Friday, May 29th, 2020
Raadi oo Ku qor Halkan wararkii hore

Somaliland Democracy Watch Organisation - SDWO.COM 

To Promote Democracy In Somaliland                 SomalilandNews.net

​ ​

YOUR ARTICLES

Welcome To SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ----- SomalilandNews.net

Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Kormeeray Mashaariic Ka Socda Berbera

Published on December 25, 2018 by   ·   No Comments

Berbera (SDWO): Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland   Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici),  ayaa saaka kormeer ku soo maray mashaariic horumarineed oo xukuumadda iyo Dawladda hoose ee Berbera ay ka hir-geliyeen Berbera.

48420557_1959264997520677_3002509321922674688_n 48424388_1959264477520729_6214837588780384256_n

Madaxweyne ku xigeenka oo maalmahanba kormeer ku marayay goboladda Togdheer iyo Saaxil, ayaa maanta soo indha-indheeyay meelaha ay ka socdaan mashaariicda horumarineed ee magaaladda Berbera.

Mashaariicdan uu Madaxweyne ku-xigeenku kormeeray ayaa waxa kamid ahaa Cusbitaallo casri ah iyo goobo waxbarasho.

48954563_1959264547520722_3257571186065801216_n 49010360_1959264254187418_5267839661274824704_n

Sidoo  kale Madaxweyne ku-xigeenku waxa uu kormeeray waddooyin tirro badan oo laga dhisay gudaha magaaladda berbera iyo goobo casri ah oo loogu tallo galay goobaha laga raaco basaska dadku isticmaalaan (Bus Station).

Cabdiraxmaan Saylici,  oo khudbad dheer ka jeediyay xarunta dawladda hoose ee magaaladda Berbera.

48405606_1959264140854096_4834141294018166784_n

Waxaanu   yidhi “Maanta waxaan kor-meeray mashaariic farabadan oo la qabtay runtiina waa wax lagu farxo, waanan bogaadinayaa maayirka iyo dawladda hoosaba.

Waxaanan  kula dardaarmayaa dagmooyinka kale ee dalka inay sidda Berbera oo kale noqdaan, shahaado ayuu ku mutaystay waxbaqadka maayirka berbera waana hambalyaynaynaa”.

48427628_1959264797520697_629971350412328960_n1

“Waxaan jecelahay inaad dar-dar gelisaan waxqabadkiina, muhiim maaha in lacag badani idin soo gasho laakiin muhiimadu waa inaad tayaysan tihiin, inaad isla-xisaabtan leedihiin, inaad isku-xidhnaansho leedihiin”ayuu yidhi C/raxmaan Saylici.

49061395_1959264704187373_588869999448293376_n 49085620_1959264110854099_8973891770475610112_n

Maayarka maagaladda Berbera Cabdishakuur Maxamuud Xassan (Cidin) ayaa madaxweyne ku-xigeenka uga warbixiyay halka ay marayso mashaariicda horumarineed ee sanduuqa JPLG-ga laga maal-geliyo.

Isagoo  maayarku sheegay in berberi tahay magaaladda kaliya ee sidii loogu tallo galay uga faa’iday barmaamijka maamul daadajinta iyo horumarinta dawladaha hoose ee JPLG-ga.

49441993_1959264610854049_201133816687886336_n 49551477_1959264214187422_6005047716478976000_n

Wasiirro ka mid ahaa waftiga madaxweyne ku-xigeenka ayaa halkaasi su’aallo la xidhiidha qaabka ay u shaqayso dawladda hoose ee berbera ku waydiiyey maayirka,iyo xoghayaha dawladda hoose ee Berbera.

 

SDWO.com/Hargeisa Office

 
,, ,,,.