Sunday, August 25th, 2019
Raadi oo Ku qor Halkan wararkii hore

Somaliland Democracy Watch Organisation - SDWO.COM 

To Promote Democracy In Somaliland                 SomalilandNews.net

​ ​

YOUR ARTICLES

Welcome To SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ----- SomalilandNews.net

Madaxweyne Muuse Biixi iyo weftigii uu hogaaminayey oo dalka ku soo laabtay iyadoo si aad u heersaraysa looga soo macasalaameeyay Abu dhabi

Published on March 14, 2019 by   ·   No Comments

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo weftigii uu hoggaaminayey oo safar shaqo ugu maqnaa dalka Imaaraadka Carabta, ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay.

mdxmuse4

Madaxweynaha iyo weftiga oo hoggaaminay oo safar shaqo oo lix maalmood qaatay ugu maqnaa dalka Imaaraadka, ayey diyaarad khaas ahi kasoo dejisay madaarka caalamiga ah ee Cigaal International Airport, waxana madaxweynaha madaarka kusoo dhaweeyey xubno kamid ah golaha wasiirrada iyo maamulka gobolka Maroodi-jeex.

mdxmuse2

Af-hayeenka madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Maxamuud Warsame Jaamac oo weftiga kamid ahaa, ayaa Socdaalka madaxweynaha iyo guulihii horumarineed ee safarkiisa shaqo uu qaranka usoo hooyey saxaafadda uga warramay Af-hayeenka madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Maxamuud Warsame Jaamac, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Madaxweynaha iyo masuuliyiinta dawladda Imaaraadku waxa ay kaga wada-hadleen kulamadooda arrimo badan oo ay kamid yihiin ammaanka guud iyo horumarka mandaqadda Geeska Afrika, xoojinta xidhiidhka labada dal ee Jamhuuriyadda Somaliland iyo Imaaraadka Carabta, koboca dhaqaalaha, maalgashiga, macdanta iyo Tamarta, Iibka xoolaha dalka Jamhuuriyadda Somaliland, Dalxiiska, horumarinta xeebaha iyo kalluumaysiga, isu socodka labada shacbi iyo isu-furka suuqyada dalalka Jamhuuriyadda Somaliland iyo Imaaraadka Carabta iyo dardargelinta heshiisyadii iyo hawlihii horumarineed ee mashaariicda waaweyn ee ay labada dal muddooyinkii ugu dambeeyey wadaagayeen.”

mdxmuse5

Madaxweynaha iyo xubnaha weftiga ah ee uu hoggaaminayo, ayaa muddadii ay safarka ahaayeen kulamo la lahaa madaxda iyo saraakiisha kala duwan ee ee ugu sarraysa dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta, waxana ay kulamadaasi kusoo dhammaadeen guul iyo is Af-garad buuxa.

mdxmuse8 afhayeen mdxmuse7 mdxmuse6   mdxmuse3  mdxmuse1

 
,, ,,,.