Friday, January 18th, 2019
Raadi oo Ku qor Halkan wararkii hore

Somaliland Democracy Watch Organisation - SDWO.COM 

To Promote Democracy In Somaliland                 SomalilandNews.net

YOUR ARTICLES

Welcome To SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ----- SomalilandNews.net

Madaxweynaha Jabuuti Oo Qaabiley Wasiirka Gaashaandhiga Itoobiya

Published on January 10, 2019 by   ·   No Comments

Jabuuti (SDWO): Madaxweynaha jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabiley wasiirka gaashaandhiga dawladda Itoobiya  Caasha Maxamed, oo booqasho ku tegtay Jabuuti.

301

Kulanka uu madaxweynaha Jabuuti la yeeshay wasiirka gaashaandhiga Itoobiya ayaa la sheegay in ay kaga wadahadleen arrimo la xidhiidha sidii loo sii xoojin lahaa xidhiidhka labadda dal.

Madaxweyne Geelle, waxaa kulankaasi ku wehelinayay xubno ka mida golahiisa wasiirrada, halka sidoo kale-na wasiirka gaashaandhiga Itoobiya ay la socdeen masuuliyiin.

Kulankaasi markii uu soo dhamaaday ayaa waxa warbaahinta si wada jira faahfaahin uga siiyay wasiirka gaashaandhiga Jabuuti iyo sidoo kale wasiirka gaashaandhiga ee Itoobiya.

 

SDWO/Hargeisa Office

 

 
,, ,,,.