Tuesday, March 19th, 2019
Raadi oo Ku qor Halkan wararkii hore

Somaliland Democracy Watch Organisation - SDWO.COM 

To Promote Democracy In Somaliland                 SomalilandNews.net

YOUR ARTICLES

Welcome To SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ----- SomalilandNews.net

Madaxweyne Ku Xigeenka Oo Kormeeray Mashaariic Horumarineed Caasimadda Hargaysa Laga Higeliyay

Published on January 6, 2019 by   ·   No Comments

Hargaysa (SDWO): Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland ayaa maanta kormeer ku tegay xarunta dawladda hoose ee  Hargaysa iyo goobo ka mida meelaha laga fuliyay mashaariicda horumarineed ee caasimadda.

49273018_1977044792409364_6988025319462535168_n 49398602_1977045309075979_5193066282106224640_n 49400022_1977045342409309_6016435053465174016_n 49454794_1977044175742759_1624078828567527424_n

Kormeerka madaxweyne ku xigeenka ayaa  salka ku hayay u kuur-gelida mashaariicda horumarineed ee laga maalgeliyay barmaamijka JPLG-ga sida uu uga socdo gudaha caasimadda Hargaysa.

49465066_1977045749075935_3283897024897875968_n (1) 49465066_1977045749075935_3283897024897875968_n 49561009_1977046142409229_2777413427423870976_n 49571767_1977045295742647_7909296736462438400_n

Waxaana ka mid ahaa goobihii uu madaxweyne ku xigeenku kormeerka ku soo maray xarunta guud ee Dab-demiska Hargaysa iyo dhawr Sariibadood oo laga dhisay xaafadaha ay degan yihiin dadka danyarta ah.

Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa markii uu tegay xarunta dawladda hoose ee Hargaysa waxaa halkaa ku qaabilay maayarka caasimadda iyo xildhibaanadda golaha degaanka Hargaysa.

49594186_1977043395742837_4081116927257214976_n (1)49697078_1977044742409369_7056840196012113920_n 49779896_1977043295742847_5145128356819238912_n 49787297_1977043842409459_1569867931746041856_n (1)

Madaxweyne ku-xigeenka  oo hadal ka jeediyay kadib markii uu kormeerka ku soo maray goobaha ay ka socdaan mashaariicda laga maalgeliyay barnaamijka JPLG-ga  ayaa sheegay in dawladda hoose ee caasimadda Hargaysa looga baahan yahay inay hormood u noqdaan  goleyaasha degaanka dalka.

Waxaanu C/raxmaan Saylici,   talooyin u soo jeediyay xildhibaanadda golaha degaanka ee caasimadda. Waxaanu yidhi “Idinku (dawladda hoose ee Hargaysa) waxaad tihiin caasimadii, waa Ishii dalka.  Waxaa loo baahan yahay in aad hormood noqotaan, haddii ay canaantu idinku badata na waxaanu jecelnahay in aad sii dheeraysaan.

Maanta  waxan aad soo bandhigteen waa horumar weyn.  Laakiin, waxaa laga yaabaa in aanay muuqan.  Waxaa  loo baahan yahay in aad horumarka ugu horaysiisaan nadaafadda”.

49671241_1977046469075863_4772345480656977920_n 49694536_1977046419075868_4978800259313434624_n 49694563_1977046202409223_7862526548358725632_n 49696714_1977043345742842_6342555253145075712_n

“Waxaan  idinkula dar-daarmayaa in aad xafiisyadda ku qaadataan saacadihiina shaqo oo aanay dhicin in la idin waayo. Waanan idiinku hambalyaynayaa shaqadaa culus ee aad qabateen” ayuu yidhi Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland.

Maayarka caasimadda Hargaysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco) ayaa madaxweyne ku-xigeenka warbixin ka siiyay mashaariicda horumarineed ee ka socda magaaladda.

49864298_1977046109075899_2191172721054842880_n 49896447_1977045672409276_5287621967107588096_n 49949460_1977044205742756_1929343556116283392_n 50170642_1977046479075862_1555193948345991168_n

Isagoo arrimahaas faahfaahinayayna waxa uu yidhi“Madaxweyne ku-xigeen,  waxaanu halkan ku soo bandhignay waxa nooga qabsoomay barmaamijka JPLG-ga.  Waxaanu  hirgelinay ku dhawaad 30 waddo oo cusub, xarumo caafimaad iyo xarumo waxbarasho.

49837042_1977044849076025_4868610992138878976_n49697078_1977044742409369_7056840196012113920_n (1)

Waxaanu  bixinaa gunnadda iyo mushaharka qaar ka mida macalimiinta dugsiyadda caasimadda.  Waxaanu  lacag kab ah siinaa dugsiyo, dhamaanteed na waa taa la soo bandhigay ee aynu soo aragnay. Waxa  suurta gala in aanay waxaas aanu dhisaynaa muuqan,  sababtoo ah waa magaalo weyn oo ay ku nool yihiin dad gaadhaya 1 milyan iyo 200,000 oo qof”.

49273018_1977044792409364_6988025319462535168_n 49398602_1977045309075979_5193066282106224640_n 49400022_1977045342409309_6016435053465174016_n 49454794_1977044175742759_1624078828567527424_n

Geesta kale hawl-wadeenadda barnaamijka maamul-daadejinta ee barnaamijka JPLG-ga iyo xubno ka tirsan golaha wasiirradda ayaa iyag-na dhankooda ka makhraati kacay kor-u-kaca  ay caasimadu samaysay mudadii uu jiray barnaamijka JPLG-gu.

 

SDWO.com/Hargeisa Office

 
,, ,,,.