhiisteen imtixaanka 172 tartame.

-Tartamayaasha 172-ka ah ayaa u kala baxayay 134 rag ah halka gabdhahu-na ka ahayeen 38-tartame.

-Ugu dambayn, tartan xalaal iyo xirfad ku dhisan kadib waxaa soo guulaystay 35 wiil iyo 15 hablood.

-Hambalyo dhammaan tartamayaasha Gobolka Sool waxaanan u rajaynayaa mustaqbal wanaagsan

-Kulan is barasho iyo bogaadin ah kadib, waxa aan hadda u soo jeednaa Gobolka Togdheer oo berito Insha Allah ay tartan kaalmo shaqo ka bilaabmayaan halkaas oo ay ku sugan yihiin madaxdii Hay’adda Shaqaalaha Dawladdu”.

G1

SDWO.com/Hargeisa Somaliland

 
,, ,,,.