Tuesday, March 19th, 2019
Raadi oo Ku qor Halkan wararkii hore

Somaliland Democracy Watch Organisation - SDWO.COM 

To Promote Democracy In Somaliland                 SomalilandNews.net

YOUR ARTICLES

Welcome To SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ----- SomalilandNews.net

Guddoomiye Ku-Xigeenkii 1aad Ee Xisbiga UCID Oo Xilkii Laga Qaaday

Published on January 13, 2019 by   ·   No Comments

Hargaysa (SDWO): Xisbiga mucaaradka ah ee UCID ayaa sheegay in ay xilkii ka qaadeen guddoomiye ku xigeenkii koowaad ee xisbigaasi C/naasir Xasan Buuni.

download

Kadib shir ay maanta xarunta dhexe ee xisbigaasi ku yeesheen guddiga fulinta iyo guddiga anshaxmarinta ee xisbigaasi ayay ka soo saareen go’aanka xil ka qaadista.

Shirka oo uu shir-guddoominayay guddoomiyaha xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, ayay ku shaaciyeen in ay xilkii iyo xubin-nimadiiba kaga qaadeen C/naasir Xasan Buuni.

Xoghayaha guud ee xisbig UCID ayaa faahfaahin ka bixiyay qodobadda ay u cuskadeen xil ka qaadista guddoomiye ku-xigeenka koowaad.

SDWO/Hargeisa Office

 
,, ,,,.