Saturday, November 28th, 2020
Raadi oo Ku qor Halkan wararkii hore

Somaliland Democracy Watch Organisation - SDWO.COM 

To Promote Democracy In Somaliland                 SomalilandNews.net

​ ​

YOUR ARTICLES

Welcome To SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ----- SomalilandNews.net

Luul Xasan Mataan Oo ka Hadashay Mustaqbalka Carruurta Derbi Jiifka ah

Published on December 29, 2018 by   ·   No Comments

Hargaysa (SDWO):-Agaasimaha Xarunta Xannaanaynta iyo Dhaqancelinta Carruurta darbi jiifka ee Hargeysa iyo Boorama Marwo Luul Xasan Mataan, ayaa ka digtay halis ka dhalan karta mustqabalka carruurta derbi jiifka ah.

Haddii  aan looga gurman dayaca ay ku nool yihiin oo aan loo naxariisan.

Luul-310x325

Marwo Luul, waxa kale oo ay ka hadashay falal tuugo ah oo carruurta lagu xado iyo sida ay uga hawl galeen iyo carruur badan oo la soo xaday oo ay booliska iska kaashadeen soo qabashadooda isla markaana ay gacanta ku soo dhigeen.

Waxaanay  ka war bixisay carruur derbi jiif ahayd oo ay dhaqan celin ku sameeyeen oo ay wax bareen, ka dibna dib ula midoobay qoysaskoodii oo qaar badan oo ka mid ahi ay imika shaqeeyaan.

Marwo Luul oo waraysi gaar ah siisay wargeyska Dawan, ayaa intaa raacisay talo ay u dirtay waalidiinta oo ay ku boorrisay in ay mar kasta ku dedaalaan in ay ka war hayaan ubadkooda oo ay ogaadaan hadba halka ay ku maqan yihiin si ay uga hor tagaan in carruurta la xado.

Marwo Luul oo ugu horrayn ka hadlaysa halis ka iman karta mustaqbalka carruurta darbi jiifka ah haddii la dayaco.

“Waa dhibaato qaranka oo dhan u taalla oo dhammaanteen in aynu wax ka qabano ina wada sugaysa, ganacsatada ururada maxaliga ah iyo shacabkaba waxaa loo baahan yahay in aynu gacmaha is qabsano oo aynu ku dedaalno sidii loo daryeeli lahaa carruurta darbijiifka ah oo aan cidna lagu hallayn.

Waana carruur cuqdad ku koraysa oo la adeegsan karo oo la odhankaro adba cidi kaamay naxayn, markaa waa in aynu ku baraarugsanaanaa halis ka iman karta dayacnaantooda oo aynu ka hor tagnaa intaan cadaw adeegsan”ayay tidhi Luul Xasan Mataan.

Sidoo kale wxay ka hadlaysay carruurta la xado iyo meelaha laga xado, ayaa tidhi.“Carruurta Somaliland laga xado Soomaaliya ayaa la geeyaa, carruurta laga soo xado Soomaaliyana waxaa la mariyaa Somaliland.

Gaar ahaan Wajaale si loo marin habaabiyo, carruur badan oo la xaday ayaan ku guulaysanay oo aanu helnay kuwo Jabuuti laga soo xaday.

Kuwo kililka shanaad iyo magaalada Jigjiga laga soo xaday waanu celinay iyo kuwo magaalooyinkeena laga soo xaday waanu ku guulaysanay.

waxaana loo baahanyahay in waalidku feejignaan sameeyaan carruurtu way dayacan yihiin, waalidiintuna ma odhanayaan xagay ku maqanyihiin carruurtii, dumarkiina bariiskii carruurta ayay raadinayaan, waxaanan leeyahay carruurta ha laga warhayo, waxaanad mooddaa in ay soo yaraanayaan carruurta la xadayaa waana cudurkaa Tahriibka oo kale shaqo abuur ayaa laga samaystay oo dad ayaa lacag ku qaata oo carruurteenii iibinaya”.

Iyadoo hadalka sii watayna waxay tidhi  “Waana budhcad carruureed isku xidhan oo maafiyo ah ciidanka booliska waanu ka wada hadalnay waanan ku guulaysanay carruuro badan oo la xaday in aanu soo badbaadino waana in askarta kaantaroolada joogtaa ilmaha gaadhi lagu sido baadhaan oo ay waydiiyaan ilmahan meesha uu ka soo jeedo.”

Waxay sheegtay in carruurta ay dhaqanta u sameeyaan ay u qaybsamaan carruurta agoonta ah iyo caruurta aabbaha iyo hooyadu ay kala tagaan.

waxaanay tidhi “Hargaysa waxaanu ku leenahay Xarunta Xannaanaynta iyo Dhaqancelinta ee carruurta darbi jiifka xaruntii labaad ee darbijiifkana waxa dhismihiisu ka socdaa magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal.

Waxaana carruurta Darbijiifku u qaybsamaan carruurta agoonta ah carruurta aabbaha iyo hooyadu kala tagaan Carruurta danyarta ah oo baahidu dibedda usoo saartay iyo carruurta lagu shaqaysto ee biyaha ku dhaamiya dameeraha waana carruur Somaliland u dhalatay dhamaantood.”

 

SDWO.com/Hargeisa Office

 
,, ,,,.

Wararka Keydka

Mashruucii Ramadan ka ee Afuri walaal baahan ee SDWO Relief Project isku geyn waxa na soo gaadhay $2480.00 oo sadaqooyin ah anagoo isla shalay maalintii Ramadanta ka horeysay ka gaadhsiinay in aan raashin ugu qaybino ilaa afartan qoys oo danyar ah

Mashruucan Ramadaan ka ee Afuri walaal baahan ee SDWO Relief Project waa msahruuc sanad leh ah oo soo ...

