Sunday, August 25th, 2019
Raadi oo Ku qor Halkan wararkii hore

Somaliland Democracy Watch Organisation - SDWO.COM 

To Promote Democracy In Somaliland                 SomalilandNews.net

​ ​

YOUR ARTICLES

Welcome To SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ----- SomalilandNews.net

Saldhigii Meleteri ee Dowlada Imaaraadku kula heshiisay Somaliland inay ka furato Berbera oo sidii qorshahu ahaa bisha June ee sanadkan la furidoono

Published on March 13, 2019 by   ·   No Comments

Saldhigan Meleteri ee dawlada imaaradka carabtu ka furanayso magaalda Berbera ayaa waxa ku jira in sidoo kalena ay la wareegtao garoonka diyaaradaha ee Berbera oo garoon meteri ka dhigato.  Heshiiskana waxa ku jirta inay horta dhisaan goroon kale oo shacbigu isticmaalo.

Waxa la isweydiinayaa siday suurtogal u noqonayso in Imaaraadku la wareego garoonkii Berbera bishan June iyagoon weli dhisin madaar kale oo diyaaradaha Rayidku isticmaali karaan.

Heshiiska ayaa waxa kale oo ka mid ahaa inay tayeyn xaga tababarka iyo qalabaynta ay ku samayndoonaan ciidanka meleteriga Somaliland.  Waxa kale oo ka mid ah inay Berbera ku rakibayaan qalab lagu ilaaliyo dhamaan xeebaha Somaliland oo lagula socon karo dhaqdhaqaaqooga.

Ilaa hada wax wara oo ka soo baxay booqashada Madaxweyne Muuse ku jooga imaaraadka carabtu ma jirto, hase yeeshee waxa loo badinayaa inay arintan saldhiga meleterigu kow ka tahay.  Waxaana la sugayaa markuu weftiga madaxeynahu soo noqdo siday uga hadlaan wixii ay imaaradka kula soo heshiiyeen.

 
,, ,,,.