Monday, March 18th, 2019
Raadi oo Ku qor Halkan wararkii hore

Somaliland Democracy Watch Organisation - SDWO.COM 

To Promote Democracy In Somaliland                 SomalilandNews.net

YOUR ARTICLES

Welcome To SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ----- SomalilandNews.net

Madaxweynaha Somaliland Oo Qaabilay Wefti Ka Socday Dawladda Ingiriiska

Published on January 6, 2019 by   ·   No Comments

Hargaysa (SDWO): Madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta qaabilay wefti balaadhan oo ka socday dawladda Ingiriiska, kaasoo booqasho hal maalina ku yimid caasimadda Hargaysa.

49489224_1977048082409035_617259131979431936_n 49509417_1977049102408933_5092515505659445248_n 49512204_1977049062408937_7673402353583652864_n 49539462_1977048705742306_5380685614830059520_n

Weftigan ka socday dalka Ingiriiska waxaa hogaaminayay wasiirka difaaca dawladda Britain Mr. Gavin Williamson, oo ay wehelinayeen xubno kale oo masuuliyiin ah.

49569649_1977048355742341_7353564312373297152_n 49596151_1977048785742298_1249200841588473856_n

Sidaasina waxaa lagu sheegay war-saxaafadeedka ka soo baxay xafiiska af-hayeenka madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland.

War-saxaafadeedkaasina waxa uu u dhignaa sidan:

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Oo Xafiiskiisa Ku Qaabiley Wasiirka Difaaca Dawladda Ingiriiska Oo Maanta Booqasho Ku Yimid Dalka.

49612713_1977050085742168_1026423636724023296_n 49678593_1977048402409003_9125157117026631680_n

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaabiley Wasiirka Difaaca ee Dalka Ingiriiska, Mudane Gavin Williamson oo booqasho rasmi ah ku yimid Jamhuuriyadda Somaliland.

Kulankan oo ahaa mid saacado qaatay ayaa lagaga wada hadlay sidii loo xoojin lahaa xidhiidhka soo jireenka ah ee ka dhexeeya Jamhuuriyadda Somaliland iyo Boqortooyada Ingiriiska oo ay Somaliland xoriyadeeda ka qaadatay 1960-kii.

49680337_1977048462408997_1264566546651414528_n 49813282_1977049215742255_9071470545517674496_n

Iyadoo safarka wasiirkuna uu yahay safarkii u horeeyey ee masuul haya xilka wasiirka difaacu uu ku yimaado Jamhuuriyadda Somaliland.

Waxaanu kulankaasi ku soo dhammaaday is-afgarad buuxa iyo in la sii xoojiyo cilaaqaadka labada dal ee Ingiriiska iyo Somaliland, lana dar-dar geliyo horumarinta arrimaha iskaashi ee ka dhexeeya labada waddan.

49938221_1977048749075635_1212642814404329472_n (1) 49938221_1977048749075635_1212642814404329472_n

Waxaana Madaxweynaha kulankan ku wehelinaayey Wasiirrada Arrimaha Dibedda iyo iskaashiga caalamiga ah, gashaandhigga iyo Safiirka Jamhuuriyadda Somaliland u qaabilsan Dalka Ingiriiska”.

96_n 49410027_1977048072409036_2687095638193078272_n

ALLAA MAHAD LEH

Maxamuud Warsame Jaamac

Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.

 
,, ,,,.