Ka qaybqaado Barnaamijka SDWO Relief Project ee Sanadlaha ahaa ee Afurinta Dadka Danyarta ah ee Xaafada Daami – Ka faaiidayso Ajarka Bisha Barakaysan ee Ramadan

Afuri walaal baahan  oo Ka qaybqaado Barnaamijka SDWO Relief Project ee Sanadlaha ahaa ee Afurinta Dadka Danyarta ah ...

Dowlada Itoobiya oo isku diyaarinaysa dagaal ay la gasho dalka Masar iyadoo hub casri ah ka dalbatay dalka Fransiiska

  Wergeys ka soo baxa dalka Faransiiska oo la yiraah  LE Point oo ah Weekly French Political News & ...

Xasuusta Dhagaxtuurka iyo Xuska Macalinkaygii Maalintaas (20-ka February 1982) Aheey Ah Maskaxadaa Laga Abaaroobay

Allah ha u naxriistee Xuseeen Cabaase Axmed (Qawdhan) waxa uu ahaa macalinkaygii maalmo aan badnayn wakhtigu kumuu simin ...

Lacag 10 dollar ah oo si qayri sharci ah dadka cashuurta wasaarada maaliyada bixinaya loogu qasbo inay siiyaan shaqalaha xafiiskaas ka hawlgala

  Waxa iseydiin mudan sababta shacbigu uga aamusanyahay musuqmasaq cad oo wasaarada maaliyadu u sharciyeysay shaqalaheeda. Qofkaste oo cashuurta ...

Caawi – Najax Xasan Maxamud waa Gabadh Xanuusanaysay oo beryhananba ka dhex muuqatay social media ha iyadoo Burco dhexwareegaysa ayaa lagu guulaystay in Hargeysa lagu soo celiyo oo la daryeelo

Daawo labadan clib kan  hroe waa markii hareyga lagu soo celiyey iyadoo caafimaad ahaan aad u wanaagsantay tan ...

Jeel Ogadeen: Daawo Documentary Xanuun badan oo ku saabsan ciqaabtii iyo dulmigii ka jirey Jeel Ogaadeen ee jigjiga

Xabsigan ayaa la ogaaday in kumanaan qof si xun loogu ciqaabay. qaarkoodna ciqaabtii ku dhinteen.  ku indho beeleen ...

Hees Cusub oo aad u qiiro badan oo lagu xusay maalintii Shuhadada SNM 17ka October

Hees ka hadlaysa mujaahidiintii xoreynta dalka dhiigooga u soo hurey iyo sidey imika ugu dhex dayacanyahiin dalkii oo ...

Send Money to Your Loved Ones Through Globalsend

   

Wasiirka Warfaafinta Somaliland oo sheegay in BBC Somaligu ay ka baxday Dhexdhexaadnimadii, waxaanu sheegay inay ka sugayaan Jawaabta cabashadii ay u gudbiyeen

  Qoraalka Hoose waa Petition kii ama mooshinkii 3600 oo qurbajooga Somaliland ee ku kala dhaqan 59 wadan ay ...

SDWO - Warbixino iyo Taariikh

Xus oo Xasuusnow – Hawlgalkii balaadhnaa ee Mujaahid Cabdilaahi Askar lagala baxay miiskii Saraakiisha ee Hargeysa 12kii April 1983 oo la rabay in aroornimada la toogto

Qalinkii – Boobe Yusuf Ducaale Hargeysa – Sheekadan qiirada leh ee dhabta ah ee ka hadlaysa farsamadii iyo geesinamdii ...

Daawo: Sooyaalka habdhismeedka ciidanka qaranka iyo taariikhahii uu soo maray

Waa Barnaamij aad u xisabadan oo ka hadlaya xaaladahii iyo duruufahii kala duwanaa ee uu soo maray dhismaha ...

Sidii aan u diley Osama Bin Laden – Markii u horeysay ayaa askari ka mid ah kuwii ugu galay qolka Bin Laden ee toogtay ayaa faahfaahin ka bixiyey sidii uu dilkiisu u dhacay

SDWO (London 04/09/2012) Osama Bin Laden waxa laga toogtay Madaxda ka dib markii uu qolkiisii hurdada albaabka intuu ...

Aljazeera warbixin xiisobadan: Waa Maxay Faraqa u dhexeeya dhalinyarada Jihaadka uga imanaysa dalalka Yurub iyo Maraykanka ee ka barbar dagaalamaya ciidamada Israel iyo Dhalinayrada ka barbar dagaalamaysa Kooxaha Syria iyo Somalia

31/07/2014 (SDWO.COM & SomaliladnNews.net)  Hanine Hassan waa ardayd shahaadadaPHD ka bilaabaysa Jaamacada Columbia University ee dalka Maraykanka.  Waxaanay ...

History 1974: Siyadd Barre and Emperor Haile Selaasie met during African Unity Summmit in Mogadisho

I found these historic photos in Djibouti with a professional photographer  in Djibouti.  He told me that his deceased ...

Nin ka mid ahaa raggii ugu sareeyay dhinaca security ga Qadaafi oo ka warbixiyey maalmahii u danbaysay ee nolashii qadaafi mudadii uu dhuumalaysiga ku jiray iyo markii gaadhigii ay wada saarnaayeen ay diyaaradahu duqeeyeen

Mansour Daoud wuxuu ka mid ahaa raggii ugu sareeyay dhinaca security ga ee keligii taliyahii la dilay ee ...