Monday, March 18th, 2019
Raadi oo Ku qor Halkan wararkii hore

Somaliland Democracy Watch Organisation - SDWO.COM 

To Promote Democracy In Somaliland                 SomalilandNews.net

YOUR ARTICLES

Welcome To SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ----- SomalilandNews.net

Golaha Wakiiladda Oo Ansixiyay Miisaaniyad Sanadeedka 2019-ka

Published on December 29, 2018 by   ·   No Comments

Hargeysa (SDWO): Golaha Wakiiladda jamhuuriyadda Somaliland ayaa maanta ansixiyay miisaaniyad sanadeedka 2019-ka oo maalmahanba ay xildhibaanadu dood ka lahaayeen.

New-Picture-1-678x381

Fadhiga maanta ee golaha waxaa  shir-guddoominayay guddoomiyaha golaha Wakiiladda Baashe Maxamed Faarax.

Waxaana  fadhiga joogay 60 xubnood oo ka mida 82-ka mudane ee aqalkaasi ka kooban yahay, ayaa kadib markii uu guddoomiyuhu fadhiga furay waxaa cod loo qaaday odoroska miisaaniyad sanadeedka oo uu la socday lifaaqa guddiga dhaqaalaha ee golaha Wakiiladda.

Markii codka ansixinta loo qaaday miisaaniyadda 2019-ka waxaa ogolaaday 46 xildhibaan, waxaana diiday 12 mudane, 1 xildhibaan ayaa ka aamusay, guddoomiyuhu-na muu codaynin.

Sidaas ayaanay  ku ansaxday odoroska miisaaniyada qaranka , oo uu la socday  wax ka bedelkii gudida dhaqalaha ee golaha Wakiiladda jamhuuriyadda Somaliland.

Halkan Ka Akhri Lifaaqa Miisaaniyadda:

Liifaqa-Misaaniyyada-2019

d

Geesta kale guddoomiyaha ayaa xildhibaanadda u sheegay kadib markii miisaaniyadda la ansixiyay in goluhu galay fasax 2 bilood ah.

Kaasoo ka bilaabmaya 30-ka bishan December.

 

SDWO.com/Hargeisa Office

 
,, ,,,.