Tuesday, March 19th, 2019
Raadi oo Ku qor Halkan wararkii hore

Somaliland Democracy Watch Organisation - SDWO.COM 

To Promote Democracy In Somaliland                 SomalilandNews.net

YOUR ARTICLES

Welcome To SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ----- SomalilandNews.net

Wargeyska Standard Oo Baahiyay Mawqifkii Somaliland Iska Taagtay Mastaafurintii Nicholas Haysom

Published on January 4, 2019 by   ·   No Comments

Kenya(SDWO): Qaar ka mid ah warbaahinta caalamka ayaa falanqeeyay  war-saxaafadeedkii Xukuumadda Somaliland Arbacadii shalay  ku naqdiday tallaabadii dawladda Soomaaliya dalkeedda kaga saartay  ergayga Qarammada Midoobay Mr. Nicholas Haysom.

hayson

Siday ku warantay Wakaallada Wararka Somaliland ee SOLNA,  Wakiilka Somaliland u fadhiya Kenya Baashe Cawil Cumar,  ayaa   Wargeyska Standard ee ka soo baxa dalka Kenya  u sheegay inay jiraan  ajandeyaal u qarsoon dawladda Muqdisho.

Kuwaasoo sababay  in ay Soomaaliya ku dhawaaqdo  mastaafurinta  ergeyga Qarammada Midoobay Nicholas Haysom.

Danjire Baashe Cawil,   wuxuu intaas ku daray inay  Nicholas Haysom uu  dedaal geliyey sidii dib loogu bilaabi lahaa wadahadalka u dhexeeya Somaliland Iyo Soomaaliya.

Waxa kaloo uu caddeeyey in Somaliland kala shaqeynayso beesha caalamka sidii loo furdaamin lahaa  arrimaha ka taagan mandaqada Geeska Afrika.

Wakiilka Somaliland u fadhiya Kenya,  wuxuu  u xaqiijiyey Warsidaha Standard  in aanu  khusaynin Somaliland go’aanka tarxiilka ergayga Qarammada midoobay.

Waxaanu   xusay In Jamhuuriyadda Somaliland  ay si mugle ula shaqeynayso Wakiillada UN-ka ugu sareeya ilaa heerka ugu hooseeya.

Sidoo kale, waxa danjire Baashe Cawil uu ku ammaanay qarammada midoobay inay kaalin weyn ka qaadatay gargaarka bini’aadanimada Soomaalida.

 

SDWO.com/Hargeisa Office

 
,, ,,,.